Writen by Qaran News |

Waxa hadda jira dunida in ka badan 1000 saldhig milatari kuwaas oo waddamo badan ay ku leeyihiin waddamo aan kuwooga ahayn.
Waddanka saldhigyada ugu badan caalamka ku leh waxa kamid ah maraykan kaas oo leh in ka badan 100 saldhig milatari, halka waddamada Nato ku jiraa ay iyaguna leeyihiin ilaa ku dhawaad 200 oo saldhig.
Saldhigyada militari ee tiradaas leh ayaa waddamada ugu badan ee marti galiya waxa ka mid ah waddamadii ku jabay dagaalkii labaad ee dunida oo ay ka mid yihiin: – Japan, Germany, Italy iyo South Korea.
Faransiiska iyo Ingiriisku waxay kaga duwan yihiin Maraykanka iyo Shiinaha inay iyagu ku leeyihiin saldhigyadooda waddamadii ay gumaysan jireen.
Ingiriisku waxa uu ku xoogan yahay:- koonfurta atlaantikada iyo midhitareeniyanka, sidoo kalena wuxuu qayb ka yahay hawlgalada milatari ee NATO ka wado bariga Yurub, faransiiskuna waxa uu ku leeyahay koonfurta badweynta baasifiga iyo Galbeedka Afrika halka Ruushkuna ku leeyahay lix waddan oo kamid ah waddamadii midawga soofiyeet iyo weliba Suuriya oo ah meesha kali ah ee ka baxsan ciida dhulkii Midowga Soofiyeeti ee Ruushku saldhig ku leeyahay, sababta uu u difaacayo Dawladda hada Suuriya ka jirta ee wadamada Gobolka iyo Reer Galbeedku ka soo horjeedaana waxa ay ku tilmaamaan khubarada Siyaasadda iyo kuwa militarigu ba inay la xidhiidho sidii uu uga hortagi lahaa inaan lagu cadaadin in uu saldhigaas kala baxo Suuriya haddii dawlad cusub meesha ka dhalato.
Hindiya lafteedu waxay ku leedahay saldhig milatari waddanka Tajikistan halka uu saldhigyo kale oo uu ku bixiyo tababarada ka dhanka ah budhcad badeeda uu ku leeyahay wadamo qaarada Afrika ku yaala sida Seychelles iyo Mauritius. Guud ahaan Hindiya waxay leedahay saldhigyo dibadeed oo gaadhaya ilaa 6 saldhig
Marka hor dhacan loo sii daadago waxa hadda geeska afrika sidoo kale kusoo xoogaysanaya saldhigyada milatari kuwaas oo ay ugu danbeeyeen Ethiopia, Djibouti, Eriteriya, Somaliland iyo Somalia oo quwadaha Maraykanka, sucuudiga, Imaaraadka, Talyaaniga, Japan, Shiinaha, Jarmalka, Turkiga iyo Faransiiskuba saldhigyo ku leeyihiin.

Saldhigyadan waxa ugu dambeeyay kuwa laga yagleelayo dalalka Eriteriya iyo Somaliland oo Imaaraadka ka samaysanayo, ujeedaduna ay tahay in laga fuliyo hawlgalo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ee dhabarka ku haya Dawladda Iiraan, sidoo kalena waxa soo dedejiyey in Imaaraadku saldhig ka samaysto Ereteria iyo Somaliland ba ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayaa in saraakiil ka tirsan ciidamada Iiraan ay hub ka gudbiyeen xeebaha Somaliland una gudbiyeen kooxaha xuutiyiinta ah ee dagaalka kala soo horjeeda hawlgalka Sucuudigu horkacayo.

Dhibaatooyinka saldhigyada milatari.
******************************
Dhibaatooyinka laga dhaxlo saldhigyada military aad iyo aad baa ay u baaxad weyn yihiin waxaanay khatar ku yihiin:- nabadda iyo amniga qarana. Haddii aan saldhigyo milatari ka dhisnayn Kuwayd, way adkaan lahayd in Ciraaq la weeraro xilligii dagaalkii Ciraaq ee 2003dii.
Saldhigyadu waa xarrumo lagaga duulo waddamada ay dalka saldhiga leh is hayaan siyaasad ahaan iyo militari ahaanba.
Saldhigyada waxa loo isticmaalaa inay noqdaan xarrumo lagu toorjar gareeyo maxaabiista laga soo qabto waddankaas iyo waddamada kala duwan ee kale sida ka dhacday xabsiga Maraykanku ku leeyahay wadanka Cuba.
Saldhigyada milatari waxay ku beeraan waddamaday u dhaxaan hub, qas siyaasadeed iyo sidoo kale amni xumo. Imaaraadka oo saldhig militari Somaliland ku yeesha macnaheedu waa inuu siyaasadda gudaha ee Somaliland farogelin ku sameeyo isla markaana uu xisbiyada ka jira Somaliland ka dhex samaysto siyaasiyiin Imaaraadka ku xidhan oo danaha imaaraadka ka shaqeeya, sidoo kalena waxa iman doonta in Imaaraadku uu hawlgalo ka dhex sameeyo gudaha Somaliland kuwaas oo caqabad ku noqda amaanka Somaliland.
Saldhigyada milatari waxay halis ku abuuraan dadka ku agdhaw deegaanka laga hirgaliyo saldhigyadaas, tusaale ahaan waxa dadku la kulmaan:- kufsi haweenka iyo caruurta askartaasi kula kacdo, danbiyo ay ka galaan shacabkaas iyo sidoo kale dhaqan xumo iyo xanuuno ay ku baahiyaan deegaanadaas.
Waxa loo isticmaalaa xarrun waddankaasi hubka ku kaydsado iyo basaasba.
Saldhiyada milatari waxay dhaawac u keenaan deegaanka iyo cimilada ay ku yaalaan hadday tahay dhibaatada ka timaada hubabka ay tijaabiyaan iyo sunta kasoo hadha hubka oo waxyeelo gaadhsiisaa:- dhirta, badda, carrada, xoolaha nool iyo dadkaba; tanni ugu dambaynta waxay keentaa cudduro cusub iyo carro iyo xoolo guur ba’an.
Saldhigyada milatari waxay sidoo kale hoy u noqdaan goob ay kasoo aasaasmaan danbiyada iyo kacdoonnada, waayo waxay tababar siin karaan dawladda cidda kasoo horjeedda haddiiba ay isfahmi waayaan; sida oo kale waxay si xatooyo ah u iibiyaan hubka.
Tusaale ahaan waxa ka dhacday Koonfurta Kuuriya sidan:-
2002 ayaa waxa laba hablood oo dhallinyar ah, kuwaasi oo u socday xaflad dhalasho ah oo saaxibaadood lahayd jiidhay taangi ciidan oo askari maraykan ahi watay, markii dawladda Koonfurta Kuuriya ay isku dayday in askarigaas la maxkamadeeyana waxa dhacday in maraykanku diiday in Koonfurta kuuriya lagu maxkamadeeyo; taas badalkeedana loo qaadi doono maraykan.
Markii maraykan loo qaadayna waxa maxkamaddii Maraykanku cadaysay inuu bilaa danbi yahay askarigaasi.
Sidan si lamid ah waxaa dhacday 2006 in askar maraykan ahi ka gaystaan 2600 oo shil kuuriya guddaheeda, shilalkan oo dhaawacyo iyo dhimashoba keenay eheladii dadkaasi lama siin wax magdhaw ah. Sababta oo ah waxa shirkaddii caymisku sheegtay in danbiiluhu waddanka ku joogo xaasanad oon waxba loo qabsanayn sharcina aanu dalku ka samaysan.
Haddaba, waxaad ka warantaa heshiisyada ay somaliland la galayso imaaraatka oo ah qaar aan aad loo lafa gurin dhibta ay yeelaan karaan?.
Saw somaliland kuma ciyaarayso bomb bilaa biin ah?.
Marka laga tago dhibaatooyinkaas aan kor kusoo xusnay saldhigga milatari waxa uu sidoo kale khatar ku yahay qaddiyadeena Gooni isu taag. Waxa uu keensan karaa in waddamada aaminsan midawga ummadda soomaaliyeed haddiiba aynu saldhigan u saxeexno inaan hadhaw ku qasbanaan karno inay inoo yeedhiyaan siday doonaan.
Saldhigyada milatari waxa looga soo joogay qarniyadii u danbeeyay inay ku qasbaan waddamada ay ka jiraan inay yeelaan siday iyagu doonayan kuna qasbaan soo fadhiisiga miiska wada hadalka.
Waxa badan tiraba waddamo ay afgambiyeen reer galbeedku iyaga oo caawinaya jabhaddo dantooda wada.
Tusaale ahaan Iiraan waxa saaran culays dhaqaale iyo mid dublumaasiyadeedba waanay adag tahay in taallaabooyin badan oo xadka bax ay qaaddo sababta oo ah waxa cidhifka ku haya waddamada iraq, afgaanistaan, hindiya iyo israa’iil oo intana saldhigyo ajaanib oo Nukliyeer yaalo ay ku yaalaan. Sidan aawadeed, waxay ku qasban tahay inay waxbadan ka taaasulaan. Soomaalilaan ahaanna waxa laynaga dhex abuuri karaa isla jabhaddo diidan gooni-isutaaga somaliland kuwaasi oo aakhirka qasbi kara colaad joogto ah oo waxyeelaysa qarankeenan curdinka ah ee cadawga badan leh. Hada wakhtigan aynu joogno waxa jira beelo badan oo tabasho saami ka qaba dawladnimada Somaliland, wax xal ahna dawladani kama soo saarin mashaqooyinka jira, kuwaas oo hadhaw Imaaraadku hubeeyo waxay halis ku noqon karaan xaalada amaanka iyo siyaasadda ee somaliland
Armay haboon tahay in hadda aan ka fiirsanno.!.
Waxaynu aragnaa dawladeena murdiso oo tidhaahda ‘Saldhig militari waxa uu abuuraa shaqooyin’. Haddii eraygaas inta aynu turjuno aduunyada gaadhsiino alla maxaa la inala yaabi lahaa?. Jabuuti bay tusaale u soo qaataan oo dhaqaale ahaan koboc samaysay intii saldhigyada militari laga hirgeliyey. Halkee dhaqaale kobocaasi ka yimid? Jabuuti iyo Somaliland marka qawaaniinta caalamiga ah ay timaado ma isku si baa loola dhaqmayaa? suaalahan la isma weydiiyo ee waxa aayar oo dhalatay ay dawladeenu tidhaahdaa Jabuuti ba dhaqaale ayey heshay. Waar Jabuuti waa dal la aqoonsan yahay oo shirkadaha dunida ugu waaweyni ay yimaadaan oo ay maalgashiyo ka samaysan karaan. haddii ay is qabtaana waxay isla tagayaan maxkamadaha caalamiga ah sida heshiiskii Jabuuti iyo DP World oo kale oo maxkamad ingiriis ah ay berigii dambe isla tageen, markaa dadka ha laga daayo beenta lagu akhrinayo ee ah waa la badhaadhayaa haddii Berbera saldhig laga dhigo.
Gabagabadii.
****************
Saldhigga milatari ee somaliland laga hirgalinayaa waxa uu u muuqdaa mid khasaare badan inoo soo wada hadday tahay:-
Qiimaha kiraynta saldhiga oo dad xogogaal ahi i xaqiijiyeen in lagu kireeyey wax ka yar $1.5 million sanadkii, waa qiimo aan sinaba macquul u ahayn.
Qaabka heshiiska loo galayo oon lahayn goobjoogeyaal caalami ah iyo shirkado sharci.
Iyada oo imaaraatku la siiyay dhul inoo dhisnaa oonu dhisanayn dhul cusub oo ay ahayd inuu inoo maal galiyo.
Imaaraatka oon aqoonsanayn somaliland lagaba yaabeba inuu jabhad milatarigeena u aqoonsan yahay.
Qunsuliyad tayo leh oonu inaga siin waddankiisa.
Caawimo aanu ilaa hadda ka gaysan dadka abaaraha u dhimanaya.
Dagaalka xuutiyiinta oo colaad inoo horseedaya.
Masuuliyadda khasaaraha ka yimaad oon cid qaadasaa jirin.
Noocu heshiisku yahay aynaan u kala garanayn labada nooc ee waddamadu heshiisyo milatari u galaan.
Isbadbadalka siyaasadda geeska iyo ta soomaalida.
Haddaba, waxa muddooyinkii u danbeeyay isa soo tarayay bulshooyinka caalamka ee kala duwan kuwaasi oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqa loo yaqaan International no-bases network kuwaas oo gaadhaya ilaa 450 dhaqdhaqaaq oo daafaha dunida ka jira, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin:-
Okinawa.
In Diego Gracia iyo
In vueques dhamaantood waxa u dhaqdhaqaaqaan sidii dunida looga tirtiri lahaa saldhigyada ajaanibka ah ee ka jira. Sidaas daraadeed waxaan bulshada reer somaliland ugu baaqi lahaa in ururadaas caalamiga ah qayb laga noqdo si loo badbaadiyo caruurteena iyo qarankeenaba.
Jamal Tuutaweyne
Congo-kinsasha.
jamaaltuutaweyne143@outlook.com