Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu ka go’an yahay inuu sameeyo dhammaan dadaallada suurtagalka ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga gobolka, loona hago dalalka gobolka dhanka barwaaqo iyo horumar, isla markaana loo ilaaliyo danaha shucuubtooda.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu u arko “weerar kasta, hanjabaad kasta, ama fal kicin ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran mid aan la aqbali karin.”

Bin Salman ayaa sidoo kale adkeeyay in Boqortooyadu “aysan marnaba oggolaan doonin in hawadeeda ama dhulkeeda loo adeegsado falal milatari oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ama weerarro ka yimaada cid kasta ha ahaadee, meel kasta oo ay ku wajahan yihiin.”