



Safaarada Dalka Taiwan ee Midowga Yurub oo Qado Sharaf ku Maamuustay Wefdi ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ku sugan Belgium.
Safaarada Dalka Taiwan ee ku taala magaalada Brussels ee Wadanka Belgium ayaa maanta Qado sharaf ku maamuustay Wefdi maalmahanba ku sugnaa Dalka Belgium oo ka socday Baarlamanka Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxda Safaarada oo uu hor kacayo Minister/Deputy Representative ahna ku simaha Safiirka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Safaarada Taiwan oo agaasisamay qado-sharafta ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin Xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Taiwan.
Dhinaca kale Xubnaha Wafdiga iyo Safiirka Somaliland ee Midowga Yurub Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa aad ugu mahadnaqa
y sida sharafta leh ee ay wefdiga u qiimeeyeen, waxaanay sheegeen in Xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo Xidhiidhka wanaagsan ee kobcaya ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Taiwan.




