Writen by Qaran News |

Sanaadiiq Codad Foojari ah laga soo buuxiyey oo laga Keenay Hargeisa & gabiley oo la qabtay

Hargeisa-(-Qaran-news)-Ilo wareedyo xogogaala ayaa u xaqiijiyey Warfidieeynka Qarannews in Xubnaha Xisbiyada & Komishanka Doorashooyinka ee ku foogan Tirinta Codadka Sanaadiiqda Gobolka Maroodi-jeex heleen Sanaadiiq codad ka buuxaan oo aan lahayn wax tixraaca,islamarkaana aanay saxeexin Xubnihii  metelayaayey Komishanka Doorashooyinka Goobta & weliba Sadexdii Muraaqib ee metelaayey Xisbiyada Ucid,Waddani & Kulmiye Gebi ahaanba.

Ku darsoo Sanaadiiqdan cabeeysan ee la qabtay ayaa Komishanku karantiimeeyay,Meel gaarana dhigay ilaa laysagu imanaayo,waxay kaloo xogguhu intaas ku dareen in sanaadiiqdan Qaarna laga keenay Hargeysa gudaheeda,halka kuwo kalena laga keenay Gabiley.

Inkastoo weli tirinta Gobolka Maroodi-jeex & Hargeysa socoto haddana waxa jira Tibaaxoo kale oo sheegaya in la filaayo ina la helo tiro kale oo sanaadiiq la soo cabeeyay ama codad foojariya laga soo buuxiyey.

Qarannews