Writen by Qaran News |

AdnaSheffield1

Waxa jimcadii 13/05/2016 ka dhacay magaalda Sheffield, gaar ahaan Guriga looga taliyo magaalada Sheffield, Sheffield Town Hall, xafiiska gaarka ah ee Lord mayor-ka (Lord mayor parlou) shir high profile ah oo ay isugu yimaadeen gudiga Citiraaf raadinta Uk iyo madax sar-sare oo ka mid ah saaxiibada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen, Clive Betts MP and the chair of the APPG, The shadow minister for Afrika Fabian Hamilton MP, Paul Blomfield MP and Linda MacAvan MEP, Councillor Jackie Dryton Howard Knight and the Lord Mayor Talib Hussein, waxa kaloo xagga Somaliland ka socday Dr Adna Adan iyo faysal Cali waraabe iyo Xubno badan oo ka mid aqoonyahaynka Somaliland oo hablo iyo Ragba leh.
AdnaSheffeild2

Waxa shirka laga iclaamiyay geedi socod la magacbaxay Road to Somaliland Recognition oo shirkani noqonayo talaabadii ugu horaysay. Shirka oo madaxdii isugu timi ku soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah iyo qaar ka mida caqabadaha Hortaagan Citiraafka Somaliland. Waxan shirka qaybtiisii dambe lagu lafa guray qaar ka mid ah dawladaha ama ururada wax ka qaban kara citiraafka Soaliland iyo sidii aynu u kasban lahayn.

Shirkan waxa daba socda shirarkale oo lagu ambaqaadayo hawsha Citiraafka waxana aanu si faah faahsan u soo bandhigi doonaa doorka laga rabo in qofkasta oo somalilander ahi uu ka qaadto raadinta Citiraafka ilaa aynu hantiyayno aqoonsiga qaranimada Somaliland oo runtii modo dhaafay.

Alaa mahad leh.

Mohamed Issa