Writen by Qaran News |

Erey Buugga Boobe Ku Saabsan

“Buugga Dharaaraa Ina Soo Maray”, Sooyaalkii iyo Sugantii SNM (1981 – 1993) ee Boobe Yuusuf Ducaale waa xog waayeel oo malaasan iyo kayd dhigaal oo macduun ah. Inta aad is la oggolaanaysaan ayaa boqol jeer ka badan inta aad isku diidi kartaan.

Anigu, qof ahaan, waxa aan in badan dhex joogey oo aan xogogaal u ahaa mawduuca uu qoraagu ka falloonayo, gaar ahaan inta SNM tooska ugu saabsan, aniga oo qoraaga la garanaya dhacdooyin badan oo uu diiwaagelinayo goobihii ay ka dhacayeen iyo jilayaasheedii iyo daneeyeyaasheedii, qof weliba ama kooxi ba kaalintii uu/ay ku lahaa/ lahayd iyo inta badan suganti kasta oo qoraagu soo tebinayo.

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) waxa uu ka mid yahay foolaadka, haddaanu ahayn ba, qofka ugu horreeya ee loogu hagaagi karo taariikhdii SNM. Waayo waxa uu ahaa inta badan xilligii SNM xoghayn guddi ama xoghaye fulineed, waxanu kale oo uu ahaa nin karti badan oo ‘inta uu cuno ciidansha’, gaar ahaan marka ay qoraal hal-abuurkii iyo kaydin dhacdo timaaddo. Waa aan xusuustaa oo lama arki jirin Boobe oo aan gacanta ku sidan xusuus-qor iyo qalin uu ku gaashaaman yahay. Sidaas buu ku noqday xogogaal wax badan og, wax badanna weeleeya, haddana soo tebinaya.

Taas macnaheedu ma aha wax walba oo SNM ku saabsan qoraagu waa uu hayaa ama waa laga ag heli karaa, ama sidii ugu wacnayd ayuu u soo bandhigi karaa inta uu hayo. Wax se hubaal ah in uu wax badan kaydiyey, wax badanna soo gudbiyey, iyada oo tebintiisu u caano shubanaysa tognaansho tayo ahaaneed.

Buuggani waa buug qaro weyn, walwaalaya na xog ka culays badan dhumucdiisa. Waxa uu ka kooban yahay 474 bog. Wuu baallo fidsan yahay ballac ahaan. 98% in ka badan waa sooyaalkii iyo sugantii SNM oo car iyo bey la’. Sida uu qoraagu ba buugga meelo ka mid ah ku sharxay ereyga ‘SUGANTI’ oo ah wixii si rasmi ah qoraal ahaan u galay (DOCUMENT) ee SNM lahayd ayuu buuggu xambaaray.

Xog malaasan iyo kayd dhigaal ah oo macduunka ah oo aan is leeyahay buuggan mooyee meel kale oo loogu hagaagaa ma jirto ayaa noqonaysa isir Boobe loogu hibayn karo ‘Billad Sharaf’, marka la eego sida uu hawshaas isaga xilsaaray ee uu, ugu horrayn, u kaydiyey dhawr tobanle, mar labaadna isugu dubbaridey qoraal gelinteeda, ka dibna u soo tebiyey buug ahaanteeda dhito iyo dhaxal ahaan.

Waa dedaal naf-hur ah, waxana garan kara qof kasta oo ay buug qoraalkii is muteen, weliba buuggan oo kalena wuu ka sii xagjiraa marka lagu dhereriyo mawduuciisa iyo is diiddooyinkiisa ka dhalan kara dhaqanka hadlaaga ah ee aan daymada weyn u lahayn ama siinnin wixii ‘suganti’ ah, ee ka dab qaata ‘kutirikuteenka’ iyo ‘wax la yidhi’.

SNM ma aha hadda isir jira oo horteenna yaalla. Waa wax tegey iyo taariikh. In sooyaalkeedii suganti ku saabsan la helaa waa iftiin wax laga baran karo. Wixii sugan ee laga heli karaa waa sahay loogu sahan tegi karo in kale oo ku kala filiqsan maskaxo kale. Buuggani jidkaas buu furayaa.

Waa tee ‘Sugantida’ uu haddaba Boobe buuggan inoogu soo tebinayaa?

Waa dhammaan shirweyneyaashii SNM oo buuggu lix kaga tibaax bixiyey, kalfadhiyadii guddiyada iyo dhawr shir oo caadi ah iyo dhawr kale oo aan caadi ahayn. Shirarkaasi waxa ay dhacayeen muddo ku siman 10 sannadood. Shirka kasta waxa uu buuggu qorayaa sidii loo qabanqaabiyey, sidii loo maareeyey ergooyinkii ka qayb galay, taariikhdii iyo goobihii lagu qabtay, muddadii shir kastaa socdey, qodobbadii lagaga wada hadlay iyo doodihii ka dhashay iyo go’aamadii ka soo baxay.

Shir kastaa waxa uu, dhinaca kale, sawir bar-ku-joog ah ka bixinayaa xaaladdii SNM xilligaas uu shirku dhacayo ay ku sugnayd iyo joogtooyinkii kale ee xidhiidhka la lahaa. Waxa uu buuggu shirarkaas ka soo gudbinayaa ma aha qiimayn iyo aragti uu qoraagu leeyahay ee waa ‘sugantii’ ama ‘document-kii’ rasmiga ahaa ee shir kasta laga soo saaray. Waa taas ta qiimaha samaynaysaa.

Buuggu waxa uu, sidaas si la mid ah, u soo tebinayaa ‘sugantii’ qaab dhismeedka ururka SNM guddiyadiisa fulinta, golaha dhexe iyo guddida joogtada ah, iyo waajibkoodii xilgudasho, xeerarkii iyo xaagaantoodii (xeer hoosaadkoodii).

Waxa kale oo kuwaas raacaya oo buuggu soo bandhigayaa barnaamijkii siyaasadeed iyo dastuurradii ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo ‘suganta’ ugu macduunsan ahayd, lagana halacsan karo mabaadidii iyo waxa ay SNM u taagnayd.

Saxantii iyo dhalliishii SNM, labadu ba, iyaga oo ka badan biyaha gu’gii gala galalka Ciideed waxa laga la soo dhex bixi karaa dhawrkaas ‘Suganti’ ama ‘Document’ ee buuggu xanbaaray oo aan anigu qof ahaan u arko godanka, obocda iyo biyo-culusta buuggan.

Waxa kale oo buugga ku dhex filqan isirro kale oo SNM sooyaalkeeda u taagan oo qoraagu u doorbiday ahmiyad ay lahaayeen. Waxa ka mid ah mawduuca uu qoraagu ula baxay ‘Mudantii Hawl-gallada’. Waxa uu kaga warraamayaa afar dhacdo oo waaweyn:

1. Dhagaxtuurkii Ardayda ee Feb 1982. 2. Hawl-galkii Badbaado ee jebintii xabsiga Mandheera ee Jan 1983.
3. Hawl-galkii Birjeex ee miiska saraakiisha ee April 1983 iyo
4. Hawl-galkii Burco-duurrey ee October 1984.

Mudanta Hawl-gallada SNM, waa run, oo kuwani waa ka mid marka laga yimaaddo Gadoodkii Ardayda oo ka madax bannaanaa hawl-gallada SNM, kuna saabsanaa oo ka kacay xadhiggii Dhallinyaradii UFFO.

Labada hawl-gal ee jeelka Mandheera iyo Miiska Saraakiishu waxa ay SNM u soo hooyeen sumcad siyaasadeed iyo tu milateri oo weyn.

Mawduucyada muhiimka ah ee qoraagu sida miiggan wax uga iftiimiyey waxa ka mid ah wada hadalladii taxnaa iyo heshiishkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1986/1987/1988, saamayntii ay ku yeesheen halgankii hubaysnaa ee jabhadaha Soomaaliyeed iyo gudo-galkii raacay ee SNM.

Kulamadii SNM iyo ergadii Garaad Cabdilqani iyo natiijooyinkii ka dhashay ayaa mawduuc kale oo buuggu wax ka taabtay ah, xiiso na leh. Kaas waxa la mid ah mawduuca kale ee muhiimka ahaa ee isna la xidhiidha heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee SNM, USC iyo SPM oo isna ‘Sugantisii’, ‘Document-kiisii” qoraagu inagu soorayo..

Kaalinta ‘dhaqanka iyo bulshada’ iyo SNM waxa isu soo taagaya oo buuggu soo qaadanayaa geeddisocodkii dhismaha golaha guurtida oo SNM ka soo dhex bilaabmay 1984. Waa dhacdo soo jiidasho yeelan karta, in kasta oo aanu qoraagu inoo sheegin sababta dhismaha guurtidu uu hagaaska u galay wixii ka horreeyey 1988, isaga oo tilmaamay in 1984 dhismaha golahaas la bilaabay oo guddoomiye loo magacaabay, haddana aanu dhaqan gelin wixii ka horreeyey 1988.

Buugga waxa kale oo qayb ka ah
booqashooyin qoraagu wufuuddii u baxday uu ka mid ahaa oo lagu tegey saddex aag ciidameed oo SNM ka koobnayd 1986.

Waxa aan qaybtan u arkay ta ugu liidata buuggan, wax na u dhimaysa xiisihii iyo sahii buugga lagu akhriyi lahaa. Meelo hore ayay qaybtu ka jirtaa (bogagga 157 – 186).

Marka aad qaybtan akhriyayso waxa kugu dhacaya caajis badan. Waa aad hamaansanaysaa. Dhawr goor marka aad buugga iska laabto, waxa kugu soo dhacaysa dib ba ha u kala furin, haddii aanu jirin hir kale oo kuu muuqda oo aad higsanayso gaadhiddiisa.

Booqashooyinkan dhexdooda qoraagu waxa uu mar ku saarayaa gaadhi Toyota ah oo xiimaya, una kala gooshaya tuulooyin iyo magaalooyin. Odayaasha beesha iyo mujaahidiin buu kula kulansiinayaa, aanu waxba kaaga sheegayn inta badan kuwa ay ahaayeen, waxa lagu wada hadlay iyo natiijo wixii la isla gaadhey. Mar kale waxa uu ku saarayaa diyaarad Helicopter ah oo la baaxaadegeysa dhulka taagagga sare iyo buuraleyda Itoobiya.

Malahayga waxa qummanayd in aan 29 bog booqasho qaabkaas ah lagu sii deyn ee lagu koobo tobaneeyo bog. Haddii laga tegi waayo xog ku saabsan degaannada iyo dhulka waa laga mudan karaa sharaxa badan ee booqashooyinka oo muhiim noqon lahaa haddii xoogga qoraagu saaro nuxurkoodii doodo iyo natiijooyin ahaan ba.

Ragannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.

Qoraagu isaga oo hawl culus ka soo dhalaalay oo inta badan ee waxtarka leh ee uu soo bandhigay ay u buuxinayaan inta yar ee la odhan karo ama u muuqan karta goldaloolo aan ereyo ku soo koobo intii aniga buugga iiga soo baxday.

Booqashadaas aagagga marka la yimaaddo, waxa aan xusi lahaa dhawr qodob oo aan uga gol leeyagay in dib loo eego daabacaadda labaad ee buuggan qiimaha leh, HAI.

1. Buuggu waxa uu u baahan yahay dib u eegis farsameed. Qaabka isku xidhnaanta mawduucyada ayaa ugu muhiimsan meelaha u baahan dib u eegista iyo in aflaaqo ku jirta meelaha qaar laga gooyo. Qaybaha buugga qaar baa u soo baxay qaab taxane ah sida ka muuqata, una eg in aan dib loo eegin markii buugga la gelinayey oo hadda u baahan in dib iyana loo tafatiro. Shirarka oo kale in doc la isugu duwaa fududaan karta, tusaale ahaan.
.2. Farta ‘hayska’ leh ama ‘janjeedhka’ leh ee ‘italics’ loo yaqaan oo buugga aad ugu badan oo mararka qaar dhawr bog isku wadhaysa in xal kale loo helaa ila qumman daabacadda labaad, waayo xawliga iyo xiisaha akhriska ayay yaraynaysaa, weliba dadka waaweyn, sidayda oo kale.

3. Qoraagu waxa uu Kornayl Sheekh Yarow ku duray wax kornayl kasta oo SNM ahaa uu Sheekha la wadaagi karo.

Sheekh Yarow waa aasaasihii Aagga Koonfureed ee SNM. Dabayaaqadii 1983 ama horraantii 1984 midkood ayaan anigu ugu tegey Suufti oo ku dhacda meel u muuqata xadka Mandheera ee Kenya iyo Buulo Xaawo oo Soomaaliya ah.

Suufti oo dhanka Itoobiya raacsan, Doolow iyo Buur Aaminow ayuu Sheekhu saldhigyo SNM ka mid ah ka yagleelay, Col Aadan Saleebaan Cali, AHN iyo aniguna ugu tagnay. Anigu Radio Halgan baan ka socdey.

Marar kale oo badnaa xafiiskii Addis Ababa ayuu Sheekh Yarow noogu yimi oo waraysiyo idaacadda ka baxay aan kaga qaadnay. Waxa uu ahaa nin dhulka u dhow oo af gaaban. Ma hubo in uu nool yahay iyo in uu hadda mootan yahay.

Boobe waxa uu Sheekh Yarow ku eedeeyey, isaga oo weli ba aqoontiisa qofnimo liidaya, in uu reerkooda isaga oo u hiilinaya dagaal ka ridey Kenya gudaheeda oo ciidamo geliyey. Waa suurto gal oo Digoodi xuduudda saddexda waddan ba (Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya) waa ay u kala gudbaan xilliga hillaac raaca.

Maxamed Siyaad Barre haddii uu reero jiidahaas wada dega mid soo hubeeyey oo mid uu mucaaridnimo ka ururiyey ku duqeeyey saw taasiba Aaggii Waqooyi iyo Itoobiya gudaheeda kama dhici jirin oo SNM ciidanadeedu gacan ma siin jirin qabaa’ilkii taageersanaa ee qabaa’ilka kale lagu soo soofeeyey, illayn labada jeer ba “Aagga Koonfur iyo ka Waqooyi”, waxa la iska difaacayaa isku mid bay ahaayeen (Xukuumaddii Maxamed Siyaad oo dagaallo beeleed xabbadda mucaaridka iskaga gudbaysa), oo beeshii SNM si uun maalin u taageerta lagu soo hubeeyey beeshii/ beelihii kale ee ay ood-wadaagta ahaayeen ee Itoobiya ama Kenya xuduudaha ku teedsanaa.

Khalad iyo sax kii ay noqotaba waa loo gudboonaa falcelintii SNM ee isku midka ahayd waqooyi iyo koonfur ba haddii wax ka dhaceen Kenya ama Itoobiya, waayo dagaal siyaasadeed oo beelaha la isla dhex galay ayaa dhacayey.

Taas awgeed, Kornayl Sheekh Yarow kelidii arrintaasi gaar uma qabato, waxanan u arkay in ay buuggan macdanta ah fongor ku tahay.

4. Buugga waxa ku jira isir kale oo is diiddo ama is burin ah. Dhawr meelood waxa buugga kaga qoran in halgankii SSDF is taagey 1984 markii la xidhay guddoomiyihii jabhadda Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo xubno kale oo guddidiisii fulinta ka mid ahaa. Isaga oo qoraagu aqoonsan in SSDF ay wax tegey tahay, ayaa haddana waxa uu dhawr meelood oo kale ku iftiiminayaa in labada jabhadood ee SNM iyo SSDF kulamo yeesheen 1986 iyo 1988 oo wadajir wax u wada gaadheen, madaxda Itoobiyana wada xaajoodyo la wada yeesheen uu Boobe laftiisu goobjoog ka ahaa.

Mar dambe laftaydu waxa la i xusuusiyey in xadhigga Cabdillaahi Yuusuf ahaa 1986. Sannadkii 1985 ayaa khilaafkii SSDF oo hoggaaminta ku saabsanaa cirka isku shareeray. Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Maxamed xmXuseen oo ka mid ahaa madaxda SSDF ayaa shirqool lagu diley. Ka dib ayaa la xidhay Cabdillaahi Yuusuf.

Shirar badan oo guddoomiyihii SNM ee xilligaas Axmed Siilaanyo oo rag Boobe ka mid yahay la socdaan ayuu buuggu qorayaa in ay sannadahaas 1986 iyo 1988 la yeesheen guddoomiyihii SSDF Xasan Cali Mire iyo rag kale oo ay ka mid ahaayeen Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Faarax Jimcaale iyo Injineer Ismaaciil. Hadda waa SSDF-tii dhinaca kale qoraagu meelo kale oo isla buugga ah ku lahaa waxa ay burburtay oo hawada ka baxday 1984.

Runtii waa taas ta is burinta iigu muuqataa ee buuggan miisaanka leh aan u qalmin ee fongorta ku ah

5. Gabay Qaasim lahaa oo uu qoraagu hal sadar ka soo qaatay ayaa isna u dhignaa; ‘Addis Ababa gee baan lahaa ayda doogga leh’.

Malahayga waxa uu ku saxnaa sidan:
Iliilaha Jabuutaan lahaa aayar sii mari
Addis Ababa gee baan lahaa adhaxda jiilaal
Enefdii ha daaqdaan lahaa ayda doogga leh.

6. Cabdillaahi Wadhafit ayuu buuggu ku tibaaxay in uu lahaa halkudhegga:
“Ka tag talo xume
U tag talo xume
Anna talo xume
Waa tabtaan ahay.

Cabdillaahi Wadhafit markii hore waxa uu ka yimid Maxamed Siyaad Barre oo waxa uu u yimid Cabdillaahi Yuusuf, haddana waxa uu ku noqday Maxamed Siyaad sidaas buu Boobe Yuusuf u dhigayaa sababta halkudheggani ku yimi.

Hase yeeshee, waxa aan anigu u hayaa si taas ka geddisan iyo nin kale oo halkudhegyo badan lahaa in uu kanna lahaa. Waa Xirsi Magan, AHN.

Maxamed Siyaad buu ka yimi sida Cabdillaahi Wadhafit. SSDF buu ku geli waayey oo ka yimi sidoo kale. Maxamed Siyaad se kuma uu noqon oo SNM buu u yimi. Wuu ku geli waayey sidii SSDF. Maxamed Siyaad ku ma uu noqon sidii Wadhafit ee waxa uu ku ciil burburay oo Markaas yidhi, baa la yidhi:
Ka tag talo xume
U tag talo xume
Anna talo xume
Waa tabtaan ahay.

Xirsi Magan waxa uu ahaa cabqari qaayaha afka ku wadh wadhay oo kaftan iyo murti badan. Halkudhegyo dhawr ah oo kale ayuu lahaa. Waxa ka mid ahaa, baa la yidhi, kan isla SNM ku saabsanaa markii uu ku soo biiray. Waxa uu yidhi markii uu muddo SNM la joogey:

“Waxa aannu ka nimi kuwo xanta naga qarsada, manfaca se la la wadaago,
wax se aannu u nimi kuwo labadaba naga qarsada”.

London ayuu Xirsi Magan ku geeriyoodey 10 sano ku dhowaad ka hor, AHN.

Halkudheggaas Boobe buugga ku soo qaatay in Xirsi leeyahay dhawr qof oo kala duwan baan muddooyin kala duwan ka maqlay. Hubsiimo kale ayuu isna u sii baahan yahay.

7. Waxa iyana aan qoraa Boobe Yuusuf kaga yar duwanahay sidii loo kala hor yagleelay saldhigyada ururka. Buuggu waxa uu qorayaa sidan: in saldhigga Durya ahaa ballaysinkii. Waa aan la qabaa qodobkaas. Raacii labaad ee saldhigyada waxa uu ka dhigay Xarshin, Laanqayrta, Awaare, Gaashaamo iyo Baalidhaye in ay ugu horreeyeen.

Anigu waxa aan SNM ku soo biray March 1983. Baalidhaye, Gaashaamo iyo Xashin midna kama aanay jirin saldhigyo la sheegaa oo ciidameed. Gaashaamo waxa joogey oo jiidda bari abaabul ka wadey saraakiil aan ka xusuusto Maxamed Kaahin, Cali Hayaan iyo Cabdillaahi Cali Suufi, labadan dambe, waa ay mootan yihiin, AHN, iyo tiro yar dad ah oo gudaha ka soo baxay oo askar iyo sibil ka kooban, aan se saldhig weli yagleelin. Xarshinna waxa aannu ugu tagnay arday keli ah oo guri magaalada laga siiyey, gaar ahaan hablaha, oo waqooyi bari kaga yaal ku jirta. Laanqayrta iyo Awaare ma aan tegin wakhtigaas, saldhigga se Awaare waa uu dambeeyey marka ka Darroor loo eego oo aan qabo in uu ka horreeyey Baalidhaye, Gaashaamo iyo Xarshin ba.

Darroor oo muddo bil ku dhow aannu joogney waxa xilligaas ka furnaa saldhig ciidameed oo weyn. Maxamed Cali Faarax. AHN, ayaa joogey. Xero magaalada ka go’an oo dhinaca waqooyi galbeed kaga qumman ayuu saldhiggu ahaa. Ciidamo hubkooda fududi u dhan yahay ayaa rigli ama rasmi ku ahaa, halka meelaha kale abaabullo xooggani ka socdeen.

Inta u dhaxaysa Baalidhaye iyo Darroor gaadhi baannu ku marnay. Darroor iyo Xarshinna waa aannu u kala lugaynay. Laba habeen baannu Rabaso iyo Kaam Haashin ku sii kala nasannay. Rabaso waxa abaabul ciidan ka wadey Shakiib Cabdilqaadir, AHN, iyo Jacfar Ismaaciil Bootaan oo aannu Hargeysa isku naqaanney, nolol na aan kaga warhayo.

Laga yaabee in qorshihii maamul ee ururku ahaa in saldhigyo laga sameeyo goobahaas sidii markii dambeba ka dhaqanka gashay, markaas aannu SNM nimi na abaabulkeedu xoogga u socdey.

Dhinaca qaabqoraalka buugga, marka loo eego buugaagta Soomaalidu soo saarto waa uu ka badbaadey khaladaad badan oo kugu soo noqnoqda marka aad akhriyeyso, waa ay se jiraan meelo u baahan in loo saxar tiraa.

Magaca buugga ee “Dharaaraa Ina Soo Maray” dad badan baa ka hadlay sida uu u yaallo oo ah si aan habqoraalka toolmoon waafaqayn.

Ereyo kale oo buugga ku soo noqnoqonaya ayaa taas la mid ah sida caadiya, sharciya, dastuuriya, rasmiya iwm. Waxa loo baahnaa in ereyadaas loo qoro sidan: caadi ah, sharci ah……iwm.

Buuggani in farsamo ahaan dib loo egaa waa muhiim, meelaha iigu muuqday in laaxin ku jiro ee aan wax ka tilmaamay na in dib loo dhugtaa waa wanaag kale, nuxur ahaan se xogta buuggu sidaa waa rib iyo ruud malaasan oo macduun ah.

Sidii aan hortebyada ku sii carrabbaabay waa dhaxal weyn oo wax badan laga baran karo, tixraac badanna laga magansan karo marti ahaan.

Qof kasta oo doonaya in uu wax dhab ah oo aan dhalanteed ahayn ka ogaado SNM iyo waayaheedii buuggani waa uu u jidbixinayaa, sii ba wixii ‘Suganti ah’. Qof kasta oo is leh SNM wax ka qorna buuggani waa u ma dhaafaan oo waxa uu u ballaqayaa albaab uu sooyaalkii SNM ka galo, una gudbinaya halkii kale ee uu doonayo in uu gaadho.

Buuggu waxa kale oo uu wax u tarayaa axsaabta siyaasadda oo ka faa’iidaysan karta sidii SNM ula falgashay dimuqraaddiyadda, xeerarka, barnaamijyada siyaasadeed, dastuurrada iyo qaabdhismeedka guddiyada iyo hannaanka shirarka.

Maanta kaalintii qiimaynta ayaa la joogaa, si loo helo SNM halka ay ku wacnayd iyo halka ay ku xumayd. Guul iyo guuldarro labada ba in la isku barkiyo, si wuxu qaayo u yeeshaan.

Ugu dambayn aan bogaadiyo Boobe Yuusuf Ducaale oo aan qiyaasi karo, dareemayo na duruufta isaga qof ahaan u gaarka ah ee ag taalla iyo ta guud ee uu buuggan ku dhex qoray ba. Xil weyn buu inaga wada dul qaaday, jid dhiirrasho leh na waa uu inoo laangooyey.

Boobe waa uu ka midho dhaliyey hadafkii uu buuggan ka lahaa iyo kaydkii uu inta badan tacabka gelinayey mar haddii uu isa soo dhaafiyey. Nimay ku hadhay hawli haysaa, iyada oo sooyaalkaas dhinacyo kale na laga eegi karo maanta, buugguna uu taas badhitaar weyn u noqonayo xigasho ka dhigasho iyo xusuus soofayn ba.

Buugga waxa daabacday shirkadda waddaniga ah ee Sagaljet. Bogaadin.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan
Mohamedbashe@hotmail.com