Reer Sallaxlay oo 50 Neef oo Geella ugu Deeqay Ciidanka Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha JSL, Mudane Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa ka qayb galay Geel degmada Sallaxley ku wareejinayeen ciidamada Qaranka JSL.

Kaalmadan geela ah ee bulshada Sallaxley ku taageerayeen ciidamada Qaranka Somaliland ayay tiradoodu dhameyd 50 neef oo Geela, oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sar sarre oo ka tirsan ciidamada Qaranku.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa ku ammaanay bulshada reer Sallaxley taageerada ay markasta la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka JSL, ee ku habeen iyo maalin u taagaan difaacada iyo sugista abniga dalka.

Mas’uuliyiintii kala duwana ee madashii wareejinta Kaalmada Geela ah ka hadlay ayaa sheegay in Degmada Sallaxley ay muujisay dadaal ku aadan sida ay u barbar taagan yihiin Ciidanka Qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in madaxweynaha JSL, iyo xukuumadduba ku filan yihiin ciidanka Qaranka dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba, balse sababta xoolaha loogu wareejinaya ay tahay in ciidanka la tuso in lala dareen yahay isla markaana la garab yahay.

Gaba-gabadii mudanayaasha golaha degaanka ee degmada Sallaxley iyo bulshada degmadaasi ayaa sheegay inay markasta hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka.