KULMIYE AYAAN AHAY MUSHARAXNA WAAN AHAY
Kulmiye hadii xilka gudoomiyaha Muuse baneeyo waxan qabaa in gudoomiyaha cusub ee bedeli doonaa aanu muran ku jirin ee noqon doono Maxamed Kaahin. Meel laga mari karo xaqiiqadan anigu garan maayo xanta iyo dhuxdhuxduna way badan tahay. Waynu og nahay oo sida la sheegayo Muuse Biixi ayaaba isagu wada Maxamuud. Dabcan Maxamuud laftiisu halka wax uga bidhaamayaan waa halkaas ee ma laga yaabaa in mar kale uu ku hungoobo Kulmiye xili aanu xataa urur siyaasadeed furan karin?
Arinkan gudoomiyaha Kulmiye ma dhex yaal Kulmiye oo dhan loomana sinna ee reer gaar ah ayaa iska leh sidii Muuse uu heshiiska ku galay. Muse iyo Maxamuud hadii ay ku guulaystaan in Maxamed Kaahin dibadda la dhigo kalajab ka wayn oo ku iman kara Kulmiye anigu ma jiro ayaan qabaa. Maaha reerka ay ka soo wada jeedaan oo keliya dhinaca anigu aan wax ka eegayaa ee waa Kulmiye oo dhan iyo taageerayaashiisa. Waxay noqon doontaa qaladkii ugu waynaa ee Muuse Biixi Kulmiye ka galay. Dhinaca kale waxay noqon libgadkii iyo abaal li’idii qarniga ugu xumayd iyo weliba gef taariikhi ah iyo xumaan Muuse Biixi uu ula badheedhay saaxiibkii Maxamed Kaahin oo isagu soo taageerayay, oon mar keliya ka leexan waddadii dheerayd uu u soo maray kursiga uu maanta ku fadhiyo. Waa hadii uu dilo danta iyo hanka Maxamrd Kaahin ka leeyahay xisbiga Kulmiye. Hadii ay dhacdo waxay noqon abaal li’idii ugu darnayd ee qarnigan.
Sida ka muuqata Maxamuud Xaashi waa nin isagu is-huba oo Madaxwayne uu dhisayo guushuna ay dhiniciisa tahay ee bal aan sugno oo eegno guusha Maxamuud meel sii dhigtay iyo Maxamed Kaahinkan oo aan uba jeedin. Bishuna horteena ayay iman hadii Allah yidhaa.