Qarax Khasaaro geystay oo gilgilay Muqdisho +faahfaahino ka soo baxaya

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaadh- noociisu ahaa Kaarib oo ay wateen ciidamo katirsan taraafikada somalia, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaadhi ay wateen ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo katirsanaa ciidamada taraafikada ayaa qaraxa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale oo labo kamid ah yihiin askartii gaadhiga la socotay.

 

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo ciidamada Somalia. 

Qarax is-miidaamin ah oo ruxay Baydhabo

 

 

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa sheegaya in goordhoweyd qarax is-miidaamina uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xidhay walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaho ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baday qaraxa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay waxyeelo,Dhimasho  & Dhaawacba leh gaadhay qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

 

Askari ka tirsanaa Nabadsugida Jubbaland oo qarax lagu dilay

Askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku geeriyooday qarax loogu xidhay gaadhigiisa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay badhtamaha magaalada Kismaayo.

Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Maxamuud, waxaana intii aan qaraxa lala beegsan uu ku jiray hawlo la xidhiidha Sirdoonka iyo Nabadsugida magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu magaalada Muqdisho u joogo shirka madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee looga arrinsanayo is-mariwaaga hannaanka doorashada dalka, kaas oo ilaa hadda aan wax horumar ah laga gaadhin.