Writen by Qaran News |

Saxaafada iyo akhristayaashuba way salaaman yihiin.

Sida ii caadiga ah, mar kasta oo aan wakhti helo (iyo dabcan lacag ka badan kharaska joogtada ah ee qoyskaygaba) waxaan safaro aqoon korodhsi ah u tagaa hadba halka aan ku tuhmayo inay taalo aqoon iyo raadad xadaaradeed oo muhiim ahi. Macno badan iima sameyso inaan booqdo magaalooyin ay ku yaalaan daaro dhaadher oo wada quraarad ahi, waxase maankaygu la hayaa magaalooyinka gaboobay iyo dhulka taariikhdu ku duugan tahay (malaha waa da`da iyo guga ii kordhaye)

Hadaba, bishii July ee sanadkan waxaan safar aan hore loo sii shaacin ku tagay magaalooyinka taariikhiga ah ee Cordoba (قرطبة) iyo Granada (غرناطة) ee ku yaala gobolka Andalusia (الاندلس) ee koonfurta dalka Spain. Guud ahaan safarkaasi waxa uu qaataty 14 caano-maal (todoba maalmood). Kama waramayo taariikhda dhamaanba magaalooyinkii muslimiinta ee Andalusia iyo guud ahaanba taariikhda muslimiinta ee Andalusia oo ah taariikh qarniyo badan soo taxnayd oo aan qoraal kooban lagu soo bandhigi karin, waxaanse wax yar ka taataabanayaa Qurduba ito Qaranaada!

Baalalayda duusha ayaan goor casar liiq ah ka raacay gegida diyaaradaha ee magaalada Bristol, halka aan ku jihaystayna waa gegida diyaaradaha ee Malaga oo aan doortay inaan ka bilaabo safarkayga ruuxiga ah madaama ay aad ugu dhowdahay halka aan u socdo. Ka dib 2 saacadood iyo 40 daqiiqo oo aanu hawada sii lalaynay, waxay diyaaradu cagadhigatay garoonkii Malaga oo wakhtigaa aad ceeryoon u ahaa. Inkasta oo aanan mar-dhoof ahayn, hadana waa markii iigu horeysay ee aan ka dago Spain. Wakhtigu waa habeenimo, afka beledkaa lagaga hadlo kelmadna kama aqaano, mana jirin cid aan ka garanayey amaba igu sugaysey goobtaas (gaashaan-qaad ma habaabo iyo mutuhis ayaan ku socday).

Goobtii hubinta warqadaha lagu socdaalo (immigration) markii aan dhaafay, waxaan halabsaday taxi meesha taagnaa oo aan u dhiibay warqad uu ku qoran yahay cinwaanka goobta aan caawa xero-guusha ku sii ahay (Hotel). Waxyar ka dib, waxaan gaadhay goobtii oo aan xamaantaydii dhigtay. Isla markiiba waxaan bilaabay inaan sii qorsheeyo safarkaygii ruuxiga ahaa ee aan berri subaxa ugu ambabaxayey xagaa iyo Qurduba, aniga oo leh ilaahayow yaan waaga ka hor waraabe I cunin!

Subaxnimadii horeba waxaan ka jarmaaday Malaga, aniga oo gundhada jaray mid ka mid ah basaska waaweyn ee u kala baxa Malaga iyo Qurduba oo badiba dadka la socday ay ahaayeen dad aan u dhalan dalka Spain oo dalxiisayaal ah. Dhulka la marayaa waa buuro dhaadheer, dariiqa iyo wadaduna waa mid si fiican looga shaqeeyey (malaha dadka ayaa si hagar la`aan ah u bixiya cashuurta “godad-marista” ee laga qaado gaadiidleyda- raalli ahaada waxaan u jeedaa wado-maristee). Hareeraha wadada waxa ka muuqanayey oo ay ishaydu qabanaysey beero dalagyo iyo midho kala duwani ka baxeen sida tamaandhada, saliid saytuunka iyo cinabka. 2 saacadood iyo waxoogaa ka dib waxaanu gaadhnay magaaladii Cordoba oo aan aad u xiiseynayey aragtideeda. Halkii aan ku dagayey markaan xamaanta dhigtayba waxaan waraystay goob cunto xalaal ah lagu sameeyo. Waxa la ii tilmamay meherad cunto oo ay leeyihiin muwaadiniin asal ahaan ka soo jeeda dalka Morocco. Cuwaaf yar oo aan degdeg u cunay ka dib waxaan u toobiyeystay aniga oo talaabo dheereynaya (sidii oo aan Safa iyo Marwa dhexdooda marayo) xagaa iyo Medinat Al-Zahraa (الزهراء مدينة) iyo masaajidkii weynaa ee Cordoba (the great mosque: الكبير قرطبة مسجد).

Medinat al Zahraa oo ah magaalo qadiimi/taariikhi ahayd oo dhacda dhinaca galbeed ee magaalada Qurduba, marka aad dhex marayso waxaad dareemaysaa in meesha xadaarad iyo ilbaxnimo weyni ay ka jirtay. Goobtu waxay ahayd caasimada xukunkii muslimiinta ee ka hirgalay Andalusia ee ay hogaaminayeen nimankii loo yaqanay “Umawiyiinta”. Magaalada waxa dhisay Khaliifkii la odhan jirey Cabdiraxmaankii 3aad ina Naasir, wakhtiga magaalada la dhisayna waxay ahayd sanadihii u dhexeeyey 936 – 940 taariikhda miilaadiga. Magaaladu waxa ay ka koobnayd dhismayaal badan oo kala duwan sida goobaha qaabilaada wufuuda soo booqanaysa khaliifka, maktabado, goobo waxbarasho, xafiisyada kala duwan ee dawlada oo Bangiga lacagtu ka mid yahay, xeryo ciidan, guryo xaasaka ciidanku degaan, beero, iyo dhismayaal kaleba. Sida la sheegay mudadaa dhismuhu socday 10 kun oo nin oo wada xirfad yaqaan ah ayaa ka qayb qaatay dhismaha magaaladan. Nasiib darro magaaladani waxay ku burburtay gacanta musimiinta ka dib markii ay dhexdooda ka dagaalameen iyaga oo xukunka isku haysta.

Sanadihii 1910 iyo 1911kii ayey xukuumadii markaa ka jirtay Qurduba ay bilowday inay baadho/qodo magaaladaa aasantay, waxaana la helay raadad badan oo muujinaya xadaaradaa muslimiinta. Sanadkii 2010, dawlada Spain waxay ka dhistay goob ku dhow halkii ay ahayd magaaladii Alzahraa xarun ka kooban saddex dabaq oo lagu kaydiyo raadadka iyo waxyaabaha qoditaanka lagu helo ee la xidhhidhsan magaaladii Al-Zahraa.

Marka laga yimaado Madiinat Al-Zahraa, masaajidka weyn ee qurduba isaguna waa goob caan ah oo muujinaysa xadaaradii iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu gaadheen wakhtiyadaas hore oo badiba dalalaka yurub ay ku jireen xaalad qalafsan nolol ahaan. Masaajidka oo ilaa hadda dhismayaashiisu taagan yihiin, waxa dhisay khaliifkii muslimiinta Andalusia ee la odhan jirey Cabdiraxmaan. Goobtani markii hore waxa ay ahayd kiniisad hase yeeshee khaliifka ayaa iibsaday oo u bedelay masaajidkii ugu quruxda badanaa Yurub. Masaajidkan oo hadda loo yaqaano magacyo kala duwan oo ka kala turjumaya wakhtiyo taariikheed oo kala duwan sida “Masaajidkii Kiniisada”, La Mesquita, ama kiniisada Qurduba (Cathedral of Cordoba) waa goob maalin kasta ay soo booqdaan boqolaal qof oo ka kala yimid dacalada aduunka. Waxaan kula kulmay oo aanu iswaraysanay taageerayaal ka tirsan xisbiga Trump ee Republicanka oo ka yimid gobolka Texas ee dalka maraykanka oo duubanaya taariikhdaa qaaliga ah ee islaamka. Marka aad gasho gudaha masaajidka waxa aad ku ashqaraaraysaa sida farshaxanimada leh ee loo dhisay masaajidkaa iyo sida quruxda badan ee aayadaha quraanka kariimka ah loogu xardhay gidaarada masaajidka. Mixraabka masaajidku waxa uu ka samaysan yahay dhagxaan lagu naqshadeeyey dahab, si cilmiyeysana loogu qoray aayado quraan ah. Qudbiga masaajidka, tiirarkiisa, gidaaradiisa, marmarka yaala iyo sida farsamada sare ah ee loo sameeyey ayaa aad kuu soo jiidanaya. Cabaar ayaan meel cidlo ah keligay taagnaa aniga oo ka fikirayey sida dhulkaa muslimiinta iyo masaajidkani ku lumay oo ahayd khilaaf muslimiinta dhexdooda ah. Waa arimo uu ilaahay SWT uga digay muslimiinta in aanay is khilaafin; haddii ay is khilaafaana in ay fashilmi doonaan oo awoodoodu lumi doonto. Taas ayaa dhacday, ka dib markii muslimiintu dhexdooda isku mashquuleen ayaa xoogag ay horkacayaan kiniisadaha reer galbeedku waxay dagaallo arxan darro ah oo mudooyin badan socday ka dib la wareegeen dhamaanba goobihii muslimiintu lahaayaan oo masaajidkana ka mid ahaa. Masaajidka waxa kiniisad loo bedelay sanadkii 1236kii.

Sanadkii 1994, hay`ada qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO, waxay masaajidkan iyo dhamaanba dhismayaasha qadiimka ah ee ku xeeranba u aqoonsatay in ay yihiin goobo taariikhi ah oo u baahan in la ilaaliyo, lana daryeelo.

Ka dib kormeerkaa ruuxiga iyo taariikh barashada ah oo qaatay saacado badan, waxaan dib ugu luuday goobtii aan deganaa aniga oo qiiraysan oo taariikh badana faraqa ku soo guntaday. Waxaan in badan ka fikirayey aqoonta iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu ka hirgaliyeen Andalusia sida wax qorista iyo wax akhriska oo ay bareen dadkii ku hoos noolaa xukunkaa islaamiga ah, habka dhismayaasha waaweyn ee casriga ah loo dhiso (architecture, المعمارية الهندسة), cilmiga daweynta dadka iyo xoolahaba (البيطري والطب الصيدلة), culuumta xidigiska (astronomy الفلك علم), xisaabaadka (mathematics الرياضيات) iyo culuum badan oo la xidhiidha dhirta iyo waxtarkooda. Waxase wax laga xumaado ah in markii kiniisada iyo ciidankeedu ay qabsadeen dhulkaa muslimiinta, in dadkii muslimiinta ahaa xasuuq lagu bilaabay, oo wax la dilay iyo wax lagu khasbay inay diinta ka noqdaan laga dhigey. Tiro yar oo aan badnayn ayaa firxad kaga baxsaday Cordoba oo dib ugu soo gurtay dhulalkii kale ee muslimiintu ka talinayeen ee ku yaalay waqooyiga afrika. Ileyn xareeda lagama dhargee, subaxdii dambe markii uu waagu baryey waxaan hadana mar labaad ku noqday isla goobihii aan shalay soo booqday aniga oo durduuranaya taariikhdaa qaalliga ah ee muslimiintu kaga tageen Spain! Keligay maaha ee dadka goobahaa booqdaa kama xiiso gooyaan daawashada Medinat Al-Zahraa iyo masaajidka weyn.

Hore ayaa loo yidhi sheeko iyo shaahid isku mid maaha (wax aad indhahaaga ku aragtay wuu kaaga duwan yahay wax lagaaga sheekeeyey), wax badan oo aan sheeko ahaan ku maqlay amaba ka akhristay buugaagta taariikhda ayaan soo taabtay! Waxaan aaminsanahay taariikhdayda oo aan barttaa inay ka muhiimdsan tahay barashada taariikhda kacaankii faransiiska (The French Revolution), kacaankii Ruuska (the Bolshevik revolution), socodkii dheeraa ee Mao (the long march of Mao Zedong) iyo kuwa la midka ah

La soco Q2aad iyo socdaalkaygii Granada iyo qasriga caanka ah ee Alhambra.

Qalinkii Cabdikariim Cali Baarjeex
United Kingdom.