Writen by Qaran News |

QAABKA DOORASHOOYINKA EE AYNU QAADANAY , QAABKII HORE , HALKA QALOOCU INAGAGA JIRO IYO XALKA MUSTAQBALKA .

Somaliland waxa loo dejiyey dastuur ay ka farcamaan xeerar ay sameeyaan goleyaasha xeer dejinta dalku kuwaasi oo dhamaantood ku fadhiya habka dimuqaeadiyada casriga ah ee qofku uu isagu wax doorto lana dooran karo .

Ujeedada qofka muwaadinka ah loo siiyey in uu wax doorto waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay oo ay tahay in uu hadba inta soo istaagta ku kala xusho isaga oo eegaya danta dalka , danta dadka iyo waliba danta diinta iyo dhaqanka umadeed ee aynu leenahay.

Hadii aad lumiso oo wax aan aheyn intaasi aad wax ku doorato waxa ay noqonaysaa in aad lumisay xaqaagii iyo xaqii dalka iyo diintuba kugu lahaayeen , waxaana aad umada u horseeday hadimo.

Habkan doorashada ee qof iyo cod waxa ka horeeyey qaab kale oo isaguna ahaa hab doorasho oo ka duwanaa, waxa laga soo xuli jirey beelaha iyo qabiilada Somaliland ergooyin ka qayb gala shir beeleedka lagu dooranayo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo xubnaha labada aqal ee wakiilada iyo guurtida.

Shirkaasi marka hore waxa la soo xuli jirey xubnaha golaha wakiilada iyo golaha Guurtida oo ay ergadu soo dooran jireen, dabadeedna waxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka dooran jirey xildhibaanada labada gole ee Guurtida iyo wakiilada fadhi wadajir ah.

Runtii waxa uu ahaa xiligiisii nidaam wanaagsan oo ay ku yimaadaan dad xul ah oo umada iyaguna u xula hogaan wanaagsan oo qaranka hogaamiya 5 sanadood ee dambe iyo ku xigeenkiisa.

Halka hadaba ilaa hadda la saluugsan yahay ama wax iska dhaafsan yihiin ee hadii danta dalka la eegayo uu nidaamka hore ku dhaamay kan waxa weeyi ;

1- Dadka oo aan loo bisleyn awoodooda doorasho ee ay leeyihiin iyo xuquuqaha fardiga ah ama qofka u gaar ah ee aan cidi la wadaagin iyo in ay masuuliyad ka saaran tahay naftiisa , dalkiisa iyo diintiisa intaba.

2- Axsaab siyaasadeed oo wata barnaamijyo iyo qorsheyaal lagu hago danaha dalka iyo dadka mudada dhow iyo mudada fogba oo aan la helin , amaba laga gaabiyey.

3- Siyaasiyiintii iyo intii umada hogaanka u ahayd oo dantooda u maray tab kasta oo ay kursi ku heli karaan dadkana u qaybiyey hab beelo iyo qabaail ah , arinkani oo dhaliyey wax lid ku ah waxii umadu rabtay.

MAXAA CUSUB ?

Hada oo la marayo in ay Somaliland ku shaqeynaysay 20 sanadood habka doorashada ee axsaabta badan iyo qof iyo codka ah , ayaa waxa hadana dib loogu noqday habkii beelaha oo kaalintii xisbiyada ayaa meesha ka baxday sabatuna waxa ay tahay ;

b) Qofka tartamaya waxa soo xulaya qabiilkiisa .

t) xisbigana uu/ay ka tartamayo waxa u geynaya isla qabiilkiisa .

j) waxaana u codeynaya reerkiisa ama qabiilka uu ka soo jeedo 93% hadii aanay ka badnaynba.

Arimahani waxa ay ka soo horjeedaan dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 9aad iyo Xeer lr 14 xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland.

KAALINTA XISBIYADU SIDEE AY ISKU BADASHAY ?

Kaalintii xisbiyada qaranku waxa ay isku badeshay sal-laan ama wado loo marayo uun kuraasida qaranka ee loo tartamayo , waxaana meesha ka baxday ujeedooyinkii loo aasaasay axsaabta siyaasada Somaliland oo hada maqaar ahaan uun u jira.

Waxa markooda hore lagu dhaliilayey in ay ahaayeen meelo in koobani sameysatay oo aan xataa dhexdooda kala duwanaanshaha aragtida iyo rayiga xorta ahi ka shaqeyn , dad badana lagaga saaray sadexda xisbi ba hogaanka ayaad ka aragti duwan tahay, taasi oo nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka iyo ka aduunkaba ku ah meel ka dhac.

XALKU MUXUU NOQONAYAA MUSTAQBALKA?

Dadka jamhuuriyada Somaliland marka aad la sheekaysato ee aad waliba arimahani dadka ay khuseeyaan kala hadasho waxa laga wada garaabayaa in ay jirto ama soo baxday dhibaato aan la fileynin oo axsaabtii ay ilaa hadda dhismi laayihiin isla markaana aanay noqon sidii aynu doonaynay waliba aanay hayn xataa wadadii.

Waxa la isku raacsan yahay in la helo ama loo baahan yahay xisbiyo dhisan oo leh aragtiyo iyo mabaadii ka fog salaan kursiga lagu gaadhayo kaliya oo dalkani iyo dadkan u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo horumar ay aduunka ku hiigsadaan.

Waxa ay tahay in wax laga barto 20 ka sanadood qaladaadkii ururadii iyo axsaabtii jirtay ay ku burburtay ama u kori wayday si loo helo wax ka duwan oo ka wanaagsan kuwa maanta jooga taasi oo u baahan in aad loogu baraarugo xiligan maadaama xiliga sadexda xisbi qaran ee hadda joogaa ku eeg yahay Dec 2022.

Axsaabta ama ururada dambe ee iman doonaa waa in ay noqdaan qaar leh barnaamiyo iyo qorsheyaal mudada dheer iyo mudada gaaban ba ah oo loo dejiyo 30 sanadood ee soo socda iyo hiigsiga xisbigu rabo in uu gaadho , dalkana gaadhsiiyo iyo 100 ka sanadood ee soo socda sidii uu u noqon lahaa mid aragti qori isu dhiib ah sida oo jiilba jiilka ka dambeeya usii gudbiyaan.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil