Writen by Qaran News |

Maxamed Siciid Gees oo ka mid noqday golihii wasiirrada ee Somaliland, ahna siyaasi ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa qoraallo taxane ahaa dib ugu eegay nabadayntii beelaha gobolka Sanaag wada dega iyo sidii ergada Warsangeli ku timi shirkii beelaha Somaliland ee Boorame.

Derbi lugo weyn
Darka loo dhigay
Waa wax doqonoo
Deysan maysee
Wayska dumisaa.

Ereyo maanseedkan ka dib, waxa uu Maxamed Siciid Gees oo hadlaya shirka Boorame qoraalkiisa ku bilaabay, “shirkii Boorame waxa uu ahaa shir taariikhi ah oo la odhan karo waxa uu ahaa kii seeska loogu dhigay qarannimada Somaliland. Waxa lagu saxeexay axdi nabadeed ay dhammaan beelaha Somaliland wada saxeexeen iyo axdi qarameed maamul dawladnimo iyo awood qaybsi lagu qeexay. Waxa la doortay madaxweyne, waxa lagu dhisay golayaasha guurtida iyo wakiillada, waxana lagu soo gabagabeeyey shirkaas dawladdii SNM ee fadhiidka noqotay ee muddada lagu siiyey shirkii Burco ee labada sano ahayd ay dhammaatey”.

Gees oo sidii shirkaas looga soo qayb galay, gaar ahaan beesha Warsangeli Boorame ku timi ka hadlaya, waxa uu qoray, “shirkaas beelaha Somaliland si lixaad leh ayay uga wada qayb galeen oo beelna kama ay maqnayn. Muddadaas shirka Boorame loo diyaar garoobayey, aniga iyo Cadami waxa aannu joogney Jabuuti. Waxa noogu yimi oo in muddo ah na raadiyey nin la yidhaahdo Maxamed Xaaji Xuseen (Berberaawi). Waxa uu noo sheegay in laba diyaaradood oo ay Daalo leedahay loo kala diray Laascaanood iyo Boosaaso, si ay soo qaadaan ergooyinkii Warsangeli iyo Dhulbahante. Wakhtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari jirin marka laga reebo meelaha dhodhow. Sidaas awgeed ayaa diyaaradaha loo diray. Waxa la yaab noqon karta maxaa ergada Warsangeli Boosaaso looga doonay?! Sababtu waxa ay ahayd Ceerigaabo in aan weli lagu heshiin oo waa lagu kala maqnaa sidii aan uga soo sheekeeyey, welina shirkii nabadeed kama qabsoomin, magaalooyinka Warsangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu soo fadhiistaan”.

Maxamed Siciid Gees oo sii ambaqaadaya sababta odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiyiinta Warsangeli ay Boosaaso u joogeen, waxa uu yidhi, “sidaas awgeed madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Warsangeli waxa ay joogeen Boosaaso oo ahayd magaalo leh waddo, deked, garoon iyo ganacsi. Boosaaso waxa ay weligeed ahayd degaan Warsangeli oo mar walba Warsangeli waa uu joogey oo ardaayo Warsangeli ah ayaa markii Talyaanigu xukumi jirey degganaa. 11 tuulo oo Warsangeli leeyihiin ayaa laga xukumaa Boosaaso oo degmadaas ka mid ahaa ilaa wakhtigii Talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Somaliland xadka Itoobiya iyo Jabuuti u tallaabsan yihiin ayaa annaguna (Warsangeli) xadkaas uga tallabsannahay. Waxa uu noo sheegay ninkii Maxamed Xuseen in diyaaraddii Laascaanood soo qaadday ergadii Dhulbahante ee shirka Boorame, hase yeeshee diyaaraddii Boosaaso ee loo diray ergadii Warsangeli ay Jabuuti ku noqotay iyada oo faaruq ah, shirkii Booramena iyaguu u xidhan yahay, cid la la xidhiidho na la la’ yahay. Waxa aannu ku nidhi naga war sug”.

Gees waxa uu sii wada sidii ay u baadi-doon tageen iyo natiijadii ay Berberaawi kula soo noqdeen: “waa aannu wardoon tagnay oo dhulkii baannu la xidhiidhnay. Waxa na loo sheegay in shir lagu qabtay Ceelaayo oo laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin. Shirka Ceelaayo waxa uu ahaa shir mu’aamaradaysan. Markii aan ogaanney ayaannu la xidhiidhnay kooxdayadii iyo raggii aannu isku aragtida ahayn. Magaalada Badhan ayaa shir kale lagu qabtay oo lagu baabi’iyey baaqii Ceelaayo, laguna gudddoonsadey in shirkii Boorame la tago”.

Markii Gees iyo Cadami ogaadeen go’aankii shirka Badhaneed waxa ay raadiyeen ninkii Maxamed Xuseen (Berberaawi) oo ay ku yidhaahdeen ‘diyaaraddii mar labaad ergadii Warsangeli u dir. Gees oo taas qoraalkiisa kaga hadlayaa waxa uu yidhi, “markii aannu ku nidhi diyaarad kale dir, Berberaawi waa uu naga shakiyey, waxanu yidhi, ‘ma inaga hubtaan khasaare labaad looma taag hayo’e’?, waxa aannu ku adkaynay in aannu hubno oo aannu ergadii diyaarinnay, sidaas ayaana diyaaraddii labaad lagu diray, ayna ku soo qaadday ergadii Warsangeli oo ay ardaayadii u dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diidey soo raaceen oo wada yimaaddeen Boorame, kana qayb galeen shirkii Boorame ee beelaha Somaliland”.

Waxa se xusid mudan oo Maxamed Siciid Gees qoraalkiisa ku soo qaatay in ergadii Warsangeli ee shirkaas Boorame ka qayb gashay aanay ka qayb qaadan dawladdii lagu dhisay Boorame ee madaxweynaha uu ka noqday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN. Gees oo taas qoray, waxa uu yidhi, “ergadii Warsangeli ma aanay soo magacaabin xubnihii uga qayb geli lahaa golayaasha guurtida iyo wakiillada, waayo waxa u cuntami weydey in ay dawladda Hargeysa ka qayb galaan, iyada oo nabaddii gobolka Sanaag aanay xidhmin, Ceerigaabana lagu kala maqan yahay. Sidaas daraadeed, markii ay ka soo noqdeen shirkii Boorame waxa ay dardar geliyeen shirkii Ceerigaabo ee aan hore uga soo sheekeeyey”.

Markii ay nabaddii Sanaag aslaaxday ee Ceerigaabo lagu heshiiyey ka dib waxa Warsangeli wefti u soo diray Hargeysa, si ay uu ula kulmaan madaxweyne Cigaal, kaalintii ay lahaayeenna ka qaataan dawladdii Boorame lagu soo dhisay sannad ka hor ee ay ka maqnaayeen. Maxamed Siciid Gees ayaa arrintan qaadaadhigay, waxanu yidhi, “Hargeysa ayaa wefti Warasangeli soo diray u soo baqooleen. Waxa ay la kulmeen madaxweynaha iyo shirguddoonkii labada gole. Waxa ay ahayd June 1994. Waxa xukuumaddii laga siiyey afar xubnood oo kala ahaa 1) Axmed Xaaji Cali Cadami oo noqday wasiirka caafimaadka 2)Cali Faarax Dhahar oo loo magacaabay wasiirka gaadiidka, cirka iyo dhulka 3) Cawl Garaad Maxamuud oo noqday wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha iyo 4) Axmed Yacquub Cismaan oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka dalxiiska iyo suugaanta.

Waxa kale oo Warsangelin buuxiyey kuraastii uga qoondaysnayd golayaasha guurtida iyo wakiillada oo ahaa 12 xubnood iyo laba ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu u ballanqaadeen. Cigaal ballanqaadkiisii wuu fuliyey oo xubin Ciise Muuse ah ayuu kursigii ka kiciyey oo Warsangeli ku wareejiyey, wax se nasiib darro ahayd in ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax aanu ballantaas fulin oo dhawr jeena laga la kulmay Samaroon oo ay ka dhega adaygtay. Waxa kale oo beesha Warsangeli keentay ciidankii qaranka guutadii 1aad oo markaas la aasaasayey qaybtii kaga soo aaddey oo ahayd 35 askari oo la soo dhex mariyey 1000km oo xero Isaaq ah ilaa Hargeysa, iyaga oo qoryahoodii sita, dhulkuna wakhtigaas uu ahaa wada kantarool uu dayday haysto, isu socodkuna uu adkaa”.

La soco qaybta 15aad, HAI, oo ku saabsan Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, iyo yagleelkii haykalka iyo hay’adaha qarannimo ee Somaliland iyo waayihii ku xeernaa.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan