Writen by Qaran News |

SAMIQAYBSIGA GOBOLADA WAXA SALDHIG U AH DASTUURKA QARANKA IYO XEERARKA QARANKA EE HOOS YIMAADA.
Somaliland waxay soo martay marxalado badan. Mid kastana waxaa lagaga soo gudbay wada tashi. Somaliland beelaha degaa waxay mar hor isku raaceen in laga gudbo xiligii axdiqarameedka oo saldhigiisu ahaa in beelo wax lagu qaybsado. Waxaa afti loo qaaday umada somaliland waxaana lagu heshiiyey in la isku xukumo dastuurka qaranka somaliland. Golaha guurtida golaha baarlamaanka xisbiyada qaranka maxkamadaha iyo xukuumadaba waxa saldhig u ah DASTUURKA QARANKA SOMALILAND. Saami qaybsiga goboladu maaha mid qabiil ah. Waa mid gobol. Hadii sadexda xisbi qaran iyo baarlamaanku adkayn waayaan ku dhaqanka dastuurka waxa dhici doonta in shakhsiyada danaystayaasha ahi bulshada si xun wax ugu sheegi doonaan sida maantaba xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsani u hadlayeen goboladana reero ka dhigayeen.

Aniga aragtidayda waxaan aaminsahay in saami qaysigu noqdo mid gobol ku salaysan oo laga saaro reeraha. Sadexda xisbi waa inay ku fara adaygaan ku dhaqanka iyo ku xisaabtanka tastuurka si doorashadu xiligii loogu talagalay u dhacdo.
Waa in xildhibaanku ku soo baxaa tirada u codaysay. waa inay kala qaataan darajooyin oo xildhibaanka 15000 ku soo baxay la darajo noqon xildhibaanka ku soo baxay 200 ama wax ka yar. hadii kale cadaalad darada maanta ka dhex taagan golaha ayaa jiri doontaa oo xildhibaan laba
boqol oo cod haysta ayaa aamusiin doona xildhibaan ku soo baxay toban kun oo cod

Waa in laga foojignaadaa xildhibaanada is og in aan mar labaad la dooranayn ee mushaaradii waayaya sawaxanka qaylada iyo kicinta bulshada ee ay samayndoonaan.

MIDKA AF KU QALIICIYA, MIDKA AWOID KU QALOOCIYA IYO MIDKA QALIN KY QALOOCIYA ILAAHAY HA INAGA QABTO
AAMIIN AAMIIN

WA BILAAHI TAWFIIQ
MAHDI JAMA