• Saleebaan Barre, oo ahaa Abaanduulaha ciidanka Somaliland ayaa is ka tegay oo dhawaan na saxaafadda sidaas ka sheegay. Waxa uu yidhi sababta aan u tegay waa dhibta dadkayga la gu hayo, waxa aan se ogahay intaas uun in aanay sababtu ahayn. Saraakiisha ciidanka SL qaarkood oo aan la sheekaystay waxa ay ii sheegeen ninkaas in si xun loo gacan bidixeeyay. Waxa loo arkay cadowga gudaha, ka dib na, sarkaalnimo magac uun ah laakiin aanay waxba ku dhex jirin buu ku soo dhacay. Isaga oo Abaanduulaha guud ee ciidanka ah, ayaa markii tolkii iyo taliska Hargeysa is ku dhaceen, la ga dul talaabsaday. Ninkii ciidanka hawlgelintooda xilkiisu ba ahaa, ayaa waxba la weydiin waayay, halka nin la gu magacaabo Shaqale oo aan ciidanka ba ka mid ahayn, uu talada wax ku leeyahay, ee kulamada go’aanada la gu gaadhaayo uu fadhiyo. Saleebaan waxa uu ogaday, sida dadka kale ba u ogaayeen, in la ga xan qarsado. Talis ku dhisan caqli qabiilaysan ayaa sidaas ah, Saleebaan na runtii ma u furnayn talo aan ahayn taas uu ku dhaqaaqay. Waa sidii aan yeeli lahaa uun hadii aan isaga ahay, oo aan arko waxa uu arkay. Nidaamkii Siyaad ayaa waayadii dambe ee uu aadka u sii qudhmay, talada ay goyn jireen odayaal iyo dad suuqa jooga oo aan xil ba haynin, halka saraakiisha reeraha qaarkood, sida Isaaqa oo kale, ay suuqa is ka joogeen oo aan waxba la weydiin jirin. Maanta iyo shalay isu ekaa.Maxamed Haaruun Biixi