Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid. 

La-yaabka ugu weyn ee ku jira golaha wasiirada ayaa ah; Mukhtaar Roobow oo loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.

Mukhtaar Roobow ayaa muddo ka badan saddex sano iyo bar xabsi ugu jiray dowladda federaalka, kadib markii ay dowladdii Farmaajo kasoo xirtay magaalada Baydhaba bishii December 2018. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo sheegay inaan ciidan ahaan kaliya looga adkaan karin, waxaana magacaabista Roobow ay qeyb ka tahay arrintaas. 

Senator Saalax Axmed Jaamac ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha gudaha, halka Xasan Macallin loo magacaabay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka. Wasiirka Gaashnaadhigga ayaa waxaa dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Faarax Cabdulqaadir ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, halka Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene loo magacaabay wasiirka qorsheynta. 

Waxaa golaha wasiirada ku cusub in la babai’iyey laba wasaarad, halka wasaarad cusubna lasoo kordhiyey.

Wasaaradaha la baabi’yey ayaa ah; wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Waxaa cusub oo lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana loo magacaabay Khadiija Al-Makhzuumi, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. 

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda