Reer Burco oo sida Fiinta uga Qayliyay Sicir bararka ka Taagan Somaliland
Burco(Qaran news)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sida fiinta uga qayliyay sicir bararka maceeshada daruuriga ah iyo qiime bararka lacagta doolarka.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay in sicir bararka jira in aanay jirin xukuumad wax ka qabanaysaa.
“Waxaan leeyahay Xukuuumad wax ka qabanaysa sicir bararku ma jirtee shacbigow u naxariista shicibka aad ka ganacsanaysaan,” ayuu ku tiraabay nin dhallinyaro ahi.
waxaanu intaas ku daray in aan la go’ynayn badeecadaha daruuriga ah iyo Shiidaalka.
Sidoo kale Hooyo danyar ah ayaa sheegtay in sicir bararku saameyn xun ku yeeshay noloshooda oo ay waxba u goyn la’yihiin lacagtii shilinku oo wax waliba qaaliyoobay.
Ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Xukuumadda Somaliland oo ay wax kaga qabanayso sicir bararka.
Sidoo kale waxa aan jirin cid ka tirsan Hay’adaha dawladda ee ay khusayso, iyadoo waliba ay jirto lacag cusub oo xilligan la sheegay inay Xukuumadu soo daabacayso.