Ruushka oo tijaabiyey Gantaal cusub oo xambaari kara hubka nukliyeerka oo qaaradaha isaga kala gudba

Ruushka oo gantaal cusub tijaabiyey

Milateriga dalka Ruushka ayaa sheegay inay si guul ah u sameeyeen tijaabadii ugu horreysay ee gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba, hubkaas oo uu madaxweyne Vladimir Putin ku sheegay inuu ka dhigi doono wadamada reer Galbeedku “inay si qoto dheer u fikiraan” ka hor inta aysan qaadin damacyo gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka.

Tijaabada gantaalka Sarmat ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo wadamada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxayna hoosta ka xariiqday in Kremlin-ku uu xoogga saarayo dhinaca horumarinta hubkiisa Nukliyeerka.

Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda difaaca dalka Maraykanka, John Kirby ayaa sheegay in Ruushku uu Maraykanka siiyey ogaysiis hordhac ah oo ku saabsan tijaabada gantaalkan, iyada oo la raacayo heshiiska cusub ee START ee xakameynta hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

“Ruushku wuxuu si sax ah ugu wargaliyay Maraykanka iyada oo la raacayo waajibaadkiisa ku dhigan heshiiska New START, inuu qorsheynayo inuu tijaabiyo gaantaalkan,” ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa sii raaciyey “Tijaabada noocan oo kale ah waa mid joogto ah, La yaabna may ahayn”

Sarmat waa gantaal culus oo hawshiisu ay soo socotay dhawrkii sano ee u dambeeyey wuxuuna ka mid yahay gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee sida fudud isaga kala gudbi kara qaaradaha, wuxuuna bedelayaa gantaalka lagu magcaabo Voyevoda, kaas oo ay reer galbeedku u bixiyeen magaca Shaydaanka, isla markaana udub dhexaad u ah gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka.