Writen by Qaran News |

Qaramada Midoobay oo ka Werwersan Amni-daro Somaliland ka Dhacda Xilliga Doorashada

up

Nairobi (East Africa Media Center)-Xisbiga tallada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa jebiyey ama ku gudbay xad-gudbay wareegtooyin Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oloollaha kaga Mabnuucay shaqaalaha Dawladda iyo isticmaalka hantida qaranka, oo sida uu tilmaamay saddeexda Xisbi ee loolamaya dhex u ah, isla markaana Xisbiga Kulmiye Maalintiisii koowaad ee Kaltanka Oloollaha saddexda Xisbi, waxa si toos ah uga qayb-qaatay Shaqaalaha, Gaadiidka iyo hantidii Dawladda.

Warar lagu kalsoon yahay oo East Africa Media Center u ka helay, qaybo kamid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Magaaladda Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday, isu-soo baxyadii Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco inay ka qaybgaleen xubno ka tirsan shaqaalaha dawladda, oo isaggu jiray Agaasimayaal Guud, isu-duwayaasha gobolada iyo Badhasaabyada goboladdaas, waxana Wararku intaa ku darreen, shaaracyada Magaalooyinkaas iyo goobihii madaxdu dadweynaha kula hadlaayeen in lagu arkaayey gaadiid uu ku xidhan yahay Taarikada Dawladda Somaliland, oo ay ka buuxan boqolaal ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, oo ku lebisan Calanka Xisbiga.

Waxa kaloo, xoggaha laga helayo Hay’addaha Qaramada Midoobay, soo bandhigeen Sawiiro iyo muuqaalo fidyow ah oo laga qaaday, masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha dawladda, oo ku dhex-jira Oloollaha Xisbiga Kulmiye, iyo sidoo kale,  sawiiro caddaynaya gadiidka Dawladda oo ay buux-dhaafiyeen Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, oo u damaashaadaya xuska kaltanka Maalinta Xisbigooda ee oloollaha doorashada Madaxtooyadda. Ma jiro tallaabo kale oo lagu baajin karo ama lagaga hor-tagi karo falalka noocan ah ee ku saabsan shaqaalaha iyo hantida dawladda oo cid gaar ahi adeegsato.

Sidaas darteed, arrimahani waxay horseedi karaan isku dhacyo ka dhex-bilaabma taageerayaasha Xisbiyadda Mucaaridka iyo kuwa Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, taasina waxay horseedi kartaa xasilooni darro baahsan inay ka dhacdo Jamhuuriyadda curdinka ah ee nabada ku naaloonays.