Ra’isul-wasaaraha Uk oo wajahaya xaalad adag oo siyaasadeed

Boris Johnson

Waxa ka muuqday goobta jawi welwel iyo walaac ah.  

Kooxda la shaqaysa raysul wasaaraha ayaa ii oggolaaday in aan kama dambaystii waraysi la yeesho Boris Johnson. Waxaa la ii qabtay shanta galabnimo oo buuro ah iyo in aan tago xafiiskiisa aqalka baarlamanka.

Waxa meesha ku filiqsanaa waxyaabo xusuus siyaasadeed leh. Waa calanka ciyaaraha Olombikada, wax loo ekaysiiyay goobta basaska laga raaco iyo bas yar oo caag ka samaysan oo uu ku qoran yahay magaca raysul wasaaraha oo ah goobta uu baskaasi ku socdo.

Waxaa kale oo goobta yaallay sawir loo ekaysiiyay bogga hore ee wargeys sheegaya guusha. Laakiin is weydiintu waa tolow ma tii guul-darradiisa tebinaysay baa?

Raysul wasaaruhu wuxuu aqbalay xaqiiqada adag ee ah in dadka ku hadla magaciisu aanay runta sheegayn maalmihii la soo dhaafay.

Markaan ka tagay, ayaa mid ka mid ah wasiirradiisa ugu daacadsan wuxuu sii fuulayay jaranjarada oo xafiiska ayuu ku sii jeeday.

Kuwo kale oo ka tirsan “kooxda Boris” oo ah kuwii markii hore isaga ku sheegayay inuu yahay qofka ugu habboon ee hoggaamin kara xisbiga Conservative-ka ayaa iyagana goobta looga yeeray.

Durba way iska caddayd in ay dhibaato la soo deristay, waxayna noqotay mid ka culus intii markii hore uu filayay.

Johnson iyo labada wasiir ee is casilay

Wasiirkiiska caafimaadka, Sajid Javid, ayaa ka huleelay oo is casilay. Hase yeeshee weedhaha ayaa qudhooda farriimo dira.

“Shacabka Ingiriisku waxay xaq ugu leeyihiin xukuumaddooda in ay hufnaan ugu adeegto,” ayuu yiri.

Haa, waa erayadii uu yiri. Waa nin subaxnimadii shirkii golaha wasiirada fadhiyay oo hayay xilalka ugu sarreeya xukuumadda midkood, wuxuuna kama damaystii aqbalay wixii ay dadka xukuumadda dhaliilaa sheegayeen muddo bilo ah, taas oo ah in xukuumadda iyo hoggaamiyaheedu aanay hufnaani ka muuqan.

Ninka isna haatan ah wasiirkii hore ee maaliyadda [maaddaama oo uu is casilay] Rishi Sunak, ayaa isna wuxuu yiri “shacabku waxay xukuumadda ka filayeen in ay u dhaqanto ‘si wanaagsan, karti leh oo u heellan shaqada.”

Ninkaas saaka fadhiyay raysul wasaaraha agtiisa ayaa intaa ku daray in xukuumaddu aanay sidaa [laga filayay] u dhaqmin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aanu doonayn inuu meel la joogo Johnson marka toddobaadka dambe laga hadlayo istaraatijiyadda dhaqaale ee wax lagaga qabanayo sicirka maciishada dalka.

Waxaa taagnaa khilaaf weyn oo shaqo oo dhex yaallay, kaas oo ah wax ay danaynayeen malaayiin qof oo shacabka dalkaas ah.

Si lama filaan ah ayaa ayay haatan u soo baxday in ay suurtagal tahay in ay xukuumaddiisu burburto.

Laakiin, ilaa intii uu warkaasi soo baxay oo saacado laga joogo, ma aysan soo bixin in wasiirro kale ay is-casileen. Xubno badan oo xukuumadda ah ayaa shaaciyay in aanay xilka ka degeyn. Boris Johnson-na ma aha qof si sahal ah xilka uga taga, waa haddii aanay wax kale dhicin.

Arrimuhu in ay xasilloon yihiin bay u eg tahay laakiin xaaladdu mar kasta way isbeddeli kartaa. Su’aasha keliya ee la isweydiinayo xilligan waa, Boris Johnson xilka ma sii hayn doonaa? Jawaabtuna ilaa haatan waa lama oga.

Waxaase xaqiiqo ah in haddii uu xilka ka dego iyo haddii kaleba aanu sida ay wax u socdaan waxba ka qaban karin wasiirradiisuna aanay gacanta ugu wada jirin.

Tan iyo intii uu xilka qabtay ma aysan soo marin maalin ay maanta kaga adag tahay.