Qodobo Ka Soo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Hayada Caymiska S/land

Kulankii ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo Guddoomiyaha caymiska qaranka ayaa imika soo dhamaaday.

Qodobada ay labada dhinacba isla qaateen ee kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah:

  1. In ay labada dhinacba ayideen (Aqbaleen) go,aankii maxkamada sare jsl.
  2. In kulanka ay maanta iskugu yimaadeen uu hordhac u yahay kulamo is daba socda oo ay gudigu la yeelanayso madaxda caymiska qaranka.
  3. In labada dhinacba ay cabashada ganacsatada hoos u eegaan oo ay ku dhameeyaan wax la isla ogol yahay.
  4. In gudi-hoosaadka dhaqaaluhu ay qaraar ka soo saari doonaan kulanka maanta ay la yeesheen gudoomiyaha caymiska qaranka.