Dadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa weli wada dedaallo ay ku soo samata-bixinayaan wiil dhallinyaro ah – Maxamed Siciid Cali – oo ku dhacay godadka dahabka laga qado ee buuraleyda Calamdow ee degmada Laasqoray.

Tan iyo xalay oo wiilka dhallinyarada ah godka ku dhacay weli ma jiro gurmad dowladeed oo gaadhay.

Waxaan ay Soomaalidu aad u xasuusataa Wiilkii reer Maroco ee dhamaan Warbaahinta caalamka qabsaday si loo badbaadiyo inkasta oo ay tiisii noqotay.
Wiilkaasi wuxuu u baahan yahay gurmad hadii Ilaahay u qoray nolol.