Writen by Qaran News |

Itoobiya, Soomaalida iyo Madaxweyne Cagjar.

Itoobiya wax baa ka socda. Dabcan wax baa ka socda, waana la wada ogyahay. Amuurta aan la ogayni waa natiijada u dambaysa iyo waxaas socdaa halka uu ku dhamaan doono. Caabi Axmed maanta waxa uu sheegay in uu safafka hore ee dagaalka xarun ka dhigan doono. Taasi dabcan ma aha sida uu hogaamiye sameeyo – ma ogi in ay taladu ka wareertay iyo in uu wax cusub ku soo kordhinaayo taariikhda hogaaminta ama hogaamiyaha. Anigu koleyba, Itoobiyada cusub iyo Caabi Axmed iyo Mustafe oo Jigjiga fadhiya waa taageersanahay sida ay wax u wadaan. Anigu waxa aan doonayaa mid uun – in Itoobiyada Caabi Axmed ay gacan sarayso oo aan Tigrey dib loo arkin, iyaka iyo ilmaadeeradood Amxaaro na la ogolaysiiyo maamul-goboleedyada ay u dhasheen oo keliya.
Dadka Itoobiya xog-ogaalka u ah oo dhami waxa ay sheegaayeen tan iyo bilowgii dagaalka, in xaalku laba midkood ku dambaynaayo –
(1) In dagaalku daba dheeraado, oo guul muuqata dhinacna gaadhi waayo, iyo
(2), in sidii Soomaaliya oo kale 1991, ay Itoobiya kala daadato. Labada xaaladood iyo wax kasta oo kale oo dhaca ba anigu dhib kuma qabo – keliya in dawladnimada Itoobiya oo sideeda u taagan, uu Tigrey soo laabto uun baan u arkaa foolxumo iyo masiibo mid la jaad ahi aanay jirin. Tamar iyo tag ba waa in la isugu geeyo sidii taasi aanay u dici lahayn. Soomaali la ficiltamaaya Soomaali kale, sababo qabiil ama xukun raadis awgeed, ayuunbaa taas diidi kara, laakiin dantu Tikrey ma ku jirto. Haa, ma ku jirto dani, maxaa yeelay waxa ay yihiin ba waa la soo arkay.
Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa qaba wax kasta oo dhacaba horta in aan la ogolaanin in Tigrey soo laabto. Wuxu sheegay in uu ciidamo Soomalaiyeed abaabulaayo oo Addis ka dagalama hadii ay dhacdo in Tigrey caasimadda yimaadaan ama soo aadaan. Taas dadka qaarkood baa dhaliilay oo yidhi ma aha in aan dhex galno waxa meesha ka socda, laakiin kuwaasi shaki la’aan waa qaldanyihiin, taariikhda na geesta gurracca ah ayay ka joogaan. Dadka sidaas ku dooda waa laba jaad uun – qayb Ogaadeen u badan oo ficiltan iyo qabyaalad hoose darted sidaas u leh, iyo qayb aan waxbaba ogayn oo keliya iska hadlaaya uun. Qolada hore mar uu dhawaan Mustafe la hadlaayay, waxa uu ku yidhi – mustaqbalkeena in aynu cid kale ku xidhno, oo nidhaahno hadba cidda Addis qabsata uun aan sugno, wixii la inoogu taliyo na aan aragno, sax ma aha.
Dabcan runtii weeye oo sax ma aha, waana mawqif shariif ah. Soomaalida Itoobiya ku dhaqan waxa la gudboon in ay ka shaqeeyaan natiijada ay doonayaan in ay ka soo baxdo dagaalka haatan socda. Dagaalku sidiisaba, waa waxyaabaha taariikhda bedela ee jihada saacaddu u socoto dhab u leexiya. Taariikhdu jihada ay u kacayso, iyo midhaha aad goosan doonto ama aanad goosan doonin waxa ay ku xidhanyihiin hadba tacabka aad geliso hawsha socota iyo hadba wixii kaaga meel yaalla waayaha taagan. Caabi Axmed iyo Oromo ma aha in aynu raacno ee aan dadka is haysta isu dayno, waa dood si walba doqon u ah. Soomaalida Itoobiya waa in ay hoos u wada hadasho, oo wax is waydiiso, wixii ay ku tashato na ku shaqayso.
Si kastaba, lama huraan waxa ah Mustafe in uu abaabulo dood daakhili ah. Taariikhda is qoraysa looga ma qayb qaadan karo muran iyo qaybsanaan. Doodda loo baahanyahay waa mid istraatiiji ah oo aan meel soke ahayn. “Caabi ma taageernaa mise maya”, sheekadu in ay ku ururto ma aha. Sheekadu waa in ay ahaato inaka maxaa dan innoo ah. Dabcan dawladda dhexe in la taageero baryo maba aha. Kol hadii wadanku dagaal kula jiro jabhad qarriban, oo hore loo arkay ficilkooda, waa in dawladda dhexe la taageero. Dooddu taas ma aha, laakiin dooddu waa in ay noqoto, dawladda dhexe maxaa heshiis hoose ah ee aynu kula shaqaynaynaa? Sidoo kale, waa in laga doodo sidii midnimada gudaha ee Soomaalida loo xoojin lahaa, bidhaanta dawladnimo ee soo muuqatay dhawrkii sanno ee dambe na, loo kobcin lahaa. Jigjiga mar aan tegay sanadkan dhexdiisii, dadku runtii mafsuud ayay ahaayeen, waayaha jira na, qalad iyo saxba si bilaa cabsi ah ayay u ga sheekaysanaayeen. Waxa ay sheegaayeen musuq abaabulan oo faraha ka baxay, laakiin in xataa la sheegsheego ayaaba ila ahayd horumar, maxaa yeelay taasi suurtagal ma ahayn wakhti yar ka hor. Soomaalidu sidii ay isu ogolaan lahayd ha laga shaqeeyo, danteeda sidii ay u raacan lahayd na ha loo hawl galo.