Writen by Qaran News |

Tan iyo gu’gii 2016ka ayaa ay shaqaaqooyin soo noqnoqday dhex marayeen beelo walaalo ah, oo wada deggan degmada Ceel-af-weyn ee Gobolka Sanaag. Dad iyo duunyo toona la iskuma hayo. Waxa la isku qabsaday dhul la gelinayo baco roobka keydiya oo baraago ama ceel u dhigma. Maandhaafkii ayaa ugu horreyn shan qof lagu dilay, kaddibna aano ayaa bilaabantay. Iska-hor-imaadyadaas waxa ku qudh-baxay dad gaadhaya 56 ruux, dhaawacuna waxa uu ku dhaw yahay 150 ruux.

Dhacdooyinkaasi waxa ay dhiig-bax iyo dhiillo ku ahaayeen guud ahaan ummadda Soomaalilaan, iyaga oo ruxayay qalbiga iyo garaadka qof kasta oo damiir nool leh. Inkasta oo si wadajir ah loo saxeexay heshiisyo dhawr ah, haddana si buuxda uma ay dhaqan-gelin. Shaydaanka ayaa ka faaiidaystay collaytanka dadka wada dhashay ee aan geeri mooyaane, geeddi ku kala tegi karin. Waxa calool-xumo naga haysay in la kala fiigay oo la kala fallaagoobay.

Abwaannadu waxa ay ka mid yihiin tiirarka bulshada, waxaanay xilliyo kala duwan is-weydiiyeen in aanay ka gaabsan iyo doorka ay ka qaadan karaan dhexdhexaadinta. Waxa si gaar ah loo falanqayn jiray hannaanka kaalin looga qaadan karo maaraynta shaqaaqada. Ma maanso saxaafadda laga baahiyo ayaa door qaadan karta? Miyaanay ahayn in dhulka la tago, dadka lala kulmo, xaaladda dhabta ah la derso? Miyaanay ahayn in wacyigelin lala horjoogsado dhinayada ay hawshani khusayso?

Ugu dambayntiina waxa aragti togan keenay Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganey taas oo ahayd in si is-xilqaan ah lagu tego dhulka dirirtu ka dhacday, waxa uu la wadaagay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo si san u guddoomay. Taladaas waxa sidoo kale loo gudbiyay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), Siciid Gahayr, Abwaan Hal-deeq iyo Abwaan Qalinle oo si heersare ah u soo dhaweeyay. Sidaas ayuu ku curtay abaabulka Safarka Hal-abuurka Ee Nabadaynta Sanaag.

Maalinnimo Hakisa (Khamiis) ah oo sooyaalku ku suntanaa 24kii Mey 2018ka dhanka kalena ku sargo’an 8dii Ramadaan 1439ka ayaanu markii la afuray ka ambabaxnay magaalada Hargeysa, annaga oo ka kooban shan hal-abuur oo kala ah:

1. Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax)

2. Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganey

3. Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees)

4. Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq) iyo

5. Siciid Maxamuud Gahayr.

Laba gaadhi oo aanu wadannay waxa direwallo ka ahaa Cabdiraxmaan Xaashi Cabdillaahi (Gadhyare) iyo Jirde Axmed Xaaji Ibraahin. Waxa ay ahaayeen laba nin oo guurti ah, waayo-arag ah, dal-mareen ah oo dadnimo fiican. Si fiican ayay tabaabushaha safarka meel weyn uga galeen. Waa aan uga mahad-naqayaa xilkasnimadii fiicnayd.

Waxa aanu isa-sii raacnay Aqoonyahan Rooble Cabdi Muuse, Guddoomiyihii Hore ee Dalladda SONYO Axmed Cabdi Wacays iyo Baresare Siciid Cabdi Jaamac oo iyaguna si gacaltooyo, milge iyo maamuus leh noogu sii gelbiyay magaalada Burco. Nimankaas aqoonyahanka ahi waxa ay u bogeen ujeeddada aanu u soconno, taas ayaana sabab u ahayd in ay sii-dhaweyntayada ugu socdaalaan illaa xarunta Togdheer. Tixgelintoodaasi waxa ay noo muujisay sida ay bulshadu ugu heellan tahay nabadaynta iyo xasilinta colaadda hantaaqada leh ee hadhaysay geyiga Ceel-af-weyn.

Intii ay wadartu isku soo dhammaanaynaysay waxa aanu ku sii hakannay Xarumaha Dukaamaysiga ee Shiraaqle iyo Kaah oo ku yaalla Bariga Hargeysa. Halkaas ayaanu iska wada raacnay annaga oo saddex baabuur ah, tiradayaduna ay tahay toban ruux. Qolo kastaaba iskeed ayay ugu filnayd inay isa sii maaweeliyaan, xog-waraystaan oo ay safarka ku illaawaan sheeko guud. Taangiyada shidaalka iyo taayirrada waa aanu sii buuxsannay.

Tix ayuu hal-abuur kastaaba u curiyay waanwaanta. Aniga iyo Haldeeq hore ayaannu u faafinnay. Baabuurka waxa aanu wada saarnayn Cabdiraxmaan Abees, intii aanu jidka isku xidha Maroodijeex iyo Saaxil ku jirnay ayuu abwaanku ii mariyay sadarro ka mid ah geeraar uu colaadda Ceel-af-weyn ka tiriyay.

Waxa meerisyadiisa ka mid ahaa:

“Ceel-afweyn taladeeda

Looma caal heli waayin

Cuqdad weynna ma taalle

Ciriqaan la abbaarin”

Waxa aanu cabbaar ku sii hakannay magaalada Berbera oo aanu kula sii kulannay Mudane Guuleed Xasan Dirir Guddoomiyaha Ururka Tusmo, oo uu isla ayaantaas adeerkii rumaad ku geeriyooday laguna aasay Burco, dhambaal tacsi ah ayaannu u gudbinnay. Isla Berbera waxa aanu ku sii bariidinnay Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil Md Jaamac Yuusuf Axmed oo nooga warramay waxyaabihii ugu adkaa ee soo maray intii uu ahaa Badhasaabka Gobol-xeebeedka, doorkii uu ka qaatay maaraynta shaqaaqadii 2014ka ka dhacday Awdal ee uu Suldaan Wabar hoggaanka u ahaa, waayihiisii siyaasadda iyo sababta uu weli ugu negi yahay Saaxil isaga oo xilkii wareejiyay.

Nasiib-darro, annaga oo isla magaala-madaxda gobolka Saaxil ku sugan, ayaannu saq-badhkii maqalnay geerida Muxiyadiin Maxamed Xuseen (Muxiyadiin Good Abees) oo si kedis ah ugu dhintay magaalada Hargeysa. Isla maalintaas ayuun baa marxuunka la geeyay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, markii aanu caasimadda ka baxnay ayaannu ogaannay xaaladda la deristay. Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa ku soo laabtay Hargeysa si uu uga qayb-galo aaska, waxa uu isla mirtii ka soo noqday degmada Sheekh.

Walaw aanu dhammaantayo ka tiiraanyoonnay galbashada Muxiyadiin, waxa labadooda ka dhexaysay walaalnimo, saaxiibtinnimo iyo is-aqoon qoto-dheer. Wakhti fiican iyo waayo nololeed ayay ku wada qaateen Carriga Ingiriiska iyo ciidda Soomaalilaand. Foolka (wejiga) Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa aanu ka dareennay is-beddel, murugo iyo tiiraanyo weyn. Gebi ahaan waxa doorsamay midabkiisii, shaxshaxdii iyo furfurnaantii ayaa ka guuray, hadalkii ayaa ku istaagay, dad badan ayaana soo wacay iyaga oo ka xaqiijinaya geerida. Guud ahaan waxa ku xeernaa caloolyow iyo urugo. Hore ayaa loo yidhi “Geeridu nimaanad garanayn iyo geeljire ayay ku fiicnayd”.

La soco qormada labaad idanka Alle
Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com, saedmgahair@hotmail.com