Qiimihii Kalluunka oo sare u kacay+Kalluun yaraan Soo wajahday Berbera & Sababta

Sideedaba Kalluunka ama Malayga waxaa lagu tiriyaa Cuntooyinka ugu fiican ugana caafimaadka badan waxyaabaha Bini-aadamku cunno,Weliba waxa intaas u dheer Kalluunku waa Cunnada ugu mudan ee laga helo Maadada ama Saliida loo yaqaano “Omega 3” oo faa’iido badan u leh jidhka iyo Shaqada maskaxda Bini-aadmka.

Yeelkeedee inkastoo kalluunka laga helo Badda Somaliland Noocyo badan yahay oo kala tayo fiican yahay,kalana qaalisan yahay haddana Gebi ahaanba waxaa kor u kacay Qiimaha Kalluunka lagu kala iibsado Siiba Magaalo xeebeedka Berbera oo ah Bogcada ama Xeebta kalluunka ugu badan laga soo saaro,lagana soo waarido,ku darsoo waxaa yaraaday ama is-dhimay xaddiga Kalluunka ee Kalluumaysatadu soo jilaabaan Arimo Dhawra dartood.

Aan ku horeyne Midi waa Bisha Ramadaan oo Barakadeeda & kheyrkeeda Wadata oo kallumeystada qaarkeed nastaan.

Mida kalena waa Nooca libaax-badeedka ka mid ah oo loo yaqaan “Indho-tooshle” oo ku badan ama laga helo xeeabaha Maydh oo la sheegay in suuqiisu xaami yahay Beryahan danbe halkaas oo kalluumaysto badan oo ka hawlgeli jiray Xeebta Berbera u shaqo tageen oo u wareegeen.

Inkastoo Somaliland mamnuucday ka ganacsiga & dhoofinta Kalluunka  Nooca Indho-tooshlaha Gebi-ahaanba oo shaacisay inuu dabar go’aayo haddana waa la daldalayaa oo wataa kalluumeystadii Saaxil u haajirtay oo Xagga & Indho-toosh-laha  Lacagta badan u shaqo tagtay.

Isku soo wada duuboo waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqii xagga kaluumaysiga ee Berbera siiba Doonyihii badda geli jiray ee soo jilaaban jiray oo Xaaxiga badda iska yaala markii Kalluumaysatadii ka haajireen,Waxayna taas saameyn taban ku yeelatay dadkii kalluunka istcimaali jiray & Meheradihii ka ganacsan jirayba.Taas weeyena ta sababtay Korodhka Qiimaha Kalluunka,Meherado badan oo Kalluunka lagu iibin jiray ayaa is-xidhay oo dadkii u shaqeyn jirayna shaqo beeleen.

Halkan ka Daawo Muqaalka:-

Guntii & Gebagebadii “Hadal Murti buu ku go’aaye” waa in Fiiro gaara loo yeeshaa oo hoos loo eega Arrimaha kalluunka,Bulshada ku nool & Kuwa noloshoodu ku tiirsan tahayba