Qaar ka mida Soomaalida lagu qabtay inay macluumaadkooda saxda ah qariyeen markii ay Yurub tageen

Mahad Maxamuud Abiib
Mahad Maxamuud Abiib

Ayaan Xirsi

Ayaan Xirsi Magan oo dalka Holland ku joogtay Ayaan Xirsi Cali waxaa laga xayuubiyey xubinnimadii baarlamaanka dalkaas iyo ka mid ahaanshihii xisbigii ay ka tirsanayd ee Volkspartij voor Vrijheid en Democratie (VVD).

Waxaa lagu haystay been iyo isdabamaris badan; magaceeda oo ay been ka sheegtay, da’deeda oo ay been ka sheegtay iyo iyadoo qarisay inay soo martay Jermalka intii aanay iska dhiibin Holland.

Maxay qiil ka dhigatay Ayaan?

Waxaa lagu haystaa been iyo isdabamaris badan; magaceeda oo ay been ka sheegtay, da’deeda oo ay been ka sheegtay iyo iyadoo qarisay inay soo martay Germalka intii aanay iska dhiibin Holland .

Ayaan Xirsi Magan waxay ku andacootay inay magaceeda badashay si aan qoyskeedu u soo helin halka ay ku nooshay ka dib markay soo baxsatay iyadoo kasoo carartay nin lagu qasbay inay guursato. Waxaa lasoo xaqiijiyey inaan sheekada nin-ku-qasabka ahi sal iyo raad toona lahayn ka dib markii walaalkeed laga soo duubay filim uu sheegashadaa ku beeniyey.

Waxay sidoo kale ku dooday inay da’deeda badashay si aan Laanta Socdaalka ee Holland usoo helin warkeeda oo sax ah iyo wadamaday soo martay. Waxaa kale oo ay sheegtay inay ku qasbanayd inay qariso inay Germalka soo martay haddii kale Holland ma qaabisheen.

Side ayay Holland ku tagtay?

Ayaan waxay ku dhalatay Soomaaliya 1969kii, sida qoyskeedu sheegay. Waxay Soomaaliya ku noolayd todobadii sano ee cimrigeeda ugu horreeyey, waxay dabadeed tagtay Itoobiya halkaa oo ay mudo kooban ka dib u gudubtay dalka Kenya . Kenya waxay joogtay mudo qoyskeedu ku sheegay 10 sanadood, dabdeed waxay u dhaaftay Sucuudi Careebiya. Waxay Yurub soo gashay horraantii 1990aadkii iyadoo ka dhulbillowday dalka Germalka.

Dalka Holland waxay timid 1992kii waxayna Laanta Socdaalka ee dalkaas u sheegtay inay hadda uun kasoo gashay Soomaaliya oo aanay wadan kale oo kuwa Heshiiskii Geneva (Geneva Convention) sixiixay ka mid ah soo marin. Heshiiska Geneva (Agoosto 12, 1949) wuxuu dhigayaa in qofka qaxootiga ahi magangalyo weydiisto dalka ugu horeeya ee uu yimaado mar hadii dalkaasi ka mid yahay kuwa heshiiskaa sixiixay, nabadgelyana yahay. Waxay kale oo ku dooday inay baxsad tahay oo ay kasoo carartay guur waalidkeed ku qasbay nin aysan rabin.

Ayaan Xirsi

Holland way aqbashay maadaama ay tahay dal qaxootiga u nugul Heshiiskii Geneva na sixiixay. Waxay Ayaan dhalashada Dutch ka qaadatay 1997kii. Intii ay Holland joogtay waxay isu martay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen nadiifiye, xamaal warshadeed, turjubaan iyo kuwo kale. Laakiin shaqooyinkaa kuma raagin oo si degdeg ah ayey jaranjarta u fanatay. Cilmiga Siyaasadda ayey ka baratay jaamacad isla Holland ku taala oo la yidhaahdo Leiden University . Intaysan siyaasadda gelin, Ayaan waxay ku dadaashay inay dhaliisho dhaleecaysana diinta Islaamka iyo ehelkeedaba. Waxay ku biirtay xisbiga siyaasiga ah ee dhinaca midig u badan ee VVD, waxayna ku guulaysatay kursi baarlamaanka dalka Holland , sanadkii 2003.

Halkee ayay ku dambeysay?

Sannadkii 2006-dii Ayaan Xirsi Cali waxa ay shaqo ka bilowday Machadka American Enterprise Institute ee Washington,D.C. iyada oo dawladda Nederlaan ay sii wadday ilaalinta ammaankeeda.

17-kii Abriil 2007, bulshada muslimiinta deegaanka Johnstown, Pennsylvania waxay ka mudaaharaadeen muxaadaro ay ayaan qorsheeysay inay ka jeediso xarunta deegaanka ee jaamacadda Pittsburgh.

25-kii Sebtembar 2007, waxa uu qaadatay Kaarka Deganaanshaha Joogtada ah ee Maraykanka (Green Card).

Bishii Oktoobar 2007 waxay ku soo noqotay Nederland iyadoo dowladda Nederlaan ay sheegtay inaysan bixin doonin qarashka amnigeeda ee dibadda. Isla sannadkaas waxa ay diiday inay ku noolaato Danmark, iyadoo sheegtay inay doonayso inay ku noqoto Maraykanka.

Ayaan hadda waxay ku nooshahay dalka Mareykanka oo ay dhalasho ka heshay.

Mahad Maxamuud Abiib

Markii Mahad Maxamuud uu tagay Norway sanadkii 2000, wuxuu u sheegya in uu 14 jir ahaa isla markaana uu ahaa muwaadhin u dhashay Soomaaliya, waxaana la siiyay sharci kumeel gaar ah, sanadkii 2008-dii wuxuu helay dhalashada Norway, waxaa loo tababaray Ijineer dhanka cilmiga bayoolojiga, wuxuu shaqo ka helay cisbitaal la yiraahdo Ullevål.

Sanadkii 2013-kii, waxaa qabtay tooshka hay’adda arrimaha socdaalka Norway.

Kadib baaritaanka booliska ay ku sameeyeen Mahad, saddex sano kadib, hay’adda socdaalka waxay ogaatay in Mahad uu 29 jir ahaa uusan ka imaan Soomaaliya, wuxuu waayay shaqadiisii iyo dhalashada Norway.

Wuxuu tagey maxkamad si go’aankaas loo laalo balse maxkamadda Oslo ayaa go’aamisay in Mahad uu ka been sheegay in Soomaaliya uu ka yimid balse qoyskiisa ay ka yimaadeen Jabuuti.

Go’aankan waxaa ayidday maxkamadda racfaanka ee Borgarting.