Muuse Biixi, markii uu Burco u socday ee Bariga Hargeysa sii dhex maraayay, ciidan tiro badan iyo tikniko ayuu hareeraha is ka dhigay, hor iyo dib na is ka mariyay. Taas maqal ayay I gu ahayd, waa se la ii xaqiijiyay hadda. Maxaa hadaba halkan ku dhex jira? Tafsiir badan ma u baahna runtii. Hadii dareen sidaas ahi ku jiro, in uu gurigiisa is ka joogo ayay ahayd. Hadda ceebtiisa ayuunbuu muujiyay. Nin si dhab ah u colaad qaatay, oo dadkiisa uu godobta ka galay is ka ilaalinaaya weeye. Waa tabtii Siyaad ahaa ee I su ilaalin jiray. Nin kasta oo godobaysan, oo dhiig faraha la galaa noocas buu isu ilaaliyaa.