Qofka qori kuu qaata adiga oo aan hub wadanin ee Madaxa & laabta kaa la dhaca rasaas ololaysa maxaa isu tihiin?

Maxamed Haaruun Biixi

Hadalhaynta Moorgan waa hog-seeg!
Qof kasta oo in yar oo damiir ahi ku jiro, oo Reer-SL ah, beesha uu doono ba ha ka soo jeedee, si gaar ah na Reerka hadda goonida loo ugaadhsanaayo oo dabcan xil gooni ahi saaranyahay, waxa aan ku leeyahay sabab Moorgan loo hadal hayo ma jirto, ha ba yaraatee. Full stop! Look at the enemy within. Saw mayd ciidda ku hoos jira iyo dhaawac tiro badani ma yaallo oo aanu weli dhiigoodii qalalain? Waa halkii Guudcaddee, qofka qori kuu qaata adiga oo aan hub wadanin, ee madaxa iyo laabta kaa la daca rasaas ololaysa, maxaa isu tihiin? Jawaabtu waa waxba. Haa, ma jirto wax uu kuu yahay oo aan ‘cadow’ ahayni. Waa in aad sidaas u aragtid, oo sidaas u ga fikirtid, oo dabeeto sidaas u la dhaqantid. Abidkiin yaan Moorgan iyo micno darro kale indhihiina la gu jeedin.
Eeg, Moorgan wuxu ahaa askari aan cidi dooran, oo uu soo dirtay askari kale oo isna aanay cidi dooran, hadda laakiin kuwo aad kalsooni siisay oo heshiis idinka dhexeeyay xilkaaga ku qaaday baa ku gawracay, oo ku gumeeyay, oo gabdhahaagii iyo wiilashaadii ba sida yeyda u cunay u na cunaaya, saw ma aha? Hadaba kuwaas oo shakhsi iyo shakhsiyaad kooban ah indhahaagu yaanay marna ka jeedsan. Marnaba yaanay maskaxdaada ka bixin. Is ku soo wada duub, dooddu waa ha doqonoobin! Besba.