
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay inuusan oggolaan doonin in lagu khasbo inuu kala doorto xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, ka hor booqashadii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Ingiriis ah uu ku tago Shiinaha muddo sideed sano ah.
Ra’iisul Wasaare Starmer wuxuu sheegay in Ingiriisku sii wadi doono xiriir dhow oo uu la yeesho Mareykanka dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo difaaca.
Wuxuu sidoo kale yiri:“Ma aha arrin caqli ah n Shiinaha la iska indho-tiro.”
Wareysi uu siiyay Bloomberg News, ayuu ku sheegay in booqashadan uu ku tagayo dalka labaad ee ugu weyn dhaqaalaha dunida ay keeni karto fursado waaweyn oo ganacsi shirkadaha Ingiriiska.
Sidoo kale, tobannaan hoggaamiye ganacsi oo Ingiriis ah ayaa la socon doona safarkan uu Shiinaha ku tagayo
Booqashadan ayaa imaneysa dhowr maalmood ka hor, Ingiriisku oggolaaday qorshe muran dhaliyay oo lagu dhisayo safaarad Shiineys ah oo aad u weyn magaalada London.
Bbcsomali





