Writen by Qaran News |

Dowladda Sacuudiga oo shalay qiratay in lagu dhex dilay qunsuliyadeeda magaalada Istanbul wariye Jamal Khashoggi ayaa iminka sheegtay in aysan ka war hayn halka la geeyay meydka wariyaha.

Wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi Adel bin Ahmed Al-Jubeir ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in eysan ka warhayn halka la geeyay ama lagu qariyay meydka wariyaha kaas tuhumo kala duwan laga sameeyayl.

Adel bin Ahmed Al-Jubeir ayaa sheegay in amiirka dalkaasi Maxamed Bin Salmaan oo lagu tuhmayay in uu isaga amarka bixiyay uusan “waxba” kala socon dilkaasi, waxaana uu intaa raaciyay in uu boqorka dalkiisu sheegay in dambigaasi loo haysto dadkii geystay.

Xukuumadda Riyadh ayaa qiratay dilka wariye Jamal Khashoggi (59-jir) kaas oo markii dad ugu wardambeysay la arkay isaga oo sii galaya gudaha qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dowladdu waxa ay sheegtay in wariyaha uu ku dhintay gacan-ka-hadal dhex maray isaga iyo saraakiil ku sugneyd qunsuliyadda, dabadeedna saraakiishaasi ay “qariyeen” faldambiyeedkaas.

War laga sii daayay taleefishinka dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in baarista horudhaca ah ee la sameeyay ay sheegeyso in wariye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda, islamarkaana 18 sarkaan oo markaasi qunsuliyadda ku sugnaa loo xiray faldambiyeedkaas.

Wariyaha la dilay Jamal Khashoggi

” – Muran iyo gacan-ka-hadal dhex maray Jamal Khashoggi iyo saraakiishii uu kula kulmay gudaha qunsuliyadda ayaa waxaa ay sabababeen in uu geeriyoodo, kuwii faldambiyeedkaasi ka dambeeyayna ay isku dayeen in ay qariyaan falka dilka ah ee ay geysteen”, ayaa lagu yiri qoraal dowladda kasoo baxay oo warbaahinta laga baahiyay.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa magacaabay guddi uu ku jiro dhaxalsugaha lagu tuhmayo in uu amray dilka wariyaha ee Mohammed bin Salman kuwaas oo isbadel ku sameynaya sirdoonka dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxaa shaqada laga eryay madaxa sirdoonka dalkaasi Ahmad al-Assiri, iyo nin la taliye u ah qoyska reer boqorka, Saud al-Qahtani sababo la xiriira fadeexadan ka dhacday gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee wariyaha lagu dilay.

Beesha caalamka ayaa Sacuudi Carabiya cadaadis ku saareysa in ay faahfaahin dheeri ah ka bixiso geerida qoraaga dalkaasi u dhashay ee Jamal Khashoggi.

Jamaal Khashoggi oo ahaa wariye dhaliila siyaasadda dhaxalsugaha da`da yar ee dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, ayaa qunsuliyadda u tegey si uu u buuxiyo warqado uu ku guursan lahaa gacalisadiisa ,Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga.

Gabadhaas oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho, sida uu nidaamku yahayna, Khashoggi waxaa uu iska reebay oo uu saaxiibadii uga tagay telefoonkiisa gacanta, isagoona ku wargeliyay in ay booliska wacdo hadii uu soo noqon waayo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga ee Sabah, ayaa sheegay in ay aqoonsadeen koox sirdoon ah oo ka kooban 15 qof oo qayb ka ahaa in la waayo weriye Jamal Khashoggi.

Dowladda Turkiga oo baaritaan ku sameysay qunsuliyadda ayaa sheegtay in wariye Jamal lagu dhex dilay, laguna jarjaray gudaha qunsuliyadda.