Writen by Qaran News |

 

Geedi socodka nidaamka dowladeed ee aynu unkaynaa waxa uu la daaladhacayaa afkaartà qabyaaladda iyo siyaasada isxambaarsan ee bulshadeenna sida ba’an u aafeeyay, taa soo la odhan karo waxay dhabaha ka leexisay hadafkii iyo u jeedadii aynu dowladnimada ka la hayn.

Waxa niyad-jabkeeda leh, in 28-sanadood oo aynu qarannimo yagleelayna ay wali qabyaaladdu innoo tahay halbeeg aynu wax ku cabirayno, islamarkaana ay innaga indho-saabtay waxyaalihii mudnaanta inoo lahaa, sida horumarinta ilaha dhaqaale ee wadankeenna, korinta iyo kaalin-galinta hayado dowladeed oo fulin kara shaqada ay u igman yihiin, hirgalinta adeegyo bulsho oo wax-ku’ool ah, dhisidda iyo dhaabadeynta bulsho xadaarad iyo aqooni hagayso, iyo in aynu ummad ahaan ku tiirsano dowladnimada kana guurno qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta inna daashatay.

Sida laga dheehan karo taariikhda iyo waayo-aragnimadii laga soo dhaxlay hayaankii dheeraa ee ay nolosha aadamuhu soomartay, majirto ummad qabyaalad weheshatay oo nolosha ka midho-dhalisaa.

waxay se ka dhaxashaa qalalaase, qaxoonti, gaajo, xanuuno iyo colaadaha oo dhulkeeda ku baaha. Waxa kale oo ay dhan-dhamisaa dulmiga iyo cadaaladdarada oo albaabka walba uga soo gala.

Markay ummaddi tahli-waydo in ay nolosheeda si waafiya u maarayso, kuna fashilanto horumarinta dhulkeeda iyo bulshadeeda, waxay dunida kalena ka noqotaa tuke cambaar leh,oo aan karaamo iyo sharaftoona ku dhex lahayn.

Sida bayjajka taariikhda iyo sooyaalka nolosha aadamuhu soo martay ay qorayaan, majiraan qarannimo iyo qabyaalad meel ku wada hanaqaadaa, waxa se hadba kora oo kaalin gala midka meesha ku soo horaysay, waana riyo iyo dhalanteet in aynu qabyaalad u weel-hayno qarannimona ku raad-joogno.

Cidina dafiri-karimayso, in caqabadaha iyo mushliladaha lugta jiidaya dowladnimadeennu ay dhamaan ku aroorayaan aragtida qabaliga ah ee bulshadeenna sida ba’an ugu xididaysatay, taa soo aynu kala soo hayaanay noloshii reerguuraaga iyo raacatada ahayd.

Wax-yaalaha maanta dowladnimadeenna iyo himiladeenaba nusqaanta ku ah waxa ka mid ah, musuq-maasuqa, cadaaladdarada, tafaraaruqa, shaqo la’aanta, hal-abuur la’aanta, khilaafaadka iyo fulid la’aanta shuruucda aynu ummad ahaan ku heshiinay, ku waa soo dhamina waxay salka ku hayaan afkaarta qabaliga ah, ee qalbiyada iyo quluubta bulshadeenna ka dhex-guuxaya.

Waxaynu ogsoonahay, in cabashooyinka ugu badan ee maanta bulshadeenna ka soo yeedhayaa ay la xidhiidhaan saluugga ay ka qabaan xilgudashada shaqo ee waax-yaha maamul ee qarankeena.

Isla-sidaa soo kale ayay hayadaha maamulkuna u tirsanayaan in caqabadaha ugu badan ee ay u dhutinayaan ay yihiin kuwo kaga imanaya bulshadooda ay u adeegayaan, iyaga oo farta ku fiiqaya in xanuunka qabyaaladdu yahay, midka ay ka dhaqaaqi waayeen.

Duruufaha siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho ee innagu gadaamina waxay hoosta ka xariiqayaan, in haldoorka bulshadu yahay halka ay dabashu innaga hayso, iyaga oo adoodi waayay in ay u ilimo-bixiyaan, shacabkoodan ay qabyaaladdu naafaysay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa eedo dib u dhacyada bulshadeenna ku gadaamani ay dusha ka fuulayaan, inta ummadda hormuudka u ah, haddii ay yihiin siyaasiyiinta, haddii ay yihiin aqoon yahanka, haddii ay yihiin madax-dhaqameedka, haddii ay yihiin war-baahinta, haddii ay yihiin suugaan yahanka iyo haddii ay yihiin ganacsada wadanku uu leeyahayba.

Sababta oo ah, ummad kasta oo horumar iyo barwaaqo ku talaabsatay waxa bud-dhig u ahaa, haldoorkeeda iyo inta bulshada gadh-wadeenka u ah.

Halbeegayada lagu cabiro meesha ay ummadi u socoto waxa min-qiyaas u ah, hadba inta bulshada hormuudka u ahi doorka ay ka ciyaarayaan horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshadooda.

Haddii boqolleyda tirda ugu badan ee hormuudka bulshadu ay xambaarsan yihiin han iyo himilo durugsan, bulshadaasi waxay cagta saartaa dhabaha horumarka iyo barwaaqada.

Haddii se boqolleyda tirda ugu badan ee hormuudka bulshadu ay ka madhan yihiin, aragtida toolmoon iyo hilaadin fog oo ay bulshadooda ugu sahan tagaan, waxay bulshadaasi u cagta saartaa dhabaha fashilka iyo guuldarada.

Gun iyo gabo-gabadii, ummad kasta oo ka midho dhalisay hadafkii ujeedooyinkii ay la hayd, waxay ku gaadhay midnimo iyo wadajir, laakiin kuma ay gaadhin kooxaysi, danaysi iyo danyarta oo salaan laga dhigto.

By Cumar Axmed Cali,

cumaraxmed331@gmail.com