Writen by Qaran News |

​Cumar Axmed Cali

markasta oo ay doorasho soo dhawaato qabyaaladuna sare ayay u kacdaa Bulshaduna way kala fogaataa, qaska iyo jaah-wareerkuna wuu bataa, sababtuna waxa weeyaan dadka reer S/land oo aan wali u bislaan nidaamka doorashooyinka xorta ah.
Inkasta oo aan laysku raacsanayn in nidaamkan aynu qaadanay yahay kii ugu haboonaa ee ay bulshadeenu u baahnayd in ay wax ku doortaan, hadana waxa hubaal ah, in aynaan hadda haynin wax inoo diyaarsan oo aynu ku badalano.
Hadaba si kastaba wax ha loo doortee waxa biyo kama dhibcaan ah, in dadka reer s/land u baanyihiin Dawladnimo taabo gal ah oo ay ku wada hirtaan.
Waxay bulshada reer s/land xaq u leedahay in xaddaaradaha iyo Aqoonta maanta dunida taala qaybtooda qaataan kana faa’iidaysataan cilmiga casriga ah ee maanta la gaadhay, waxay bulshada reer ay xaq u leedahay in ay si sharaf leh ugu noolaato dunida guudkeeda, oo aan marnaba loogu amar-ku-taagleyn Arlada korkeeda, dadka reer s/land waxay xaq u leeyihiin in aan marna loogu cagajuglayn awood Milatari, iyo mid Dhaqaaletoona.
Qabyaalada iyo kala qaybsanaantu waxay udub dhexaad u yihiin mushkilado isbarkan oo maanta Bulshadeena u dhutinayso, ku waa soo aanan kalkan ku wada koobi karin, laakiin haddii aan wax yar ka tilmaamo ay ka mid yihiin saboolnimada iyo cadaalad-darrada, ku dhaqan la’aan sharciga iyo isla xisaabtan la’aanta, kala shakiga iyo isdhexgal-la’aanta Qabaa’ilada.

Qabyaaladda waxaynu ku waynay in aynu dhisano haykal Dawladeed oo xooggan, kaa soo ay aas aas u tahay shuruuc ka turjumaysa baahida Bulshadeena.

Taariikhaha iyo tijaabooyinka ay dunidu soo martay waxay iftiimiyaan in aan marna Aadamuhu ka maarmi karin dhisashada Dawladnimo xalaala oo ay ku hoos noolaadaan.
Hadaba ummadkastaa waxay beerato ayuun bay goosataa, mana jirto cid cidkale u horumarisa dhulkeeda, Bulsho kastaa iyada ayay u taalaa halka ay u jahaysanayso iyo jidka ay u marayso nolosheeda.
Sida muuqata qaabka aynu wax ku dooranaa waxa uu madaxa la galay beelaysi iyo siyaasad reeraysan, taa soo turun turo iyo hagardaamaba ku ah nidaamka doorashooyinka madaxa banaan ee aynu qaadanay.
Taariikhda ay dunidu soo kala dhaxashay waxay ina baraysaa in ay Dawladnimadu ku midho dhasho midnimo iyo wax wada lahaansho, waxa madax lagu kala doortaana ay tahay taariikhda iyo magaca ay Bulshadooda ku dhex leeyihiin, waxa kaloo lagu kala doortaa fikirka iyo aragtida ay Aaminsan yihiin, waxa madax lagu kala doortaa waxay Ummaddooda u soo bandhigaan iyo siday waaqiciga ugu turjumayaan waxay u balan qaadayaan shacabkooda.
Waxa uu sooyaalka waayuhu inooga markhaati furayaa in aan waligeed guul lagu gaadhin tafaraaruq iyo kala qaybsanaan ku timaad bulsho meel wada taal, waxa qudha ee laga dhaxlaana ay tahay ummadda oo is nacdo, khilaafaadka iyo colaadaha oo bata. Waxa kaloo laga dhaxlaa gaajada iyo darxumada oo dadka caam-yeesha, da’yarta oo dhulkooda ka daaduuma.
Ayaan-darooyinka ina haysta waxa ka mid ah, in kuwii Shacabka ka saari lahaa aafada Qabyaaladda uu midiba Qoys meel ku shirinayo, markaan sidaa leeyahay uma jeedo shaqsiyaad kooban, laakiin waxaan u jeedaa inta Bulshada horboodaysa oo dhan, ku waa soo cadaystay in ay danahood guracan ku gaadhaan magaca Qabiilka.
Waxaan ku baraarujin lahaa Bulshada reer s/land in aanay waligood horumar ku gaadhaynin siyaasad Qabiil huwan iyo madax yaa reer hebelaay loogu ololaynayo somalidu waxay ku maahmaahdaa ” wixii umusha u dan ah, ayaa Ilmahana u dan ah” ma jiraan dano ay kala leeyihiin Shacabka reer S/land.
Dadka reer S/land waa shacab walaalo ah oo wax walibana ka dhexeeyaan, oo aanay jirin waxay kala leeyihiin, haddii ay tahay Diin, haddii ay tahay Dal, haddii ay tahay Dhaqan iyo haddii ay tahay Luuqadba.
Bulshada reer S/land waa dad ehel iyo ood-wadaagba ah, oo si walba Noloshoodu iskugu xidhan tahay, mana jiraan wax loogu kala abtiriyaa, waa dad walaalo ah oo isku wada dan ah, baahida ay leeyihiin waa isku-mid, oo waxa uu midi u baahan yahay, ayuu kan kalena u baahan yahay, haddii ay tahay cadaalad, haddii ay tahay Amni, haddii ay tahay horumar iyo haddii ay tahay adeegyada Bulshada oo ay ka xaqab-baxaan.
Hadaba Ummadkasta oo soo martay xaalad mugdi ahi, maalin maalmaha ka mid ah ayay ka tashatay iskana laabtay boggii hore ee madoobaa, waxa maanta inala gudboon in aynu is waydiino maxaynu qabyaalad ka dheefnaa, maxayse dhib inagu haysaa, islamarkaana la nimaadno caqligii aynu kaga tashan lahayn Qabyaalad iyo kala qoqbnaan, una dhisan lahayn nidaam Dawli ah oo xoog-badan kaa soo hal-ku dhiggiisu yahay hufnaan, hawlkarnimo iyo himilo sare.

ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu inaga daweeyo qabyaaladda iyo qaadka, wax dhaamana inoogu badalo, waxa kaloo Alle ka baryayaa in uu inagu ilhaameeyo ku toosnaanta XAQA iyo ka fogaanta XUMAHA oo dhan. By Cumar Axmed Cali; cumarmahad331@gmail.com/ tel; 0634244802.