Writen by Qaran News |

Qarax aad u weyn islamarkaana dhaliyay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxaa uu goor dhow ka dhacay bartamaha caasimadda dalka Fransiiska ee Paris, waxaana ay wararku sheegayaan in qaraxaasi uu ka dhashay gaas yaalay goob foorno ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in ugu yaraan qaraxaasi ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 25 ruux, halka uu bur-bur baaxadlehna u geystay goobtii uu ka dhacay iyo guryihii ka agdhawaa.

Hay´adaha gurmadka oo isugu jira dab-damis iyo ambalaas ayaa la tacaalaya goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana laga cabsi qabaa in ay qaraxyo kale ka dhacaan goobta.

Booliska ayaa bilaabay ka qixinta dadka ka agdhow goobtaasi oo laga cabsi qabo in qaraxyo kale kasoo fool leeyihiin.

Wali si rasmi ah uma cada sida ay wax u dheceen, waxaase laga warhelay oo kali qarax weyn oo olol iyo uuro wata.