





Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada xeebaha ayaa soo dhaweeyey wafti ka socotay Taiwan gaar ahaana Ciidanka bada ee ( Ocean Affairs) ee dalkaasi oo manta soo gaadhay caasimada Somaliland Hargaysa
Booqashadan waftigan ayaa lagu gorfayn-doona iskaashiga amaanka badaha aduunka iyo badaha labada dal ee Somaliland iyo Taiwan
Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL oo uu weheliyo abaandulaha 1-aad ee Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Col: Khadar Maxamed Aw Ciise ayaa casho sharaf u sameeyey waftiga manta dalka soo gaadhay ee ka socota Ciidanka badda ee Taiwan ee ( Ocean Affairs )






