Hargeysa(Qaran news)- Salaadiinta Beesha Habarjeclo, ayaa ka hadlay rebshado xalay ka dhashay xaflad ay xalay Hargeysa ku qabanayeen dhallinyaro Habar jeclo ahi oo uu buuq ka dhashay markii ay is khilaafeen dhalinyaradii madasha ku shiraysay iyo qaar ka soo horjeeday.

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo ah suldaanka guud ee Beelaha Habarjeclo, ayaa sheegay inay salaadiintu heshiiyeen isla markaana loo baahan yahay inay dhalinyarada Burco iyo Hargeysa isku khilaaftay ay midoobaan.
Suldaanka guud wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay nabada ka shaqeeyaan.

Sidoo kale Suldaan Maxamuud Guulleed Mire ayaa sheegay in aan shir magaca beesha lagu qabanayo aanay iskugu iman karin ciddina, wuxuuna xusay in salaadiinta Habar jeclo muddaysan yihiin.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay suldaan Siciid Yusuf Ducaale oo taageeray baaqa ay soo saareen labada suldaan ee ugu waaweyn beesha Habarjeclo.