Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti oo lagu casuumay Xuska Xasuuqii Rwanda, Lana Meeqaam ahaa Safiirada Maraykanka iyo China….

Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qaybgalay Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda dalka Ruwandi ku leedahay dalka Jabuuti, iyadoo safiirka Ruwanda u fadhiya Jabuuti u soo casuumay Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti iyo Safiirada kale ee ku sugan dalka jabuuti.
Ujeedada munaasibada ayaa ahayd xus sanaadla ah, oo dadka reer Ruwanda ku xusaan xasuuqii ba’naa ee Rwanda dhacay sannadkii 1994-kii, kaasoo lagu xasuuqay in ka badan 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda tuutsiga.

Safiirka dalka Ruwanda u fadhiya Jabuuti, ayaa Afrika uga digay colaadaha qabiilada, isagoo sheegay inay tahay fool-xumo iyo xad-gudub, waxanu tilmaamay in cashar laga barto wixii 1994-kii ka dhacay Ruwanda.
Si kastaba ha ahaatee, Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa sanaad walbaa lagu casuma Munaasibada Xuska xasuuqii Rwanda, sidoo kale Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti waxa kaloo lagu casuumada kulan kastaa oo lagu casuumo diblumaasiyiin iyo safiiro, waxana hada uu dhex fadhiyay lana meeqaam ahaa safiirada China iyo maraykanka.