Writen by Qaran News |

Arooryo Soo-roga (Sabti) ah oo ku beegnayd 2da Juun 2018ka ayaanu ka soo baxnay Ceerigaabo, si aanu goobjoog uga noqonno shirka nabadda ee la amba-qaadayo isla markaana aanu fagaare ugala hadalno dadka reer Ceelafweyn. Waxa aannu xarunta martida Ceel-af-weyn kula kulannay Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maayarka Degmada Ceel-af-weyn, Saraakiisha ciidanka qaranka iyo cuqaal ka kala socotay labada dhinac ee colaaddu u dhexaysay. Kolkii madarku bilaabmay waxa ay Badhasaabka iyo Cuqaashu iska waraysteen halka ay marayso waanwaanta labada dhinac. Annaguna waxa aanu halkaas kula wadaagnay barasho guud iyo ujeeeddada aanu u soconno.

Intaas kaddib waxa aanu isku deynay in aanu abaabulno fagaare aanu kula hadalno bulshada. Laakiin khad cagaaran ayaa dhex yaalla labada beelood oo walaalaha ah. Magaaladii waxa dhex taalla soohdin dad-samee ah oo ay xurguftu sabab u tahay. Waxa aanu ku horraynay dhinac, halkaas waxa aanu kula kulannay dhallinyaro aqbalay in ay fagaaraha yimaaddaan. Xaruntii martida ayay da’yarta dhinacaas magaalada ahi noogu yimaaddeen.

Wiil qabanqaabada hormood ka ahaa ayaanu nidhi “dhanka kale ma u tallawnaa, si aynu dhallinyarada kale ugu yeedhno?”. Waxa uu yidhi “Idinma raaci karno oo qoryihii ma sidanno”. Waxa aanu nidhi “ma hub ayaad leedahay?”. “Ma nin aan qori lahayn ayaa jira. Laba qori iyo baaskoolad ayaan leeyahay” buu yidhi. Ninka hubkaas lihi waa siddeed iyo toban jir. Isuma gudbaan, waxaana adag in goob lagu kulmiyo. “Haddii xaaskaagu/qoyskaagu yaallo daanta kale, lama oggola in aad habeenkii u gudubto. Waxa lagu farayaa in aad seexato halka beeshaadu taallo” ayaa la yidhi.

Xilliyada qaarkood, waxa laga cabsanayaa in uu gacan-ka-hadal dhex maro barbaarta degmada haddii kob la isugu keeno. Sidaas oo ay tahayna habeen walba waa ay kala guursadaan. Waxa aanu isku deynay in aanu la hadalno 11:00 aroornimo, laakiin suurtagal ayaa ay noqon weyday. Haddana waxa loo ballamay in aanu 16:00 la hadalno bulshada, waxa se adkaatay in aanu madal ku kulminno. Duhurkii waxa aanu kala seexannay guriga martida, albeerko iyo geed ay neecaw qaboobi ka dhacaysay.

Aniga iyo Abwaan Laabsaalax waxa aanu geed damal ah la jiifsannay askartii nabadaynta u joogtay deegaanka. Hurdadii ugu fiicnayd ayaanu maalin-badhkaas nasiib u helnay. Waxa noo caddaatay in aanay hirgeli karin mid ka mid ah himiladii aanu lahayn ee ahayd fagaare-hadalkii hal-abuurku u qorsheeyay Ceelafweyn. Sidaas awgeed ayaanu ugu soo baxnay dhinaca Burco.

Waxa aanu ku afurnay Fadhigaab, cabbaar ayaanu waano guud la wadaagnay dadkii kobtaas ku sugnaa, Xeraaddiinna waxa aanu ku cunnay Garadag. Dad uu Siciid Cabdi Siciid Ayaanle ka mid yahay ayaa halkaas si fiican noogu soo dhaweeyay. Isla judhii aanu ka dhaqaaqnay, waxa sheedda nooga muuqday hillaac ku da’aya deegaanka u dhexeeya Garadag iyo Ina Af-madoobe. Markii aanu waxyar soo dhaafnay Garadag ayaa uu roobku na helay. Hillaaca baxaya, dhibica qurxoon, doogga, buuraha, fadadka cirka ku shaqlan, saxansaxada carfaysa, cagaarka iyo jawiga cimilada cuddoonba waa aanu ku raaxaysannay.

Laba saacadood iyo dheeraad ayaanu soo dhex soconnay dhibic hooraya iyo daad soconaya laamida hareeraheeda. Daymada u fiicanaa, dubaaqu ku degi ogaa, naftu ku nafisi ogaa. Baqoolkaas Bancadde, Saraar iyo Gobol-weynaha Sanaag waa wax suugaan laga curiyo. Alla bilic-samaayee, dalku ballaadhnaayee, baaxad lahaayee, oo bilnaayee. Dhulkaas hodanka ayaa micne la’aan la isugu hirdiyaa, hadhacii iyo hadhkii nabadda ayaa la dhaafsanayaa hoobiye iyo hagardaamo. Kuwii is-daaddahayn lahaa ayaa la isku dirayaa.

Intii aannaan kaantaroolka Burco soo gaadhin ayuu Suxufi Keyse Axmed Digaale la soo hadlay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, waxaanu u bandhigay in aanu SAAB TV siinno waraysi ku saabsan wixii aanu Sanaag ku soo aragnay. Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa uu sheegay in aannaan diyaar u ahayn waraysi xasaasi ah oo wax faqa, wixii talo ah ee aanu wadnana aanu u gudbin doonno cidda middida daabkeeda haysa. Taas beddelkeedana aanu xogwarran guud ka siin karno socdaalka aanu ku gaadhnay Sanaag. Si xog-gudbintaasi berri u dhacdo ayaa loo gartay in aanu seexanno Burco.

Abbaaro 11:00kii habeennimo ayuu Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Dubbad (Maxamed Dhigane) nagu soo dhaweeyay Burco. Walaw uu qoonduhu ahaa in aanu sii guuraynno, waxa aanu goaansannay in aanu seexanno magaala-madaxda Gobolka Togdheer. Halkaas ayaanu kaga nasannay daalka socdaal xidhiidh ahaa oo qaatay toddoba saacadood.

“Berri waxa aynu waraysi gaar ah siinaynnaa Saab TV, waxaana nala soo xidhiidhay Keyse Axmed Digaale. Si aynu hawshaas u fulinno, waxa aynu caawa ku negaan doonnaa Burco, marka aynu intaas qabanno ayaynu u ambabixi Hargeysa” ayuu yidhi Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), markaas oo aanu ku sugnayn Nasteexo Hotel ee Bariga Burco. Abwaanku waxa uu xogta gaadhsiinayaa bahdayadii baabuurka kale saarnayd. Tolow hudheelkee la seexanayaa. Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa nagu wargeliyay “Isla Nasteexo Hotel ayaynu seexannaynnaa caawa. Qof walba waa u diyaar makhsinkii uu jiifsan lahaa”.

Habeenkaas si fiican ayaanu uga nasannay diiftii safarka. Qof kastaaba qolkiisii ayuu ku turqaday/gam’ay. Abbaaro maalin-badhkii ayaannu kaakacnay. Waxa noo yimi Cabdirisaaq-Koronto oo ahaa Suxufiga Saab TV warka uga soo tebiya Burco. Waxa warbixin kooban siiyay Siciid Maxamuud Gahayr iyo Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq). Abwaan Cabdiqaaddir Qalinle waxa uu nagu sagootiyay magaaladiisii Burco, annaga oo toddoba ruux ah ayaanu dhinaca Hargeysa u soo baxnay 14:34 maalinnimo. Iyada oo aan cadceeddu dhicin ayaanu Hargeysa soo galnay.

Xiisihiisa, xasuustiisa iyo xurmadiisa ayuu lahaa safarkaasi. Shan nin oo xilkas ah, xeerbeegti ah, xaq-dhawr leh oo xildhibaanno ah ayaan lix ku ahaa. Halkaas ayay ku dhan tahay warbixintii Safarkii Hal-abuurka ee Nabadaynta Sanaag. Waad ku mahadsan tihiin akhriska iyo dareen-celinta togan.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com, siciidgahayr@gmail.com

Hargeysa