Writen by Qaran News |

morganluul2

Hargeysa,(Qaran-news)- Sawirkani hoos yaalaa waa Bashe Cawil Cumar iyo haweenayda uu qabo ee noloshiisa lahayd Luul Axmed Siilaanyo, sawirkani laga qaaday Morgan oo Luul dhunkanaaya ayaa ilaa ayaamahnba dhex boodaayay baraha ay bulshadu ku kulanto oo aad looga hadal hayay asturaad  la’aantiisa.
BasheMorgan
Baashe Morgan oo magaalada London ka heesi jiray aroosyada ayaa noloshiisa waxa si weyn wax uga badashay kolkii ay kulmeen Luul Axmed Siilaanyo, sidaasina ay ku noqotay haweenyda leh nolishiisa qaybtii danbe.

Ninkani Bashe Morgan ayaa siyaabo qaldan uga faa’iidaysta awooda madaxweyne Siilaanyo oo ah sodogii, waxna loo tirinyaa cabudhida saxaafada Somaliland, waxna uu hawada ka saaray wargayso sida Haatuf iyo Hargeysa Star, iyo iyada oo uu isku dayay in uu wanjalo saxafiyiin aan dalka gudihiisa aan ku sugnayn isga oo adeegsanaayay wasaarada arimaha dibada iyo hayado kale oo mihiima kuwaasi oo uu dhamaantood ku fashilmay

Hadii ay sawiradani kuu soo bixi waayaan fadlan ka booqo Firefox