SAAMEYNTA HIRDANKA QUWADAHA ADUUNKU KU LEEYAHAY GEESKA AFRICA .

Maanta aduunkii waxa uu marayaa in uu kala saftay oo laga yaabo in ay yimaadaan quwado is caabiyayaa , Madaxweynaha maraykanka ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya dalal reer yurub ah oo dalbaday in ay Nato ku biiraan ; Ma jirto maanta maalin looga baahi badan yahay xulafada Nato.

Macnaheedu waxa uu u muuqdaa diyaar garow iyo dagaalo dhex mara Russia iyo intii la aragti noqota iyo Isbahaysiga Nato , waxaana laga joogaa burburkii Warsaw 32 sanadood oo gaw ah .

Dalka Russia ayaa dhaqaale ahaan iyo awood ahaan ba u muuqda mid is hubsaday waxaana aduunku u arkaan dagaalka Ukraine in uu yahay dhoolatus iyo tusaale uu u dirayo aduunka kale gaar ahaan Nato.

Xiligani waxa aduunka ka jira quwado kale oo cudud ah oo dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba ah qaar dabarka soo goostay oo uu ka mid yahay dalka China oo ku jira isbalaadhin lagu qabsanayo ama kasbanayo dalalka kale ee aduunka.

GEESKA AFRICA IYO HIRDANKA QUWADAHA ADUUNKA.

Geeska Africa oo dhaca dhinaca bari ee qaarada Africa waxa uu ku yaallaa mid ka mid ah goobaha aduunka ugu istarajisan , waxaana wejahadihiisu kulaalayaan badweynta Hindiya iyo Badda Cas .

Waxa ku yaalla marinka biyoodka badacas oo ay maalintii ka gudbaan ganacsiyo gaadhaya trillions dollars oo ku socda Europe ta galbeed iyo Maraykanka oo ka taga Jasiirada carabta , Iran, Turkey iyo bariga fog sida Taiwan, Japan, China, Indonesia, Singapore, India iwm.

Geeska Africa waxa uu isku xidhaa Qaaradaha Asia iyo Africa gaar ahaan wadamada hodanka ah ee carbeed oo aduunku dano badan ka leeyahay iyo qaarada cagaaran ee 54 dawladood ka kooban oo ah suuqa aduunka ugu weyn isla markaana ah quwado iyo xoog soo muuqda oo aduunku kala hororsanayo kasbashadooda.

Waxa intani dheer waa gobol kheyraadkiisu dihin yahay oo leh saliido caydhiin ( shidaal ), macdanaha kala duwan , Gaasta dabiiciga ah , Dhul dihin oo ku wanaagsan wax beerista , xoolo iwm oo intaasiba uu aduunku baahi weyn u qabo xiligani .

DALALKA ILAA HADA KU TARTAMAYA GEESKA AFRICA & HALISTA LAGA CABSI QABO.

Wadamada hirdankoogu tooska u muuqdo waxaa ka mid ah China oo dalalka Geeska Africa intooda badan maalgashi weyn ku sameeyey oo qaarna ku leh saldhigyo ciidan , Russia oo gobolkani u jooga hab ciidan oo dalalka gobolka qaar ka mid ah ciidamadooda gacabta ku haya sidoo kale saldhigyo waaweyn ku leh qaarada Africa oo ilaa 29 dal siyaabo kala duwan uga hawl gala.

Iyo Dalka Maraykanka oo gobolkani ku leh mid ka mid ah saldhigyadiisa ciidamada ee qaarada Africa ugu waaweyn , sidoo kale Badda cas ku sugnaa ilaa laga soo bilaabo dagaalkii Kuwait iyo Iraq ee 1990skii isla markaana saldhigyo waaweyn oo ciidan ku leh wadamada carabta qaar ka mid ah .

GOOBAHA LAGU TARTAMAYO AMA AY DALALKANI RABAAN IN AY KA HELAAN MEELO AY DEGAAN.

Dalalka Geeska Africa ee ay ku loolamayaan waxa ugu horeysa Jamhuuriyada Somaliland oo uu dalka maraykanku u arko meesha ugu muhiimsan ee uu danihiisa mustaqbalka ka ilaashan karo xili werwer weyni uu ka jiro is-balaadhinta China ee Geeska Africa oo laga yaabo in ay Jamhuuriyada Somaliland soo gaadho.

Sidoo kale dalka Russia ayaa dhawr goor ay yimaadeen Jamhuuriyada Somaliland safiiradiisa Djibouti iyo Addis-Ababa 16 sanadood ee ugu dambeeyay kuwaasi oo la sheegay in ay danaynayaan in ay yimaadaan Berbera ama Zeila si ay saldhig ciidamada ah oo ay kuwa badu ka mid yihiin uga helaan.

China oo in badan Jamhuuriyada Somaliland ku soo noq-noqday ayaa ka soo horjeeda heshiiska Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan oo uu rabo in uu Somaliland maalgashado hadii ay Taiwan xidhiidhka u jarto , arinkaasi ayey Jamhuuriyada Somaliland ku gacan saydhay oo ay diiday in shuruudaha China ku imanayo Somaliland in ay Taiwan saaristeedu ka mid noqoto.

Waxaa ay u eeg tahay in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay dhuunta iyo bogcada ugu muhiimsan gobolka Geeska Africa , waxaana mashaariic 1 bilyan oo dollar ku dhow ka fulinaya wadanka UAE oo u arka in jamhuuriyada Somaliland tahay albaabka Africa laga gelayo , waxaana maalgalintaasi ka mid ah kuwa lagu maalgaliyey Dekedda Berbera, wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, Airport ka Berbera.

HALISTA LAGA BAQANAYO IN AY WAXYEELO WEYNI GOBOLKA GEESKA AFRICA KA SOO GAADHO.

Gobolkani Geeska Africa waxa ku yaalla ilaa 11 koob iyo toban saldhigyo ciidamada wadamada aduunka kale ah oo dhereran dalalka Muqdisho ilaa Assab ( Erateria) oo dhamaantood u jooga dano siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan oo iskuwada lid ah.

Arinkaasi ayaa ku ah dadka gobolkani ku nool mustaqbalkooga bar madaw iyo wax cabsi ku abuuraya dagaal u joog ah xili dawladaha gobolkani iyo da’yartoodu u baahnaayeen rajo abuur , maalgashi iyo mustaqbal wanaagsan cidii wax ku soo kordhinaysa.

Sidoo kale dalalka ku yaalla gobolkani ayaa leh dano siyaasadeed oo kala wada duwan marka uu dalwaliba dantiisa raacdo ayaa waxa iska hor imanaya danaha ( conflict of interest) xili ay taagnaayeen colaado iyo dagaalo u dhexeeya wadamada qaar sida Djibouti iyo Erateria oo kale , Somaliland iyo Somalia oo kale iwm.

Isku soo wada xoori saameynta hirdanka quwadaha aduunka ee gobolkani waxa ay u eeg tahay mid horumar iyo maalgashi keeni karta , sidoo kale soo dedejin karta dagaalo hor leh iyo colaado wadamada gobolka ah oo ay sabab u yihiin dalalka shisheeye.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil