ADUUNKA WAXA LA IS DHEER YAHAY INTA GARAADKA LA ADEEGSADO IYO SIDA LOOGA FAAIIDEYSTAY AWOODA IYO GARASHADA DADKA SI LOOGA BAXO DHIBAATOOYINKA.

” Sidee aynu uga faaiideysan karnaa biyaha roobka ? ”

Shalay uun bay ahayd markii aynu qaylo dhaanta abaareed ku yaboohaynay oo ay dadkeenu haraad ugu dhimanayeen miyiga inaga oo aan magaalooyinkana biyo dadka wada gaadha ku haysanin.

Waxa la ururiyey ama lagu hawl galay lacag aan xadigeeda ku qiyaasi karo $10 milyan oo dollar waxii biyo iyo baad dadka la gaadhsiinayey hadii aanay ka badnayn ba.

Waagaasi waxa baadhay xadiga la siiyo riiigaga biyaha soo saara oo aan shirkadaha iibiya badhkood kala xidhiidhay dalka UAE , ka ugu qiimaha jaban waxa la siiyaa $250,000 kun , kuwa ugu qaalisanina waa ilaa $750,000 kun , waxa aan isweydiiyey 4 Riig oo aad soo iibsataan intee ceel biyood ayey sanadkii idiin qodi karaan ?

Dhinaca kale marka roobku da’o sida xiligani hadda lagu jiro oo kale biyuhu waxa ay inoo dhaafaan toos oo waxa galaan bada-cas iyo badweynta Hindiya , waxa aynu awoodi karnaa sidii madaxweynuhuba ka dhawaajiyey in ilaa 8 goobood oo dalka ah laga sameyn karo biyo qabatin ( dhaam ) si looga faaiideysto biyaha roobka ina dhaafaya.

Waliba waxa aynu ku jirnaa sanadahani xili aduunku isku raacay in abaar darani Geeska Africa ay ku soo fool leedahay xiligani oo u baahan ka hortag iyo u tabaabushaysi waxii lagaga gudbi lahaa waxaana aan u arkaa in loo baahan yahay in hadda wax la iska sii weydiiyo sida looga baxayo iyo waxa lagaga baxayo.

Isku soo wada xoori aduunku wuxuu is dheer yahay kaliya sida loo adeegsaday ee looga faaiideystay garaadka iyo garashada binu-adamka si loogaga baxo dhibaatooyinka ku soo noq-noqda binu-adamka ee nolosha iyo noolaanshaha lidka ku ah.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil