Qalabka casriga ah ee sanadkan 2022 suuqyada Dunida soo gelaya

Dadka tagay carwada waa yaraayeen, balse dad badan ayaa hawada kala socday Karoonaha awgiis.
Dadka tagay carwada waa yaraayeen, balse dad badan ayaa hawada kala socday Karoonaha awgiis.

Waxaa laga yaabaa in aad marhoreba aragtay, maqashay ama isticmaashay qalab casri ah , gaar ahaan kuwa ku shaqeeya garaadka macmalka oo qabta shaqooyin aad u sareeya, balse sanad kasta waxaa soo kordha kuwa aysan maskaxdaadu waligeed ka fikirin sida laga yaabo.

Sanadkan 2022-ka waxaa warshadaha ku jira qalab kala duwan oo suuqa la keeni doono mar aan dheereyn, waxaanan kasoo xulanay kuwani soo socda.

Qalabkan waxaa lagu soo bandhigay carwadda sanadlaha ah ee CES oo ka qabsoomaysa magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, waxaana qalab kala duwan kusoo bandhigaya shirkadaha Meta, Google iyo xitaa Amazon.

Aaway Hagaha Taleefishinka (remote)?

Waa qalabta TV-ga lagu badelo oo tamarta cadceedda ku shaqaynaya
Waa qalabta TV-ga lagu badelo oo tamarta cadceedda ku shaqaynaya

Waligeedba markasta oo carwadan la qabanayay waxaa safka xagga hore iman jirey taleefishinka, iyada oo shirkadaha ay sanadba kan ka dambeeya soo bandhigi jireen shaashad ka weyn tii hore, hase yeeshee sanadkan waxa uu dareenka u weecday dhanka qalabka yaryar ee kaabayaasha ah (accessories).

Qalabkan gacanta lagu qabto ee taleefishinka lagu hayo ayaa xiiso gaar ah lahaa sanadkan , iyada oo shirkadda Sansung ay soo saartay nooc qalabkan ah oo ku shaqeeya tamarta cadceedda.

Sidaasi awgeed looma baahan doono in bateriga AAA la geliyo hagaha, wuxuuna noqonayaa mid la shaqeeya aaladda internet-ka keenta, isaga oo keligiis is kaarikayn kara xitaa marka aysan cadceedda jirin.

Gaariga Jirjiroolaha ah

Gaari midabkiisa aad badeli karto
Gaari midabkiisa aad badeli karto

Waa gaari cusub oo kolba uu midabkiisu isu badelayo hadba sida aad doonaysid, wuxuuna soo jiitay dareenka dad badan oo carwadan kasoo qeybgalay.

Haddii aad ku caajistay midabka gaariga, waxaa la heley qaab cusub oo aad durba ku badeli kartid adiga oon dhibtoon, waxaana gaarigan soo saartay shirkadda BMW.

Mashruucan ayaa hadda intiisa badan maraya heerkii biloowga, balse waa mid loo riyaaqay.

Waxaa la sheegay in arrintani ay sidoo kale dhimi karto xadka tamarka ee loo baahanyahay marka kuleelka ama qaboowga aad ka dhex shideysid gaariga.

Balse dadka qaar ayaa durba farta ku fiiqay in midabada la heli karo ay yihiin caddaan, madoow iyo hurdi , halka midabadii kale aanan lagu darin naqshadda.

Robotyo iskafaalo leh

Robot qaanado leh
Robot qaanado leh

Waxyaabaha lasoo bandhigay waxaa ka mid ah robotyo leh iskafaalooyin iyo qaanado,

Shirkadda The Servi ayaa soo bandhigtay robot buuxin kara kaalintii adeegayaasha maqaayadaha.

Sida uu sheegay agaasime Mike Dooley, robotyadan ayaa dadka anfici kara marka ay waayeelka noqdaan ama xanuunsadaan, waxay ka caawin karaan xagga adeega guryaha.

Waxa uu xamaali karaa illaa 11 kg oo alaab ah, isaga oo ku qaadaya labo qaanadood oo isfidin kara.

Whiter teeth

Qalabka cadayga ah ilkaha caddeynaya
Qalabka cadayga ah ilkaha caddeynaya

Waxaa lasoo bandhigay qalab ku shaqeeya awood danabeed oo xoog badan oo ilkaha oo dhan caddaan kaga dhigaya muddo kooban.

Suuqa quruxda adduunka ayaa muddo raadinayay qalab lagu horumariyo bilicda dadka, carwadana waxa ay noqotay meel saldhig u ah wax soosaarka tijnoolajiyadda ee sare u qaadaysa hawlaha dadka ay qabtaan, gaar ahaan is qurxinta.

Waxaa lasoo bandhigay muraayad ay soo saartay shirkadda Icon.AI, taas o oleh sameecado muusig ka baxayo, islamarkaasna aad ku ogaan kartid cimilada maalinkaasi taagan. Sidoo kale waxa aad ku xiri kartaan gambaleelka saacadda aad rabto in aad toosto ama meel aaddo.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay barfuum kuu xulaya carafta aad u baahantahay oo kuu gaar ah, waxaana soo bandhigtay shirkadda Ninu, waxaadna la xiriirin kartaa taleefoonka caaqilka ah.

Wax ka badan carab oo kala duwan ayuu barfuumkani leeyahay, iyada oo ay ku xirantahay hadba jawiga jira iyo munaasabadda.

Muraayadda casriga ah
Muraayadda casriga ah