Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in dalkiisa uu si adag uga jawaabi doono waxa uu ku tilmaamay “weerar argagixiso” mustaqbalka, kadib afar maalmood oo xurguf adagi dhex martay labada dal ee deriska ah.

“Xilligan ma ahan xilli dagaal, laakiin sidoo kale ma ahan xilli argagaxiso,” Modi ayaa ku yiri khudbadiisii ugu horreysay ee goob fagaara ah uu ka jeediyo tan iyo maalmo ay socdeen duqeymo xooggan iyo duullaan dhinaca cirka ah, oo ay qaadeen labada dhinac.

Weeraradan ayaa daba socday weerar ay mintidiin ka fuliyeen gobolka Kashmiir qaybta ay Hindiya maamusho oo ay ku dhinteen 26 qof, kaas oo Hindiya ay ku eedaysay koox fadhigeedu yahay Pakistan. Islamabad ayaa si adag u beenisay in ay taageerto kooxda weerarka gaysatay.

Xabbad-joojintii uu Mareykanku dhexdhexaadiyey ee ay toddobaadkii dhammaaday ku heshiiyeen dalalka deriska ah ee hubka nukliyeerka leh, ayaa ilaa hadda u muuqata mid dhaqan gashay.

Xayeysiin

Labada waddanba waxay sheegeen inay feejigan yihiin.

“Haddii weerar kale oo argagixiso oo ka dhan ah Hindiya lagu qaado, jawaab adag ayaa laga bixin doonaa,” Modi ayaa sidaas ku sheegay khudubad uu Isniintii jeediyay.

“Argagixiso iyo wada-hadallada ganacsigu ma dhici karaan isku mar,” ayuu yiri Modi. Hadalkan waxa uu u muuqdaa inuu tixraacayo hadal uu horay u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ahaa inuu u sheegay Hindiya iyo Pakistan in Mareykanku uu la ganacsan doono oo keliya haddii ay joojiyaan dagaalkooda,”

“Biyo iyo dhiig ma wada socon karaan,” ayuu Modi ku daray, isagoo markan u duur-xulaya joojinta heshiis biyood u dhexeeyay Hindiya iyo Pakistan.

Hadalka Modi ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, uu Sabtidii sheegay in dalkiisu “si masuuliyadi ku dheehan tahay u dhaqmay,” isagoo intaa ku daray: “Sharafteena, karaamadeena iyo istixgelinteena ayaa nooga qiimo badan nolosheenna.”

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in arrinta biyaha ee kala dhexeysa Hindiya lagu xallin doono wada-hadal nabadeed.

Isniintii, saraakiil sare sare oo milatari oo ka kala socda Hindiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay faahfaahinta heshiiska xabbad-joojinta ee ay ku heshiiyeen dhamaadkii usbuuca.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tallaabooyin gardarro ah.

“Waxaa sidoo kale la isla gartay in labada dhinac ay tixgeliyaan qaadista tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo ciidanka ku sugan xuduudaha iyo meelaha hore,” ayaa lagu yiri bayaan la soo saaray.

Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay dib u fureyso 32 garoon diyaaradeed oo rayidku adeegsado, kuwaas oo ay horey u sheegtay in ay xirnaan doonaan ilaa Khamiista sababo la xiriira amniga.

Xiisadda dhawaan dhacday waxay ahayd tii ugu dambeysay ee taxane dagaal ah oo u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, kuwaas oo laba jeer ku dagaalamay gobolka Kashmir, oo ah buuraley ay labaduba sheegtaan balse si kala gooni ah u maamulaan.

Isku dhaca ayaa halis ugu jiray inuu isu beddelo dagaal buuxa maadaama aysan labada dal muujin diyaar garow ay dib uga gurtaan maalmo badan.

Labada dhinacba waxay sheegeen in dad badan oo labada dhinac ah ay dhinteen afar maalmood oo dagaal culus ah oo la isku adeegsaday madaafiicda, gaar ahaan meelaha ku dhow xuduudda aan rasmi ahayn.

Markii uu ku dhawaaqay xabbad-joojinta Sabtidii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaa uu sheegay in “la joogo waqtigii la joojin lahaa dagaalka oo sababi karay dhimasho iyo burbur aad u badan.”

Hindiya iyo Pakistanba waxay ku dhawaaqeen inay guul milatari gaareen markii xabbad-joojintu dhaqan gashay.

Bishaan May 7-deedii, Hindiya waxay sheegtay inay beegsatay sagaal bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir qaybt ay Pakistan maamusho, taasoo jawaab u ahayd weerarkii dhimashada dhaliyay ee mintidiin ku qaadeen Dooxada Pahalgam ee quruxda badan 22-kii Abriil.

Maalmihii xigay kadib, Hindiya iyo Pakistan waxay iswaydaarsadeen eedeymo ah inay midba midka kale ku qaaday duqeyn xuduudda ah, waxayna sheegeen inay soo rideen diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hawadooda galay.

Markii ay colaaddu sii xoogeysatay, labada dalba waxay sheegeen inay weerareen saldhigyada milatari.

Mas’uuliyiinta difaaca Hindiya waxay sheegeen inay beegsadeen 11 saldhig oo ka tirsan Ciidanka Cirka Pakistan, mid ka mid ahna uu ku yaallo Rawalpindi oo ah meel u dhow caasimadda Islamabad. Hindiya sidoo kale waxay sheegtay in Pakistan ay ku wayday 35 ilaa 40 askari oo ku sugnaa xuduudda kala qeybiya labada dal intii uu dagaalku socday, iyo in ciidamadeeda cirka ay waayeen dhowr diyaaradood.

Pakistan waxay qiratay in qaar ka mid ah gantaallada Hindiya ay ku dhaceen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalkaas.

Ciidamada difaaca Hindiya sidoo kale waxay sheegeen inay beegsadeen sagaal xarumood oo lagu tababaro kooxaha hubeysan oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir qaybta ay maamusho Pakistan, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 100 mintidiin ah.

Ciidamada Pakistan, iyaguna, waxay sheegteen inay beegsadeen ilaa 26 xarumood oo milatari oo ku yaalla gudaha Hindiya, sidoo kalena ay diyaarado aan duuliye lahayn ku dul wareegeen caasimadda Delhi.

Hindiya waxay xaqiijisay in qaar ka mid ah gantaallada Pakistan ay ku dhaceen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka, hase yeeshee kama aysan hadlin sheegashada la xiriirta Delhi.

Pakistan waxay sidoo kale sheegatay inay soo rideen shan diyaaradood oo Hindiya leedahay– Hindiya kama aysan hadlin sheegashadan mana aysan qiran khasaaraha rasmiga ah, inkasta oo ay Axaddii sheegtay in “khasaaruhu uu qayb ka yahay dagaalka”.

Pakistan waxay beenisay sheegashada ah in duuliye Hindi ah uu gacantooda galay kaddib markii ay diyaarad burburtay, halka Hindiya ay sheegtay in “dhamaan duuliyeyaasheedu ay si nabad ah dib ugu soo noqdeen”.

Source bbcsomali