Ruushka oo soo bandhigay Tirada Askarta uu Dagaalka kaga laayay Dalka Ukraine

Mariupol

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa si faahfaahsan uga hadashay wax ay ku tilmaantay “jab weyn” oo ay gaarsiisay ciidamada Ukraine tan iyo markii uu bilowday duullaanka.

Jeneraal Igor Konashenkov oo u hadlay gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay in 23,367 askari oo isugu jira milateriga, jabhadaha iyo ajaaniibta kula dagaallamaysa Ukraine ay ku dhinteen dagaalka tan iyo markii uu bilowday dhammaadkii February.

Waxa uu sheegay in magaalada Mariupol oo keliya ay ku dhinteen in badan 4,000 oo dagaalyahan, ayna kamid yihiin xooggaga jabhadaha xagjirka ah ee Azov iyo Aidar.

Ruushka ayaa ku doodaya in dowladda Ukraine ay qarinayso jabka soo gaaray ciidankeeda, isla markaana ay Moscow dhawaan soo bandhigi doonto xogtada khasaaraha milateri oo faahfaahsan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa telefishinka CNN u sheegay in ugu yaraan 3,000 oo askari ay dalkiisa uga dhinteen dagaalka tan iyo markii uu Ruushka billaabay duullaanka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 10,000 oo askari.

Ukraine ayaa dhowr jeer sheegtay in Ruushka ay ka dishay askar kumannaan ah, sheegashadaas oo aan si dhab ah loo xaqiijin.

Zelensky ayaa sheegay inay jirto cabsi ah in Ruushka uu hub nukliyeer ah u isticmaali doono dagaalka, taasina ay tahay mid loo baahan yahay inay u toog hayaan waddamada adduunka.

“Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Ma aha in aan cabsanno ee waa in aan diyaargarowno. Arrintan uma taallo Ukraine oo keliya ee waxa ay khuseysaa caalamka oo dhan,”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Digniinta Ruushka

Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Putin

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine.

Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka, Maraykanka ayaa dhaqaalo dhan 3 bilyan oo dollar ku bixiyay taakulada milateri ee uu siiyo Ukraine.