Writen by Qaran News |

Taxanaha  Buugga:

“Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka” (Q. 4aad)

MA TAHAY MUSLIM QUNYARSOCOD AH?

Hordhac

Waxa jira xidhiidh is kaashi oo qayb ahaan ugub ah, kaas oo si xawli ah ku socda, una dhexeeya saddex dhinac oo kala duwan:

  • Xarumaha cilmibaadhista, hay’adaha sirdoonka iyo diblomaasiyiinta dawladaha Reer Galbeedka (hal dhinac).
  • Calmaaniyiinta caalamka Islaamka (Maancaabudka) iyo
  • Duruqa Suufiyadda ee Muslimiinta (dhinacyo dhammaystiraya ka hore).

Halkan waxa aynnu si faahfaahsan uga geli doonnaa fahmidda dhinacyadan is kaashanaya iyo dabeecadda wadashaayneed ee ka dhexeysa.

1.1             Muslimnimada toosan, Halbeegga Xarunta RAND!

Xarunta CIlmibaadhista iyo Horumarinta ee “RAND” (Research and Development Corporation), ayaa soo saartay sannadkii 2007, diraaso ay ugu magac dartay: (Building Moderate Muslim networks).

RAND waa xarun caan ah oo saamayn weyn ku leh maamulka dalka Maraykanka, waxa ay ku taallaa isla dalkaas, gaar ahaan gobolka California, sidoo kale waxa ay laamo ku leedahay meelo kale oo ka baxsan dalka Maraykanka.

Daraasaddani waxa ay daba socotay cilmibaadhisyo kala duwanaa oo tan ka horreeyey, waxa isla xarunta Rand ay hore u soo saartay, qoraallo xidhiidh dhow la leh mawduucan, waxaana ka mid ahaa kuwan:

  • Civil Democratic Islam – 2003
  • The U.S Strategy in the Muslim World After 9/11- 2004

Daraasaddan “Dhisidda shabakado isku xidha Muslimiinta qunyarsocodka ah”, waxa lagu lafa guray laguna qiimaynayay dhammaan ururrada diimeed ee ka dhex jira muslimiinta, waxa si gaar ah loo beegsaday kuwa u dhaqdhaqaaqa dib u falgelinta ku dhaqanka Islaamka, si uu u noqdo habraaca nololeed ee qofka Muslimka ah.

Daraasaddu waxa ay ka dhex xulanaysaa muslimiinta Duruqa Suufiyadda, si ay u noqdaan gacanyaraha qorshahooda, sababo aynnu xusi doonno awgood.

Dhinaca kale, daraasadda waxa lagu go’aamiyey in cidda keliya ee laga horgayn karo Islaamiyiinta isbeddeldoonka ah ay tahay laybaraaliyiinta calmaaniyiinta ah, kuwaasoo aan hadda lahayn saamayn bulsho, laba sababood awgood:

  • Iyaga oo aan abaabullayn iyo weliba
  • Dhaqaale la’aan haysata.

Daraasadda xarunta Rand waxa ay soo jeedisay in calmaaniyiinta la abaabulo oo ururro loo sameeyo, lana maalgeliyo, si ahdaafta la higsanayo loogu gaadhi karo.

Daraasada Rand waxa ay diiradda saartay dhammaan madaahibta fiq’higa ah, kala duwanaanshaha masaa’ilka caqiidada iyo weliba ururrada dacwadda ee Muslimiinta, iyaga oo qolo kasta qiimayn qoto dheer ku sameynaya, si ay u xaddidaan qolada ugu dhow aragti ahaan Muslimka ay doonayaan, isla markaana ay wax ka dhaadhacsan karayaan, si ay u taageeraan, isla markaana ula wadaagaan qorshe istiraatiiji ah oo wada shaqeyneed, si looga takhalluuso ama ugu yaraan saamayntooda loo xakameeyo ururrada kale ee ay u arkaan in aanay Muslimka dhexdhexaadka ah ee Maraykanku doonayo la jaan qaadi karin,

Warbixinta Rand waxa ay xaddidaysaa oo kale astaamaha lagu kala sooci karo Muslimka qunyar socodka ah iyo Muslimka maro ku dhegga ah ee ay tahay in laga takhalluuso.

Ugu horreyn cilmibaadhistu waxa ay xaddidaysaa afar qodob oo lagu aqoonsan karo Muslimka dhexdhexaadka ah ee qunyarsocodka ah:

  • Waa in uu aaminsanyahay dimuqraadiyadda
  • Waa in uu oggolyahay in sharciyada meelo badan laga qaadan karo, oo aanu Islaamka keliya ku dhegganayn.
  • Waa in uu ixtiraam u hayaa haweenka iyo dadka diimaha kale haysta.
  • Waa in uu ka soo horjeedaa argagixisada iyo dhammaan wax iska caabbinta hubaysan.

Laga yaabe, in aad tidhaahdo afarta qodobba waa wax laga heshiin karo oo dhib weyni kama muuqato, waxase aad xasuusnaataa in afarta qodobba daraasada lagu faahfaahiyey, laguna sargooyey in ay ujeeddadu tahay in sida ay Reer Galbeedku u arkaan aad u qaadato, si aad u hesho maragkaca in aad tahay Muslim caadi ah oo Reer Galbeedku oggol yihiin la hadalkiisa iyo la shaqaysigiisa!

Intaa laguma dhaafin kala saaridda Muslimka soo dhoweynta mudan iyo midka in la duugo mudan, ee waxa daraasadda dhexdeeda lagu xusay astaamo aad u badan oo lagu kala teedi karo labadaa qolo, ee horgalaha magaca “Muslim” wadaaga, hase yeeshee ku kala duwan Qunyarsocod iyo Xagjir.

Shaxdan hoose waa qayb yar oo ka mid ah halbeegga ay Rand u dejisay kala garashada Muslimka qunyarsocodka ah (Moderate Muslim) iyo ka xagjirka ah (Extremist) .

Jadwalkan isku qiimee in aad tahay Muslimka qunyarsocodka ah ee Reer Galbeedku doonayaan(1) iyo in aad ku sifaysantahay midka xagjirka ah(2) ee hiifka iyo haaraamidda nasiibka u helay:

TIRSIHALBEEGGAMUSLIM QUNYARSOCOD AH (1)MUSLIM XAGJIR AH (2)
1Ku dhaqanka shareecadaMa oggolawuu taageersan yahay
2Isku badhxidda shareecada iyo qawaaniinta kaleWuu taageersan yahay, waxana uu qabaa in wax badan laga soo qaato qawaaniinta adduunka, qaybo shareecada ka mid ah na laga tago 

Ma oggola

3Muxuu ka qabaa dhaqdhaqaaqa dib u qaabeynta Islaamka iyo cusboonaysiinta fahamka diintaWuu soo dhoweynayaa si ilbaxnimada Reer Galbeedka loo waafajiyo Ma oggola in shareecada wax laga beddelo.
4Jihaadka Alle dartii loo dagaallamoMa aaminsana, mana oggolaWuu taageersan yahay
5Wax ka sheegidda diinta IslaamkaWaxba kama qabo, waayo? waxa uu aaminsan yahay xorriyada wax sheegiddaMa aqbali karo in Islaamka la duro oo wax laga sheego
6In qofka lagu ciqaabo wax ka sheegga diinta, laguna fuliyo xadka riddadaWuu ka dagaallamaa oo wuu diiddan yahay.Wuu waafaqsan yahay oo doonayaa.
7

 

 

Siduu u arkaa wax ka sheegidda Nebi MuxammedDhib uma arko, waayo? waxa uu aaminsan yahay xorriyadda hadalka.Aad buu uga cadhoodaa oo uga dagaallamaa.
8Axaadiista Nebiga .Qiimo badan uguma fadhidoAad buu u tixgeliyaa una aaminsan yahay.
9Muxuu ka qabaa Suufinnimada, booqashada qubuuraha, iyo in caqliga loo celiyo dhammaan arrimaha diiniga ah?. 

Wuu taageersan yahay

 

Ma oggola.

10Muxuu ka qabaa qaddiyadda sinnaanta ragga iyo dumarka?Wuxuu aaminsan yahay in ay siman yihiin, si waafaqsan aragtida Reer Galbeedka.Wuxuu rummaysan yahay in loo maro sida shareecadu u dhigtay.
11Xorriyadda caqiidada, qofku in uu diinta Islaamka ka baxo oo uu diinta uu doono geli karo. 

Wax ba kama qabo

 

Ma oggola.

12Xuquuqda Aadanaha ee caalamiga ah, oo ay ka mid tahay in uu qofku guursan karo mid jinsigiisa ahWuu taageersan yahay, waayo waxa uu aaminsan yahay in uu qofku doorashadiisa u madax bannaan yahay.Ma oggola waxa aanu u arkaa diin la’aan iyo xawayaannimo.
13Colaadinta YuhuuddaMa qaboWuu colaadiyaa
14Dagaalka argagixisada lagula jiro muxuu ka rumaysan yahayWuu taageersan yahayWuu ka soo horjeedaa, waxa aanu aaminsan yahay in uu yahay dagaal Islaamka lagu hayo.
15In ay gabadhu saaxiib sameysato aan ninkeeda ahaynWuu taageersan yahay, waxa aannu u arkaa in ay xaq u leedahay cidda ay dooranaysoAad buu uga soo horjeedaa waxa aanu u arkaa in ay sino xaaraan ah tahay.

 

Marka aad halbeeggaa adigu isa saarto, dhanka aad u badato ayaad xukunkeeda qaadanaysaa!

La soco –

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)

Tubtatoosan02@gmail.com.