Qorax Madoobaad ” Sollar eclipse” la filaayo Maalinta Salaasada “29 Rabi Al Awwal 1444″+Salat Al-kusuf oo Labada Xaram laga oogi doono

25 Bisha October 2022 ““29 Rabi Al Awwal 1444”oo ku beegan Salaasada toddobaadka cusub ayaa la saadalinaya inuu dhacaayo Qorax Madoobaad ay saadashu sheegayso in uu socon karaayo ilaa 1 saac iyo 20 daqiiqo maalintaasi.

Qorax madoobadkan ayaa la saadaliyay in meelaha sida xoogan looga arki doona ay ka mid yihiin, meelo ka mid ah qaarada Afrika, Koonfur bari ee qaarada Yurub, Bariga dhaxe, Koonfur-galbeed ee qaarada Aasiya, meelo ka mid ah Galbeedka Hindiya, Ruushka iyo meelo kale oo u dhow.
Dawlada Sucuudiga ayaa iyadu sheegtay in Salatul Kusuuf laga oogi doono maalinta Salaasada hadii Qorax madoobadkaasi dhaco labbada Xaram ee barakaysan ee Makka iyo Madiina, sidoo kale hadii ay dhacdo qorax Madoobaadkasi waxa salaadasi oogi doona Islaamka oo dhan.