Writen by Qaran News |

Qofkii Ugu Da’da Weynaa Sacuudiga Oo Ku Dhintay 147 Sano+Sawirro

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka geeriyooday qofkii ugu da’da weynaa dalkaasi oo lagu sheegay da’diisa in ay aheyd 147 sano.

Sheikh Ali Al Alakmi ayaa ahaa qofka ugu da’da weynaa dalka Sucuudiga, waxaa geeridiisa ay aheyd mid aad looga hadal haayo warbaahinta Carbeed, iyadoo uu u dhintay dhiig maskaxda ugu furmay.

Wadaadkaan ayaa marka uu soo xajinaayo masaafo dhan 600km kasoo lugeyn jiray magaaladii uu deganaa ee Abha, isagoo aan wax gaadiid ah usoo raacin Makkah, waxaa kaloo ay qoskiisa sheegeen inuu aad u cuni jiray cuntada dabiiciga ah iyo hilibka iyo caanaha aan warshadeysneyn.

Wareysi lala yeeshay ka hor inta uusan dhiman ayaa waxaa uu sheegay in Sacuudiga aysan ku nooleyn qof asxaabtiisa ah ama ku waqti ahaa.