Writen by Qaran News |

QARANNIMADII LAGU HUNGOOBAY QEYBTII KOOWAAD

Wuxu yidhi AHUN Maxamed Xashi Dhamac “Gaariye
Cabdalloow qasiidadu jir in aanay curinayn caku ma ila garateen

QARANNIMADII LAGU HUNGOOBAY: 26 JUUN/1 JUULAY 1960 – QEYBTII KOOWAAD:

Maanta oo Bisha Juun tahay 26, ayaa ku beegan sannad guuradii lixdanaad ee ka soo wareegtay dhalashadii dowlad Soomaaliyeed oo madaxbanaan tii u horeysey. Waa maalin inaga mudan xussid gaar ah, tii oo laga shidaal qaadanayo himiladii iyo rajadii laga qabay in ay rumoowdow in meel la isugu keeno qowmiyadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ku dhaqan. Shan maalmood ka dibna Bishii Juulay 1, 1960 waxa xoroobay gobolkii labaad ee Soomaliyeed oo waxa so korodhay dowlad labaad. Waxa kale oo dhacday in laga hawl galo midayntii labada mataanood.

Hadaba aniga oo raadraacayn seddexdii maqanaana meesha ay ku dambeeyeen, ayaa halkan waxan akhiristeyaasha mareegaha ummadda afka Soomaaliga ku hadasha ugu soo gudbinayaa qormo laba qeybood ah oo si kooban hoosta uga xariiqaya dhacdooyin la xidhiidha qaabkii loo maamulay midayntii labada dal iyo halka ay sartu ka qudhuntay ee wax iska waafiqiwaayeen.

Kowda bisha Juulay, 1960 waxay ku astaysantahay bilowgii dhammaadka rajadii wixii lagu magacaabi jirey Soomaaliweyn sabatuna waxay tahay meeshaba waxa ka baxay wax ay intii maqnayd ku soo hirato. Dowladii Somaliland ee Muqdisho u baqooshay waxay la kulantay waaqicii dhabta ahaa ee koonfur ka jirey, runtiina waxay isugu biyo shubatay in laba qabiil ku hirdayameen awood qeybsiga siyaasadeed oo qarka u saarnaa in dagaal dhexmaro. Haddaan Somaliland madasha tegin tan manta koonfur ka aloosan mid ka xun ayaa ka dhici lahayd.

Waxaynu xusuusannahay suugaantii hal abuuradu ka tiriyeen raadcadii shanta gobol ee Soomaalidu degto, waxa ka mid ahaa “Shantoo is wehesaday wanaagsanadaa; calan in ay wadaagaanee wacnaydaa;” “Hawdoow haybso calankaaga;” “Jabuutaai ka soo hoyo horrorkiyo waraabaha.” Iyo in kaloo badan oon halkan lagu soo koobi Karin.

Weedhaasi waxay ka mid ahaayen qiiradii raadgoobkii midaynta qowmiyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan Geeska Afrika. Sagaal iyo afartan sannadood ka dib waxa xusid muddan in aynu is weydiino halka ay wax ka qaloocdeen iyo arrimaha miyaa la la ilduufay? Ma badheedh iyo ula kac ayey ahaayeen? Ma aqoondaro iyo waayo aragnimo la’aan ayaa jirtey? Ma xamaasaddii iyo qiiradii ayaa barkuma taal noqday?

DAGAALKII LABAAD IYO DEEGAANADII SOOMAALIDA:

Sannadkii 1936 ciidamadii faashiishtada talyaaniga ayaa duulimaad ku qabsaday boqortooyadii Itoobiya. Bishii August 1940 ciidamadii talyaaniga ayaa weerar seddex geesood ah [Seylac, Hargeysa, iyo Oodweyne] ku qabsaday Somaliland. Bishii April, 1941 ayaa ciidamadii Boqortooyada Ingriisku rogaalcelis dib ugu qabsadeen dhammaan deegaamadii Soomaalidu ku dhaqnayd. 1944 dowladdii Talyaaniga ayaa Xulufadii kaga adkaatay dagaalkii labaad ee Dunida.

Isla sannadkii 1944 waxa Shirweyne isugu yimid goobta la yidhaa Hara Digeed dhammaan madax dhaqmeedyadii deegaanada Soomaalida si ay uga arrinsadaan dhibaatooyinkii Soomaalida saameynayey oo laga war helay.Madax dhaqmeedyadii shirweynaha ka qeybgalay waxa ka mid ahaa: Suldaan Cabdiraxman Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Biixi “Fooley” iyo qaar kaloo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi Karin.

Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye ayaa madashii Shirkii ka jeediyey khudbad dheer waxana ka mid ahaa hadaladii Suldaan Cabdillaahi:

“…Ninka diirka cad ee la isku xujeynayo adduunyadaa inoo garqaadi oo ina kala furdaamin; Waxase aan berri ka maalin xal loo heli doonin ninkaa aynu isku midabka nahay ee inagu soo siqaya..” Waxa dhacday in Xayle Silaase adduun xooggan[ E$50,000.00] ku bixiyey si aan shirka go’aamo la taaban karaa haba yaraate uga soo bixin. Gebogebadii shirka waxa lagu gunnaanaday ciyaar Soomaali hal qabsigeedu ahaa: “Asafoow askari ma I qoreysaa!! Halkay ku dambeysey cid is weydiineysaa maanta ma jirto.

Sannadkii 1946 Wasiirkii mustacmaraadka Ingriiska oo la odhan jirey Mr. Bevin ayaa barlamaanka Ingriiska u soo jeediyey in Qowmiyadda Soomaaliyeed oo reer guuraa u badnayd in dal mideeya la isugu geeyo. Qaramada Midoobay waxa xiligaa ka socotay dood ku saabsan sida loo maamulayo dalalkii Talyaanigu gumeysan jirey. Hindisayaashii lagu midayn lahaa Soomaalida waxba kama suurtoobin sababo la xidhiidha Afartii quwadood ee adduunka ugu xooga badnaa oo aragtidoodu midaynta Soomaalida ku kala duwanayd, iyo Soomaali konfuureed oon xiligaa u dhego nugleyn midaynta Soomaalida.

Maantana waxa midnimo Soomaaliyeed ku xuurtoomay kuwii shalay kala irdheysiiyey. Walaweyn waxa ay manta ku hadaaqayaan shalay hidin lahaayeen.

HALGANKII GOBANIMADOONKA:

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida waxa dalalkii la gumaysan jiray ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo gobanimo doon ah. Halgankaasi wuxuu si laxaad leh u saameeyey gaar ahaan qaaradda Afrika gebi ahaanteed. Qowmiyadda Soomaaliyeed oo shan meelood u kala qoqobnayd iyana gobanimo doonku deegaanadeeda wuu ka curtay. 1936kii Magaalada Jigjiga waxa laga aasaasay urur siyaasadeedkii S.Y.L. oo markii dambe ku xoogaystay koonfurta Somaaliya. Waxa kaloo magalada Baydhaba laga furay xisbigii la odhan jiray HDMF. Somaliland waxa ka hana qaaday xisbiyadii SNL, NUF, iyo USP.

Sannadkii 1955 Boqortooyada Ingriiska ayaa go’aansatay in Somaliland madax bannaani buuxda helidoonto. Shantii sannadood ee gobanimada ka horeysey waxa Somaliland laga hirgeliyey doorashooyin dowladda hoose[ lug atoori= Local Authority] iyo mid lagu magacaabi jirey “Majlis At-Tahriici” [Legislative Assembly] ama Gole Sharci dejineed.

Bishii 29dii February 1960 waxa Somaliland ka qabsoomay doorashadii Golaha Sharci dejinta Somaliland, seddex iyo sodonkii mudane ee golahana waxay seddexdii xisbi Qaran u kala heleen sedan soo socoto:

1- SNL wuxu ku guuleysatay 20 Mudane
2- USP wuxu ku guuleysatay 12 Mudane
3- NUF waxay ku guuleysatay 1 Mudane

Bishii February 1960 waxa magaalada Hargeysa yimid wefti seddex xubnood ka kooban oo Muqdusho ka soo kicitimay oo uu hoggaaminayey nin garyaqaan ah oo la odhan jirey Mohamed Sheikh Gabyow. Weftigu wuxu u yimid si loo qoro heshiiska Midowga labada dal- Soomaaliya iyo Somaliland. Duruufo la xidhiidha dareenkii siyaasadeed ee xiligaa aloosnaa awgeed, hawshii weftigu u socday waxba kama suurto gelin; hase ahaatee waxay jirey in la diyaariyey qaabkii awoodaha dowladnimo loo qeybsan lahaa oo ay muquunisay caadifaddii “ Midnimo shuruud la’aan ah!” Maxayse ku dambaysay?

16-24kii April 1960 waxay labadii Gole Sharci dejineed ee Somaliland iyo Somalia mabda’ ahaan isugu waafaqeen in labada dal midoobaan bisha Juulay 1960.

Bishii May 2dii-12dii 1960 waxa magaalada London ku qabsoomay Shirweynihii Distoorka Somaliland.

Bishii Juun 23dii 1960kii waxay Boqortooyada Ingriisku ku dhawaaqday in Somaliland madaxbannaani buuxda qaadandoonto 26ka bisha Juun 1960.

QARANIMADII MAJARAHABOWDAY:

26kii Juun 1960 Somaliland waxay noqotay gobolkii ugu horreeyey ee gobanimo heley. Isla maalinta 26ka Juun waxay dowladdii Somaliland iyo Midowga Boqortooyadii Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland heshiiso laba geesood ah oo ay ka mid ahaayeen:
1. Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland ee la xidhiidha Ciidanka Somaliland[Somaliland Scouts]”

2. Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Somaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana deeqda dhaqaale.

3. Tixraac Heshiiska dhexmary Dowladda Somaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana Shaqaalaha xukuumadda.
Dhammaan heshiisyadan laba geesoodka ah oo magaalada Hargeysa lagu kala saxeexday 26kii Juun 1960 waxay waafaqsanyihiin xeerarka caalamiga ah ee u dejisan heshiisyada noocaas ah.

Dowladda Boqortooada Ingriiska waxa heshiiska u saxeexay:
T. E. BROMLEY;

Dowladdii Somaliland waxa heshiiska u saxeexay:
MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL
AXMED XAAJI DUCAALE
CALI GARAAD JAAMAC
XAAJI IBRAAHIM NUUR.

Sida heshiisyada ku cad magac Jamhuuriyad Soomaaliyeed wax laguma kala saxeexan; xuduudihii Soomaliland iyo Soomaaliyana may suulin; welina sidoodii ay u jiraan; ninkii diidanoow maqal ama dab hindhis. Soomaali koonfureed waxa qiri la’dahay in laba dal oon waxba wadaagin la ahaa, waxana ka dhaadhacsan yar iyo weynba in Soomaalinimada koonfur marti looga yahay.

Dadka weli ku miyir doorsoonsan midnimo Soomaaaliyeed oo taariikhda si badheedh ah uga been abuura ayaa ku andacooda in Somaliland ay la kowsatay waxa lagu magacaabo “Jamhuuriyadii Soomaaliya”. Muran kama jiro in 26kii Juun 1960 qaran la yidhaa Somaliland adduunweynaha ku soo biiray, in ka badan 35 dal oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingriiska, Ruushka, Fransiiska, Shiinaha, Ghana, Masar, iyo Kuuba.

27kii Bishii Juun 1960 Golihii Sharci dejinta dowladda Somaliland wuxu cod aqlabiyad ah ku meel mariyey “Xeerka Midowga dalka Somaliland iyo dalka Somalia- Xeerka Lambar 1, Juun 27, 1960.”

27kii Bishii Juun 1960 xukuumadii Somaliland oo Calankii, qaranimadii, Xeerkii Midowga iyo Distoorkii Somaliland sida ayaa Muqdusho diyaarad ugu ambabaxa. Bari ka maalin waxa la maqalidoona reer koonfureed sheegaya in Allah ha u naxariiste Aaden Cabdille Cismaan diyaarad Somali Airlines lahayd uu weftiga u soo diray!!

Dhammaad Qeybtii Koowaad

QARANNIMADII LAGU HUNGOOBAY: QEYBTII 2

Lixdan sannadood ka dib maalintii koonfur Soomaaliya ka xoroday gumeysigii, ayaa maanta bulshadaasi weli raadgoobaysaa oo hadba ciddii hoggaan u noqotaa ku hadaaqayaan midnimo Soomaaliyeed.

Midnimada loo hanqaltaagayaa waa tii goof xamar ku yaal ku dhacday 1dii Juulay, 1960. Cidda aan weli quusanna wakhtiga ayaa si fiican u qancindoona, Soomaaliyana waxa la gudboon in ay la yimaadaan farsamadii ay kaga gudbi lahaayeen dhibaatada dalkooda ka aloosan iskana illaawaan wax loo gu yeedho “Midnimo Soomaaliyeed” oo dib loo yagleelo. Waxa haboon in wixii aan berri ka maalin laga fursan doonin in hor laga yeelo. Qasab, juju ub, iyo sundulayn midna lagu helimaayo in mar dambe Somaliland iyo Somalia qarannimo wadaagaan. Sababtuna waxay tahay mar haddii lagu hungo obay rajadii laga qabay SHANTOO ISWEHESHADAY, waar kala quusataye Soomaali koonfureed qoomamo la’aaday. Maalinta aad u dabaaldegeysaan sannad guuradeedii sagaal iyo afartanaad midhihii laga dheefsaday waxay noqdeen in maanta ummaddii Soomaaliyeed ee lixdankii isu soo hilowday kala dhaqaaqdo oo dib la isugu soo dabaali mkariwaayo. Intaa markaan halkaa ku dhaafo, bal dib an u eegno maalintii 1da Juulay, 1960, iyo qaskii iyo majarhalowgii madashii labada dal ku midoobi lahaayeen hadheeyey iyo sidii wax loo maamulay.

ISDHEXYAACII 1da JUULAY 1960

Laba dal oo ka xoroobay laba maamul gumeysi oo dhaqanka iyo xeerarko odu kala duwanyihiin midayntooda si loo maareeeyaa aad ayey u adagtah ay haddii aan marka hore laga baaraan degin iswaafajinta distoorada iyo shuruucda ka farcanta, midaynta maamulka guud, dhaqaalaha, caddaala da, waxbarashada, Ganacsiga, Bangiyada iyo Lacagaha, iwm. Taasina waxay u baahnayd in mudo dheer looga hawl galo ka hor intaan xiligii gobanimada la gaadhin. Hadaba iyadoon wax daraasad cilmiyeysan ah la samayn ayaa wakhti kooban gudihii la damcay in wax loogu yeedho “Jamh uuriyad Soomaaaliyeed” la dhoob dhoobo. Halka sartu ka qudhuntay waxay ahayd khaladaad farabadan oo dhacay maalinataa bisha Juulaay 1dii 1960 ayaa markale khaladaad kuwii hore ka sii daran la doonay in wixii khaldamay dib loogu saxo.

MUGDIGII 1da JUULAY, 1960

Madmadowga ku gadaaman dhacdooyinka taariikhiga ee la jaanqaaday dhalashadii “Jamhuuriyadda Soomaaliya” iyo sidii sharciyaddiisa loo meel mariyey waxa lafa guridoona garyaqaanada ku xeesha dheer arrimahaas. Sida ku cad dhammaadka distoorkii koonfur Soomaaliya, waxa jirey shan qodob oo dheeraad ah kuna tilmaamnaa Qodobo ku Meel Gaadh iyo Qaar kama Dambeys ah [Transitional and Final Provisions]. Qodobka koowaad [Fulinta Awoodo Ku Meel Gaadh ah], Faqraddiisa 2, ayaa dhignaa sidan soo socota:

“Ka dib marka la saxeexo heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ayaa Golaha Wakiilada qaranku si deg deg ah udoorandoona Madaxweyne ku-meel-gaadh ah si waafaqsan Distoorka Soomaaliya qodobkiisa 70, faqraddiisa 2; Madaxweynahaas oo xilka heyndoona ka hor inta la soo dooranayo Madaxweynihii u horeeyey ee dalka, amaba la dooranayo Madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo kale sida uu qeexayo qodobka IV, faqradiisa1 ee qodobada ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah.”

Haddii la is waafajin lahaa labadii distoor iyo labadii xeer midow ee labada dal, meesha waxa ka dhalan lahaa qaran waara oo ‘Seddexdii Maqnaana’ ku soo hirtaan. Himiladaasina waxay u dhicisoowday oo caqabad ku noqday loolankii adkaa ee siyaasiyiintii koonfureed ugu jireen awood qaybsiga.

F.G: Ereyada Dowladdda Soomaaliya ee ku Meel Gaadh iyo Dowladda Fede raalka Soomaaliya ee ku Meel Gaadh ah, ee ilaa hadda ay Soomaali koonfureed ku dheggantahay waxay salka ku haysaa Qodobadaa ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah ee distoorkoodii 1960; welina waxay raadgooboyaan Dib-U-Midayntii labada dal! Bal akhristo eeg lifaaq Distoorkii la mustafeeyey ee December 31, 1963.

Hadaba iyadoo sidaasi jirtey, markaynu sooyaalka taariikhda dib u raadra acno, qodobkaa isaga ah siduu u dhignaa ma loogu dhaqmay? Jawaabta oo koobani waa MAYA, sabtuna waxay tahay: Iyadoon la isla meel dhigin hashiisyadii labada wadan ku midoobi lahaayeen, ayaa 1dii Juulay, 1960, labadii Gole Sharci dejineed Md. Adan Abdille Cismaan, uu doorteen Madaxweyne ku Meel Gaadh ah.

Waxa xussid mudan in dhammaan wax yaabaha la isla ogolaaday ee la damacsanaa in labada dal lagu mideeyo waxay u qornaayeen qaabka:

1. Heshiisyo mabda’iyan la isugu raacasanyahay; “Agreements in principle”;
2. Heshiisyo laba geesood ah; “Bilateral Agreements.”

Kolayba waxa hubaal ah in aan Heshiis Mabda’iyan ah iyo Heshiis laba geesood ihi isku awood ahayn marka laga eego dhinaca sharciyadda. Iyadoo sidaasi jirto bal an is weydiino Sua’aalahany: Ma jiraan heshiisyo kama dambeys ah oo labada dal isku raaceen? Noocey ahaayeen? Xilima ayey dhaqan galeen? Ayaa labada dal wakiil uga ahaa goobtii heshiisyada lagu saxeexay?Jawaabta oo kooban waxa weeye: Wax heshiisyo ah oo la isla meel dhigay haba yaraate ma jiraan oo waafaqsan sida uu qeexayo xeerka Caalamiga ah ee Heshiisyada laba Geesoodka ah.

Halka muruga iyo ismaandhaafku ka jiraa waa sharciyadda lagu meel mariyey israacii labada dal sidaan hore u soo sheegay oo waafiqiweydey xeerarka caalamiga ah, fasiraadda waxaynu u daafi garyaqaanada arrimahaas aqoonta u leh.

Habeenimadii ay Soomaali konfureed u diyaargaroobaysey xoriyadeedii, ayaa waxa soo shaac baxay xeer labada dal ku midoobaan oo si weyn u khilaafsan kii Somaliland ayey soo bandhigeen. Marka xaal halkaa marayo, ayaa Golihi xukuumadda Somaliland wuxu go’aansaday bishi Juun 30ii 1960:

1. In aan la saxeexin “Xeerka Midowga SOMALILAND IYO SOMALIA.’’
2. In xeerka midowga mabda’ ahaan la ogolaado, aanse la saxeexin;
3. In labada dowladood [Somaliland iyo Somalia] diyaariyaan xeer Labada dal ku midoobaan;
4. IN Xeerka midowga labada dal la hor geeyo labada Gole sharci dejineed si kama dambeysna loo Ansixiyo.

Sida la wada ogsoonyahay madax bannaanida koonfur Soomaaliya waxay horey ugu mudeysnayd 2 Bisha Decembar, 1960. Hada si ay ula midowdo Somaliland ayaa Ururka Qaramada Midoobay soo dedejiyey madax bannaanidii koonfurta lloguna cayimay Bishii Juulay 1dii, 1960. Sidaa ayey koonfur Soomaaliyana ku noqotay gobolkii labaad ee gumeysiga ka xoroobay in kastoo qaar ka mid ah qaryaaqaanada ku xeesha dheer qawaaniinta adduunku ay tibaaxayaan in Koonfur Soomaaliya aanay madaxbaanni iskeed u helin haba yaraate ee ay ka dhextoostay “Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

DHACDOOYINKII 1da JUULAY, 1960

Halkaa markay marayso ayaa subaxnimadii Juulay 1dii,1960 labadii Gole Sharci Dejineed mabda’ ahaan isugu raaceen dhalashadii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, isla fadhigaa laftiisa ayaa MD. Aaden Cabdille Cismaan Dacar loogu doortay madaxweyne ku-meel gaadh ah. Isla maalintii 1 Juulay, 1960 ayuu Aaden Cabdille Cismaan wareegto madaxweyne ku meel mariyey “Xeerka Midowga Somaliland iyo Somalia-Wareegtada Tirsigeedu aha: 1 ee 1da Juulay 1960.”

Su’aal: wareegtadaa madaxweynuhu iyo distoorkii koonfur Soomaaliya ma is daboolayaan? Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee isla wareegtadu ka dhawaajisay iyo distoorka la dhaqan geliyey ma iswaafaqsanyihiin? Intaba jawaabtoodu waa MAYA.

Distoorkii koonfur Soomaaliya ee 1 Juulay 1960, qodobkiisa 63, faqradda seddexaad ayaa u dhignayd:

“Haddii aan xeerarka wareegtoyinka ah muddo shan maalmood gudohood ah loogu bedelin xeer, waxa lumidoodoona ku dhaqankooda laga soo bilaabo maalintii la shaaciyey.”

Wareegtadan oon distoorkii koonfurta laftarkiisa waafaqsanayn iskeed ayey isu burisey maxaa yeele shan maalmood gudohood Golihi Sharci dejinta laguma hor geyn si xeernimadeeda loo ansixiyo.

Sida taariikhda ku xussan mudadii u dhexaysay 1960-1965 dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa lagu maamuli jirey Wareegto madaxweyne[Presidential Decree], Wareegto Sharci dejineed [Legislative-Decree], Xeer Barlamaan[ Laws], Wareegto Wasiir [Ministrial-Decree] iwm.

Sida la wada ogsoonyahay todoba bilood kadib markii xornimada la gaadhay ayaa la dareemay mugdigii iyo madmadowgii ku gadaanaa midowgii labada dal. Bishii Jan. 18, 1961 aya mar labaad GOLIHI Sharci dejinta la horkeentay xeer labada dal ku midoobaan oo cusub ka dib marka afti loogu codeeyo; bishii Jan. 31, 1961 wakiiladii labada dal aya xeerkii ansixiyey. Tixraac xeerka tirsigiisu yaha lambar 5 ee 31 January 1961, laguna daabacay Wargeyskii Rasmiga ah, tirsigiisa Lambar 2, 1961. Daqan galka xeerkani wuxu ka soo bilaabmayaa Juulay 1dii, 1960? Haddaan meesha jahawareer hadhayn, maxaa sabab u ah in sharciyaddii midowga [Waa haddiba ay jirteye] mar labaad la baadi goobo?

SHARCIYADDII MIDOWGA

Bal dib aynu u yara raadraacno qoraalo iyo cilmi baadhis ay sameeyeen garyaqaaano iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin Dr. Xaaji N.A. Nuur Muxamed, John Drysedale, Rajagopal and Carroll, iyo Yuujiin Qudraan, Garyaqaano ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Koonfur Afrika, Weftigii xqiiqo raadinta ahaa ee Midow Afrika iyo qaar kaleba waxa ay tilmaamayaan in aanay jirin qqab sharciyeysan oo Somaliland iyo Somaaliya ku midoobeen.

Ugu horeyn aynu eegno sida uu qoray garyaaqaanka la yidhaa Yuujiin Qudraann bal laba qodob aynu ka soo qaadano xeerkii midowga ee Cusbaa:

Qodobka sagaalaad faqradihiisa 1 iyo 2 ee xeerka midowga ee cusub ayaa u dhignaa:

1. Qodobada xeerarka Soomaaliya amaba Somaliland, oo uu ka mid yahay Distoorka Somaliland, oo ka hor imanayaa distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya, dhammaantood waa la laalay;
2. Qodobada xeerka midowga Soomaaliya iyo Somaliland iyana dhammaantood waa la laalay, marka laga reebo qodobka 11, faqaraddiisa 4.

Qodobka sideedaad ee Xeerka Midowga cusub ayaa tibaaxaya:

“Sharciyadii lagaga dhaqmi jirey Somaliland iyo Somalia xiligii la aasaasay Midowga sidoodii ayey u shaqeyndoonaan iyaga oo waafaqsan qodobada Distoorka, Xeerka, iyo Xeerarka mustaqbalka.”- Tixraac wareegtada Madaxweynaha lambarkeedu yahay 19, kuna taariikhaysan Oktoobar 11, 1960, laguna daabacay Warkeyska Rasmiga ah lifaaqyadiisa 1-4, 1960.

Distoorka Somaliland ee la laalay wuxu qeexayaa qab dhismeed dowladeed oo u kala qaybsanaa: Fulin, Sharci Dejin, iyo Garsoor. Sida aynu ogsoonahay garsoorka waxa hoos imanaya dhammaan Xeerarka iyo shuruucda dalka u taal.

Sual: Haddii Distoorkii iyo Xeerkii midowga ee Somaliland lahayd gebi ahaan noqdeen qaar lid ku ah Distoorkii Soomaali koonfureed samaystay oo loo dhaqan geliyey in uu noqdo distoorkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, sidee ayey labada dal ku midoobeen? Dalkan Distoorkiisii iyo Xeerkiisii Midowgaba la deedifeeyey sow ma noqonayo dal xaqiisii jiritaan, qaranimo, iyo taariikheedba la tirtiray oo ku dhex milmay mataantii dhigiisa ahayd ee madaxbannaanaata Bishi Juulay 1, 1960?

AFTIDII DISTOORKA: 20kii JUUN 1961

Iskusoo wada xooriyo, iyada oo laga duulayo xeerkii Bishii January 31st, 1961 ee tirsigiisu ahaa lambar 5, ayaa dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa laga hirgeliyey afti guud oo ka koobnayd laba qaybood oo is xambaar ahaa: Distoor/Xeer Midow xalaaleeya israacii labada dal. Aftida waxa loo mudeeyey in ay dhacdo 20th June, 1961, waxay ahayd isxambaar ka kooban Distoor/Xeer Midow. Waa halka la yidhaa Hal xaaraan ihi, nirig xalaal ah ma dhasho.

Xisbigii SNL oo xiligaa uu hoggaaminayey Allah ha u naxariitee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu u ololeeye in aan loo codeyn aftida Distoorka, waanu ku guuleystey oo aqlabiyadda dadka reer Somaliland intii codeysey waxay ku codeeyeen MAYA, in badan oo bushlada ka mid ihina mabay codeyn. Xukuumaddii dhinaca koonfureed ka rarnayd marnaba may tixgelin xaqiiqada jirtey. Bishii September, 1961 ayaa natiijadii aftida xeer lagu dhaqan geliyey oo Wargeyskii Rasmiga ahaa lagu daabacay, waxan qalinka ku duugay Md. Aden Cabdille Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ahaa madaxweynihii iyo Raiisul-wasaarihii xiliga. Markaa ma wax la meel mariyey natiijo labadii dalba aqlabiyad ugu codeeyeen, mise waxay ahayd mid dhinaca koonfureed ka raran?

Oodobka Afraad, faqraddiisa 1, ee Qodobadii Ku Meel Gaadhka iyo Kama Dambeysta ahaa aynu hore usoo sheegnay wuxu ka hadlayaa Natiijada, waxanu u qorna sidan soo socota:

” Haddii natiijada Aftidu ka hortimaado daqan galka distoorkan, Golaha Sharci Dejinta ayaa shan iyo toban maalmood ka dib marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijooyinka, ayaa doorandoona madaxweyne cusub oo ku meel gaadh ah, kii horena aanu xilka sii heyndoonin; Golaha Sharci Dejinta ayaa ka hawl gelidoona daqangelinta distoor cusub oo afti loo qaado lix bilood ka dib magacaabidda madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee cusub.”

Meelmarinta natiijo aftiyeed oon waafaqsanayn xeerarka Caalamiga ayaa noqonaysaa waxba kama jiraan. Waa marka u horeyse eh tiro koob rasmi ah laguma hawl gelin; goobjoogayaal Caalami ihi markhaati kamay ahayn; natijada qaabka loo turjumayo heshiis laguma ahayn. Waxaan marnaba isqabanayn laba dal ayaa midowgoodii qiil loo raadinaya iyo waxa ay dowladdii xiligaa talada haysay la shir timid. Iyadoo sidaasi xaqiiqadii jirtay tahay, bal an eegno xeeldheerayaasha haya keydka taariikhda iyo siyaasadda Soomaaliyada ee la kowsatay Aftidii la qaada 20 Juun 1961, iyaguna waxay isxambaarka aragti ahaan uga yidhaahdeen:

“Waabaa beryey bilicsan; waxa mar qudha daaha loo rogay taariikhdii gumeysiga iyo wixii ka horeeyeyba. Qaarada Afrika waxa ku soo kordhay dal cusub oo la magic baxay: JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, midaysnaandoona tan iyo inta suurta laga affuufayo, sida ku qeexan Xeerka Dib-U-Midowga Qodobkiisa ^&, faqraddiisa *#!!’’. Hawraarsan weeyaan haddan kontonkii sannadood ee u dambeeye wixii dhacay aan warkooda la wada heyn; nin ka been abuuriyo iyo mid sideeda u sheegaba ha joogtee, waxaan marnaba lagu murmeyn laba erey oo suugaanta afka Soomaaliga ku soo kordhay aftida dabadeed: “Walaweyn” iyo “Aaden Yabaal” oo tilmaamaya cod isdabamarin iyo sanaaduuqdii oo la cabbeeyey- “Vote Rigging and Ballot Stuffing.” Labadaa tuulow iyagana nasiib darrodaa taariikhiga ah aya ku habsate kow dheh.

Waxa isla sannadkaa 1961 Wargeyskii Rasmiga aha lagu daabacay qodobadii “Xeerkii Midowga Somaliland iyo Somalia” ee xukuumaddii Somaliland koonfur ula tagtay!!!

Bishii December 10th, 1961 ayaa Saraakiishii Ciidanka Somaliland (Somaliland Scout) oo uu hoggaaminayo Allah ha u naxariistee Xasan Cabdille Walanwal isku dayeen afgambi in ay qaranimadii Somaliland dib ugu soo ceshaan. Nasiib darro afgambigaasi wuu dicisoobay. Saraakiishaas waxa lagu soo oogay dacwad dil ah oo socotay Bishii December 10th, 1961 ila Bishii Abril, 1963; ka badbaade oo xeer tiirka qabadsiiya waa loowaayey iyadoo xeerarkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ku midoobeen iyo distoorkeediiba waxba kama jiraan noqdeen.

Wa taciyahaa udunun waaciya

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email: asabeyse@hotmail.com