Qalab militeri laga qabasday Ruushka oo la soo bandhigay

Taangiyada dagaalka ee la qabsaday Ruushka ee lasoo bandhigay
Taangiyada dagaalka ee la qabsaday Ruushka ee lasoo bandhigay

Qalab militeri oo ay lahaayeen ciidamada Ruushka isla markaana ay ka qabsadeen ciidamada Ukriane ayaa lagu soo bandhigay caasimadda Czech Republic ee Prague.

Bandhigga qalabka militeri waxaa kamid ah taangiga T-90 oo burbursan, gantaallada difaaca hawada ee Buk iyo hubka Msta howitzer, waxaana lagu soo bandhigay banana weyn oo ku yaalla duleedka caasimadda Czech Republic.

“Bandhigga qalabkan wuxuu muujinayaa taageerada muhimiika ah ay inoo muujiyeen dalalka”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Denys Monastyrsky oo BBC-da farriin ah Email ah usoo diray.

“Dacaayadaha Ruushka waxaa looga golleeyahay in Ruushka uu ku cabsi geliyo dadka taangiyadiisa dagaalka ay gaari karaan magaalooyinka Prague, Berlin ama Paris, Ukraine waxay haatan dadka tusineysaa iyagoo burbursan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Bandhiggan, waxaan rajeyneynaa inaan mar kale ku muujinno argagaxaka ka dhashay dagaalka kadib gardarrada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine,” ayuu tiri afhayeenka safaaradda Ukraine ee Czech Republic, Tetiana Okopna xilli ay u warrameysay Telefishinka Czech.

 

.

Waxaa sidoo kale bandhigay goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Czech iyo guddoomiyaha Midowga Yurub haweeneyda lagu magacaabo Ylva Johansson.

“Gardarrada Ruushka wuxuu malaayiin qof oo reer Ukraine ah ku qasbay inay isaga cararaan Ukraine” ayay tiri Ylva Johansson oo la hadleysay dadkii usoo daawasho tagey bandhigga qalabka militeri ee Ruushka.

“Waxaan u mahahcelinayaa taageerada shacabka Jamhuuriyadda Czech ay u muujiyeen qarxootiga reer Ukraine”

Hubka lasoo bandhigay
Hubka lasoo bandhigay

Dalka  Czech Republic ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee taangiyada dagaalka gaar nooca T-72 u diro Ukraine, kadib wuxuu dalkan u diray Ukraine hub culus oo ay kamid yihiin diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Mi-24.

Ukraine waxaa hub iyo gargaari militeri u diray dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska iyo dalal kale oo ku yaalla Yurub.

Tusaale ahaan,  Poland waxay dowladda Ukraine ku wareejisay 200 oo kamid ah taangiyada dagaalka gaar ahaan nooca T-72 ah iyo dhawr iyo toban kamid ah baabuurta gaashaaman ee BMP-1.

Gargaarka militeri ay Poland gaarsiisay Ukraine ayaa waxaa ku baxay lacag ka badan $ 1.5 bilyan oo doolar, sida uu ku warramay Raadiyaha dowladda Poland.

.