Ra’isul-Wasaaraha Canada oo ay ku dhacday Fadeexad weyn hore ugu dhacday Joe Biden

Justin Trudeau iyo Anthony Albanese

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa u muuqday in uu hilmaamay magaca Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, oo ay ku kulmeen waddanka dalka Spain.

Mr Albanese ayaa dhiggiisa Mr Trudeau ku arkay kulammo dhowr ah oo uu madaxda caalamka kula yeelanayay magaalada Madris ee caasimadda u ah Spain, oo uu ka socdo kulanka waddamada ku jira isbahaysiga NATO.

Australia ayaa lagu casuumay shirkaas maaddaama ay tahay waddan bah wadaag la ah NATO, inkastoo aysan xubin ka ahayn.

Ra’iisul Wasaare Albanese ayaa sidoo kale la hadlay Ra’iisul Wasaareyaasha waddamada Belgium iyo Spain, xog hayaha guud ee NATO, guddoomiyeyaasha Midowga Yurub iyo Golaha reer Yurub.

Justin Trudeau

Waxa uu sidoo kale wadahadal dhinacyo badan taabanayay la yeeshay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Maxay tahay “ceebta”?

Mr Trude oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay labada hoggaamiye si wadajir ah ugu qabteen warfidiyeenka ayaa ku hakaday khudbaddiisa, isagoo u muuqday in uu soo xasuusan la’yahay magaca ra’iisul Wasaaraha Australia ee la taagnaa.

Balse waxa uu isku badbaadiyay in uu booska magaca Mr Albanese ku baddalo “hoggaamiye horumar fiican leh”.

“Waa farxad dhab ah in aan la kulmo a… hoggaamiye horumar fiican leh,” ayuu yiri.

“Runtii waxaan aad iyo aad ula dhacsan nahay inaan saaxiib ku leenahay Australia. Muddo dheer ayay Australia saaxiib nala ahayd<” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Warbaahinta caalamka ayaa durbadiiba si wayn u faafiyay muuqaalka Ra’iisul Wasaaraha Canada oo ay ku “ceebeynayeen” inuu garan waayay magaca dhiggiisa Australia.

Markii dambe ayuu soo xasuustay magaca, isagoo adeegsanayay magaca labaad ee ah Mr Albanese, waxa uuna sii sharraxay qodobbo kale oo ay diiradda saarayaan labada dal.

Mr Albanese ayaa dhankiisa markii uu shirka jaraa’id ka hadlay ammaanay “shirka guulaystay” ee dhex maray maray madaxda labada dowladood, isagoo sidoo kalena hoosta ka xarriiqay arrimaha siyaasadeed ee ay iska kaashan doonaan.

Arrintii horay ugu dhacday Biden

Waa markii labaad oo hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka ay meel fagaare ah ku xasuusan waayaan magaca Ra’iisul Wasaare ka socda Australia.

Horay waxay hadal hayn uga dhalatay in madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu sidaasoo kale u xasuusan waayay magaca Ra’iisul Wasaarihii xilligaas ee Australia, mar ay shir jaraa’id si wadajir ah isula qabteen.

Labada hoggaamiye ayaa u kulmay heshiiskii ay ku kala saxiixdeen xoojinta awoodda nuclear-ka ee dhinaca badda.

Balse Biden ayaa ku guul darraystay inuu durbadiiba soo qabto magaca Scott Morrison oo ka muuqday shaashadda hortiisa taallay.

Biden iyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Australia

Dhinaca muuqaalka waxaa ka hadlay Morrison iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, oo isagana dalkiisa uu qayb ka ahaa heshiiskaas.

Madaxweyne Biden ayaa markii uu hadalka qaatay yiri: “Waad mahadsan tahay Boris (Johnson) waxaa kale oo aan rabaa inaan u mahad celiyo uh, saaxiibka halkaas hoose ku jira,” ayuu yiri Mr Biden oo markaas u jeedsaday dhinaca shaashadda telefishinka oo uu saarnaa wajiga Mr Morrison.

“Aad baad u mahadsan tahay saaxiib, waan ka mahad naqayaa arrintan Ra’iisul Wasaare.”

Mr Morrison ayaa dhoollacaddeeyay, waxa uuna muujiyay gacan mahad celin ah. Hadal haynta ku saabsanayd dhacdadaas ayaa si wayn loogu soo faafiyay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka.