W/Q Mujaahid Cali Guray
” Khudbadaha Muuse iyo Khudbadaha Cabdiraxmaan ayaa midba lagu qiimayn ka mudan hogaamiye. Labada Anigu Cabdiraxmaan ayaan waxa uu ka hadlayo si fiican u fahmi karaa beenna aan ahayn ee run ah. Muuse anigu khudbadihiisa waan ku wareeraa oo ma fahmo ujeedadiisa iyo ka jeedadiisa. Waxan u qaataa uun kiis-iska-waal iyo in uu runta ka warwareegayo qiiqna isku qarinayo.
Cabdiraxmaan hadalkiisii maanta laaxin laga jarimaayo. Wuxu ahaa hadal kooban oo hadana dhamaystiran oo aanu runta khilaafka taagan waxna ku darin waxna ka dhimin kina cadeeyay mawqifkiisa, ka xisbigiisa, iyo ka mucaaridkaba
Cabdiraxmaan hadalkiisa mar kasta waxa laga arki karaa daacadnimadiisa. Taas oo uu kaga duwan yahay Muuse Biixi”
May be an image of 2 people