Qoraa Sugaan ku cabiray Hubaaleyn ay wadaan Waracade & maayir Mooge

Hebeloow iswanaaje ama waad hana qaadi amba waad ku hagaasi hadalna wuu ku yaraan, nin hareer fadhiyowna hadal kuma banaanoo hunguraa ku eryaayee iska soo humbul lee.
Hadda wayba caddaane ma Hormood Garxajis iyo ragga haybta ku sheegta Hargeysaanu degnaa iyo hillaab lay xidhaybaa?
Ma rag Muuse haleelay oo hantidiisa ah baa?
Ma hoosasin cadoo habeen loo gabanbaa?
Hayaay qaylo dhacaysa rag ku huursan Madheera iyo
Horseed kii Banu haashin,
Cirro loo hanjabaayo iyo hablihii la garaacay idinkoo meel ku hubsan hadal baan furinaa iyo hawhawda rag la haystow hiyigiina ka saara hawl dadkoo dhan u taal.